Home » Warar »

Ra’isul Wasaaraha DFKMG “Hadda Dowlad Dhab ah ma Nihin laakiin….”

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka ku meel gaarka ah C/wali Maxmed Cali Gaas ayaa isagoo ku sugan Magaalada Washington una waramayey Warbaahinta ayaa sheegay in mudada sanadka ah ee dowladda u haray ay dadaal ka gaysan doonto sidii loo fulin lahaa go’aanadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan lagu soo gebagabeeyey xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen dhinacyada Amaanka, Dib u heshiisiinta iyo Dastuurka.

“Hadda ma nihin Dowlad dhab ah laakiin markaan ka baxno ku meel gaar Dowlad dhab ah baa yeelan doonnaa, taas oo geli karta heshiisyo kala duwan, hadda oo aan ku meel gaar nahay codad kuma lihin shirarka caalamiga ah” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Maxamed Cali oo sheegay in marka dowladdu ka baxdo ku meel gaarka ay dowladdu heli karto fursado badan oo dhinaca dhaqaalaha, dib u dhiska, iyo soo celinta kaabayasaha dowladda.

Ra’isul Wasaare Gaas ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Washington ayaa la kulmay qaar ka mid ah Xildhibaanada dalka Mareykanka oo uu uga waramay xaaladda dalka Soomaaliya mariyo, isagoo sheegay in intii yareed ee Dowladdu dhisneed ay ku guuleysatay arrimo fara badan balse dowladda Mareykanka looga baahan in ay Dowladda Soomaaliya gacan ka siiyo barnaamijyada kale ee ay dowladdu dooneyso in ay fuliso.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in dowladda federaalka xiligaan ka bixi Karin ku meel gaar iyagoo sheegay in ku meel gaarnimada looga bixi karo in doorasho laga qabto dalka soomaaliya oo dhan isla markaana ay soo celiso dhamaan gobalada Soomaaliya ka maqan, waxay kaloo ku meel gaar uga bixi kartaa iyadoo la helo dastuur ay codeeyeen shacabka Soomaaliyeed balse inta laga helo qodobadaasi dowladdu kama bixi karto ku meel gaar isla markaana aysan wax isbedel ah ku sameyn Karin tirade xildhibanada ee haatan. Haddaba isku soo wada duuboo waxay su’aal ka taagan tahay qorshayaasha uu wato Ra’isul wasaare Gaas sida ay u fuli karaan iyadoo dowladda ay soo wajaheyso mucaarado xoog leh oo ku aadan shirkii dhawaan lagu soo gebagabeeyey Xerada Xalane.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.