Home » Faallo »

Maarso Ka Hadleysa Marxaladda Dalka Soomaaliya oo Cinwaankeedu Yahay Ambaqaad


Ambaqaad

Maansadan ambaqaad waxaan curiyay 17.09.2011 waxaana igu dhaliyay dedaalka iyo ifafaalaha ka soo muuqda wadankeena inuu u baahan yahay dhiirigelin dhinac walba leh, dhawaaq dheer oo umada la gaadhsiiyo lana rajo geliyo iyo in laga maarmo waxyaabaha ay dadka qaar aaminsan yihiin in aduunku dhib nagu hayo ama dheef noohayo, waxaa nagu dhacay waa waxaan inagu samaynay, waxaana kaga gudbi karnaa inagoo dalkeena iyo dadkeena daacad u ahaana dhib iyo dheefna wadaagana bal hadaba bogasho wacan :

  1. Maansadii Ambaqaad
  2. Hadaan alifkeeda
  3. Araarta bilowga
  4. Intaan unko maanta
  5. Abaaro xogtayda
  6. Hadaan asalkeeda
  7. Aqoonta lafteeda
  8. Intaan ambaqaado
  9. Asleeyo runteeda
  10. Hadaan arinkeeda
  11. Ujeedka xagiisa
  12. Intaan u asteeyo
  13. Afeefto u sheego
  14. Asluubta dhigaalka
  15. Amuurta dhexdeeda
  16. Asraraar ka ilaasho
  17. Dadoow eraygeeda
  18. Eed meel iska saaro
  19. Ayaa bal la eersan.
  20. Allaa mahadaa leh
  21. Awoodna dhankiisa
  22. Aduunka wax jooga
  23. Abuuray dhamaane
  24. Ogaada xaqiiqda
  25. Hadaad aqalkaaga
  26. Afaafka adkayso
  27. Albaabkana oodo
  28. Ilaashate heedheh
  29. Alaabta dhexdiisa
  30. Ilaayn lumimayso
  31. Hadaad agabkaaga
  32. Agtaada ku dhawrto
  33. Ishaada ku hayso
  34. intaadba u jeedo
  35. Aqoon xumi tuuga
  36. Ileeyn arki mayo
  37. Hadaad ubadkaaga
  38. Aqoontiyo diinta
  39. Anfaaca wanaagsan
  40. Abaabis hagaagsan
  41. Asluub ku rabayso
  42. Ileeyn amban mayso
  43. Hadaad ehelkaaga
  44. Intii san ku raacdo
  45. Intii xun ka diido
  46. Adkayso xidhiidhka
  47. Adeecdo waxii san
  48. Ileeyn ma irdhoowdid
  49. Waxaan arartayda
  50. Arboow dulucdayda
  51. Ujeedo aqoonso
  52. Waxaan eraygeeda
  53. Afeef ugu yeelay
  54. Inay ambaqaado
  55. Asiibto halkii san
  56. Wanaag ku aroorto
  57. Intaad arinkaaga
  58. Ergooyin u dhiibto
  59. Afkaagu ka sheexo
  60. Inaad ku cadayso
  61. Aqoonta naftaada
  62. Inaad ku adeegto
  63. Hadaad asalkaaga
  64. Awoow dhaxalkiisa
  65. U oodo gumayste
  66. Ahaato alaabo
  67. Afkuun ka hadlaysa
  68. Awoodna lahaynin
  69. Hadaad isticmaarka
  70. Arboow u taqaana
  71. Adoonsi wax fiican
  72. Ilaawaydo dantaada
  73. Aboor ku cunayaa
  74. Hadaad u abqaasho
  75. Abuur iyo geedo
  76. Hadaad aynigaaga
  77. Asaaga filkaaga
  78. Abeed u ahaato
  79. Hadaad ururkooda
  80. Ushaada u dhiibto
  81. Adaa is dilaayee
  82. Ha eersan aduune
  83. Eelkaad dhigtay weeye
  84. Ugaabi naftaada
  85. La jiif urugtaada
  86. Afkaaga ka dhawro
  87. Cidbaa I ataagtay
  88. Usoo degay hoose
  89. Waxaa arligeena
  90. Abaarta ka yeelay
  91. Waxaa umadeena
  92. Alhuuma dul joogta
  93. Waxaa ubadkeena
  94. Asaagood ka reebay
  95. Waxaa odaygeena
  96. Agnaanka ka yeela
  97. Aqoon yahankeena
  98. U diiday odhaahda
  99. indheergaradkeenu
  100. waxuu la irdhoobay
  101. arliga u dhoofay
  102. ayaa garanayaa?
  103. aqoondaro maaha
  104. iftiinka aduunka
  105. islaanimo fiican
  106. awooda la yaqaano
  107. allaa ina siiyoo
  108. nimaan aqriyayna
  109. agteena ma joogee
  110. inaynu adeecno
  111. awaamirta eebe
  112. islaamna ahaano
  113. akhyaarnimo keeno
  114. ayaa is hortaagay ?
  115. haday umadeenu
  116. israaci lahaydoo
  117. aqoonsan lahayd
  118. mar uun arki layd
  119. idbaarka naftooda
  120. dhibkay ku idlaatay
  121. ur baa bixi laayoo
  122. ishaaro wanaagsan
  123. ayaa iman layde
  124. bal eega arligeena
  125. bal eeg umadeena
  126. bal eeg arageena
  127. anfiyo dhibka haysta
  128. abaarta ku faaftay
  129. irdhada olalaysa
  130. aydii lagu foofshay
  131. waxay afka saarto
  132. iyo anaanuf ka wayday
  133. bal aan u ekeeyee
  134. rag baa abid nooloo
  135. aqoon ka idlaanoo
  136. ilaalsha dadkoodo
  137. ilaah u diraaaye
  138. Abaabul wanaaga
  139. Asluubta nidaamka
  140. Uruuriyeheena
  141. Cismaan inankiisa
  142. Allman arinkiisa
  143. Inaaynu ku raacno
  144. Ayaa ila fiicaan
  145. Si aan u ahaano
  146. Dad aayo sameeyo
  147. Aqoona ku duulaa
  148. intaanan dhamaynin
  149. bal aan eraygeeda
  150. allaah barigiisa
  151. akhiir uga yeelee
  152. aamiinta I raacsha
  153. dadoow idilkiinba
  154. abaarta dalkeena
  155. ilaah haka qaado
  156. ixsaanka wanaaga
  157. islaanimo fiican
  158. ilaah hana siiyo
  159. aqoon lagu faano
  160. afrika laga sheego
  161. sidii awalkeenii
  162. ilaah hana siiyo
  163. dadkoo ah walaalo
  164. abti iyo ina eedo
  165. adeer inankiisa
  166. aayiyo ubadkeeda
  167. arxaamna dhexyaalo
  168. af xumo laga dhawro
  169. israaco dhamaana
  170. ilaah hana siiyo
  171. awlaad umadeeda
  172. hadeer u adeegta
  173. aqoonin xumaanta
  174. iblayska qabiilka
  175. axyaa wadanii leh
  176. ilaah hana siiyo
  177. dad koo is arkaaya
  178. eed aysan dhex oolin
  179. eexdoo la dhameeyo
  180. sinaan ambaqaado
  181. ilaah hana siiyo
  182. ibtilo xuma reebta
  183. isir lagu faano
  184. anaa u sareeyaa
  185. anaa xukumayaa
  186. anaa ugu fiicaan
  187. waxaa arligeena
  188. amuugan ka yeelay
  189. ilaah hana dhaafsho
  190. argaagaxa yaala
  191. aabaha la dilaayo
  192. agoonta qaxaysa
  193. aasayda haweenka
  194. ilmada qubanaysa
  195. ilaah hana dhaafsho
  196. afduubka dadkeena
  197. ayaamahan haystay
  198. ikhyaar laga qaaday
  199. awoodii dadweyne
  200. rag kale ku adeegto
  201. ilaah hana dhaafsho
  202. dadkoo isku uura
  203. ul iyo sida diir ah
  204. is aamin yimaado
  205. ilaah hana siiyo
  206. ilaah hana siiyo

Amiin Aamiin Aamiin

Faalo kooban:- Maansadani waxaa igu dhaliyay Nin saaxiibkay ah oo la yidhaahdo Maxamed Macalin Cismaan, (Allman) ninka aan ku halqabsanayaa waa isaga waayo waxaan ka arkay inuu yahay dadka u taagan , ilaalinta iyo xaqdhawrka , diinta, dhaqanka, umada, wadanka meel kasta waa qoraa sare oo ku hawlan uruurinta taariikhdii umada soomaaliyeed waxay ahayd meeshii jabkana inaga soo gaadhay iyo habka loo maarayn karo maanta , waxuu ku booriyaa dadka wadaniyad, wadaniyad waana loo dhashaa waana lays baraa mahadsanidiin dhamaan.

Waa qalinkii iyo Hall.abuurkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.