Ambaqaad
Maansadan ambaqaad waxaan curiyay 17.09.2011 waxaana igu dhaliyay dedaalka iyo ifafaalaha ka soo muuqda wadankeena inuu u baahan yahay dhiirigelin dhinac walba leh, dhawaaq dheer oo umada la gaadhsiiyo lana rajo geliyo iyo in laga maarmo waxyaabaha ay dadka qaar aaminsan yihiin in aduunku dhib nagu hayo ama dheef noohayo, waxaa nagu dhacay waa waxaan inagu samaynay, waxaana kaga gudbi karnaa inagoo dalkeena iyo dadkeena daacad u ahaana dhib iyo dheefna wadaagana bal hadaba bogasho wacan :
- Maansadii Ambaqaad
- Hadaan alifkeeda
- Araarta bilowga
- Intaan unko maanta
- Abaaro xogtayda
- Hadaan asalkeeda
- Aqoonta lafteeda
- Intaan ambaqaado
- Asleeyo runteeda
- Hadaan arinkeeda
- Ujeedka xagiisa
- Intaan u asteeyo
- Afeefto u sheego
- Asluubta dhigaalka
- Amuurta dhexdeeda
- Asraraar ka ilaasho
- Dadoow eraygeeda
- Eed meel iska saaro
- Ayaa bal la eersan.
- Allaa mahadaa leh
- Awoodna dhankiisa
- Aduunka wax jooga
- Abuuray dhamaane
- Ogaada xaqiiqda
- Hadaad aqalkaaga
- Afaafka adkayso
- Albaabkana oodo
- Ilaashate heedheh
- Alaabta dhexdiisa
- Ilaayn lumimayso
- Hadaad agabkaaga
- Agtaada ku dhawrto
- Ishaada ku hayso
- intaadba u jeedo
- Aqoon xumi tuuga
- Ileeyn arki mayo
- Hadaad ubadkaaga
- Aqoontiyo diinta
- Anfaaca wanaagsan
- Abaabis hagaagsan
- Asluub ku rabayso
- Ileeyn amban mayso
- Hadaad ehelkaaga
- Intii san ku raacdo
- Intii xun ka diido
- Adkayso xidhiidhka
- Adeecdo waxii san
- Ileeyn ma irdhoowdid
- Waxaan arartayda
- Arboow dulucdayda
- Ujeedo aqoonso
- Waxaan eraygeeda
- Afeef ugu yeelay
- Inay ambaqaado
- Asiibto halkii san
- Wanaag ku aroorto
- Intaad arinkaaga
- Ergooyin u dhiibto
- Afkaagu ka sheexo
- Inaad ku cadayso
- Aqoonta naftaada
- Inaad ku adeegto
- Hadaad asalkaaga
- Awoow dhaxalkiisa
- U oodo gumayste
- Ahaato alaabo
- Afkuun ka hadlaysa
- Awoodna lahaynin
- Hadaad isticmaarka
- Arboow u taqaana
- Adoonsi wax fiican
- Ilaawaydo dantaada
- Aboor ku cunayaa
- Hadaad u abqaasho
- Abuur iyo geedo
- Hadaad aynigaaga
- Asaaga filkaaga
- Abeed u ahaato
- Hadaad ururkooda
- Ushaada u dhiibto
- Adaa is dilaayee
- Ha eersan aduune
- Eelkaad dhigtay weeye
- Ugaabi naftaada
- La jiif urugtaada
- Afkaaga ka dhawro
- Cidbaa I ataagtay
- Usoo degay hoose
- Waxaa arligeena
- Abaarta ka yeelay
- Waxaa umadeena
- Alhuuma dul joogta
- Waxaa ubadkeena
- Asaagood ka reebay
- Waxaa odaygeena
- Agnaanka ka yeela
- Aqoon yahankeena
- U diiday odhaahda
- indheergaradkeenu
- waxuu la irdhoobay
- arliga u dhoofay
- ayaa garanayaa?
- aqoondaro maaha
- iftiinka aduunka
- islaanimo fiican
- awooda la yaqaano
- allaa ina siiyoo
- nimaan aqriyayna
- agteena ma joogee
- inaynu adeecno
- awaamirta eebe
- islaamna ahaano
- akhyaarnimo keeno
- ayaa is hortaagay ?
- haday umadeenu
- israaci lahaydoo
- aqoonsan lahayd
- mar uun arki layd
- idbaarka naftooda
- dhibkay ku idlaatay
- ur baa bixi laayoo
- ishaaro wanaagsan
- ayaa iman layde
- bal eega arligeena
- bal eeg umadeena
- bal eeg arageena
- anfiyo dhibka haysta
- abaarta ku faaftay
- irdhada olalaysa
- aydii lagu foofshay
- waxay afka saarto
- iyo anaanuf ka wayday
- bal aan u ekeeyee
- rag baa abid nooloo
- aqoon ka idlaanoo
- ilaalsha dadkoodo
- ilaah u diraaaye
- Abaabul wanaaga
- Asluubta nidaamka
- Uruuriyeheena
- Cismaan inankiisa
- Allman arinkiisa
- Inaaynu ku raacno
- Ayaa ila fiicaan
- Si aan u ahaano
- Dad aayo sameeyo
- Aqoona ku duulaa
- intaanan dhamaynin
- bal aan eraygeeda
- allaah barigiisa
- akhiir uga yeelee
- aamiinta I raacsha
- dadoow idilkiinba
- abaarta dalkeena
- ilaah haka qaado
- ixsaanka wanaaga
- islaanimo fiican
- ilaah hana siiyo
- aqoon lagu faano
- afrika laga sheego
- sidii awalkeenii
- ilaah hana siiyo
- dadkoo ah walaalo
- abti iyo ina eedo
- adeer inankiisa
- aayiyo ubadkeeda
- arxaamna dhexyaalo
- af xumo laga dhawro
- israaco dhamaana
- ilaah hana siiyo
- awlaad umadeeda
- hadeer u adeegta
- aqoonin xumaanta
- iblayska qabiilka
- axyaa wadanii leh
- ilaah hana siiyo
- dad koo is arkaaya
- eed aysan dhex oolin
- eexdoo la dhameeyo
- sinaan ambaqaado
- ilaah hana siiyo
- ibtilo xuma reebta
- isir lagu faano
- anaa u sareeyaa
- anaa xukumayaa
- anaa ugu fiicaan
- waxaa arligeena
- amuugan ka yeelay
- ilaah hana dhaafsho
- argaagaxa yaala
- aabaha la dilaayo
- agoonta qaxaysa
- aasayda haweenka
- ilmada qubanaysa
- ilaah hana dhaafsho
- afduubka dadkeena
- ayaamahan haystay
- ikhyaar laga qaaday
- awoodii dadweyne
- rag kale ku adeegto
- ilaah hana dhaafsho
- dadkoo isku uura
- ul iyo sida diir ah
- is aamin yimaado
- ilaah hana siiyo
- ilaah hana siiyo
Amiin Aamiin Aamiin
Faalo kooban:- Maansadani waxaa igu dhaliyay Nin saaxiibkay ah oo la yidhaahdo Maxamed Macalin Cismaan, (Allman) ninka aan ku halqabsanayaa waa isaga waayo waxaan ka arkay inuu yahay dadka u taagan , ilaalinta iyo xaqdhawrka , diinta, dhaqanka, umada, wadanka meel kasta waa qoraa sare oo ku hawlan uruurinta taariikhdii umada soomaaliyeed waxay ahayd meeshii jabkana inaga soo gaadhay iyo habka loo maarayn karo maanta , waxuu ku booriyaa dadka wadaniyad, wadaniyad waana loo dhashaa waana lays baraa mahadsanidiin dhamaan.
Waa qalinkii iyo Hall.abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.