Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Maraykanka kala hadlay fulinta Roadmap-ka

Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in “shirkii Muqdishu uu ahaa guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana u sheegay Dowladda Mareykanka in Xukuumaddu ay ka go’antahay dhaqangelinta iyo fulinta Roadmap ka oo uu Ra’iisul wasaarahu sheegay inuu yahay mid ay Soomaalidu sameysteen ayna sahlanaan doonto dhaqangelintiisa, hase ahaatee uu ka codsaday Dowladda Mareykanka inay Dowladda Soomaaliya ku saacidaan sidii loo dhaqangelin lahaa barnaamijyada cad-cad ee la isku raacay”.. Warsaxaafadeedka oo dhan hoos ka akhri..

War-saxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha la kulmay Johnnie Carson & Madaxa USAID

(Sabti, 17 September 2011) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulamo la kala qaatay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Jonnie Carson iyo Madaxa Hay’ada USAID. Kulamadan oo ka kala dhacay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Xafiiska USAID ee Washington DC.

Ra’iisul Wasaaraha oo beryahan booqasho ku jooga Dalka Mareykanka ayaa maanta la kulmay Mr Johnnie Carson oo ah Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda ee Mareykanka. Labada mas’uul ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka iyo arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen amniga, dibu-heshiisiinta, gar-gaarka bani’aadanimo iyo arrimo kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey socdaalkiisa, kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyo dhanka amniga, siyaasadda, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira iyo gaar ahaan shirkii wadatashiga ee ka dhacay Muqdisho 4 – 6 September oo Soomaalida ay isku raaceen Roadmap.

Ra’iisul wasaarahu waxuu sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsanyahay dadaalada socda ee lagu soo celinayo amnigii iyo kala danbeyntii dalka, waxuuna xusay in shirkii Muqdishu uu ahaa guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana u sheegay Dowladda Mareykanka in Xukuumaddu ay ka go’antahay dhaqangelinta iyo fulinta Roadmap ka oo uu Ra’iisul wasaarahu sheegay inuu yahay mid ay Soomaalidu sameysteen ayna sahlanaan doonto dhaqangelintiisa, hase ahaatee uu ka codsaday Dowladda Mareykanka inay Dowladda Soomaaliya ku saacidaan sidii loo dhaqangelin lahaa barnaamijyada cad-cad ee la isku raacay, bacdamaa ay u baahanyihiin dhaqaale lagu fuliyo qorsheyaasha degsan 12ka bilood ee soo socda.

Ra’iisul wasaaraha waxuu kaloo uga mahaceliyey Mareykanka saacidooda ku wajahan arrimaha gar-gaarka, hase yeeshee uu codsaday in loo baahanyahay in la joogteeyo kaalmada loo fidinayo shacabka ka soo barakacay guryahooda, loona baahan yahay in lagu celiyo guryahooda oo loo abuuro mashaariic.

Mr Carson ayaa aad iyo aad ugu ammaanay Ra’iisul Wasaaraha horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka amniga iyo siyaasadda. Waxuuna sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka go’antahay saacidaada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Mr Carson waxuu xusay in Mareykanka ay sii wadayaan saacidaadooda AMISOM iyo TFG, loona baahanyahay in labada dhinac ay ka wada shaqeeyaan sidii Somalia loo gaarsiin lahaa nabad, bash-bash iyo barwaaqo oo ay shacabka Soomaaliyeed istaahilaan.

Ra’iisul Wasaaraha waxuu kaloo la kulmay Dr Rajiv J. Shah oo ah Madaxa USAID. Labada mas’uul waxey ka wada hadleen sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo iyo mashaariicda horumarineed ee lagu fulinayo Dalka Soomaaliya. USAID ayaa si xoogan uga qeybqaadatay arrimaha abaaraha, isla markaana ay ka fuliyeen mashaariic dalka gudihiisa. Dr Shah oo xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey inay ka go’antahay in USAID ay si hagar la’aan ah ula shaqeyso Dowladda Soomaaliya si gar-gaar bani’aadanimo loogu fidiyo shacabka tabaaleysan, isla markaana loo abuuro mashaariic horumarineed oo shacabka Soomaaliyeed wax u tara. R’iisul Wasaaraha ayaa Dr Shah uga mahadceliyey waqtigiisa qaaliga ah una sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay shacabka gaarsiiso adeegyada bulshada kana codsaday USAID inay kaalmo ka geysato qorshayaasha dowladda u qorsheysan. Dr Shah ayaa u ballanqaaday Ra’iisul Wasaaraha in USAID ay saacideyso shacabka soomaaliyeed iyo mashaariicda horumarineed ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo beryahan booqasho ku jooga US ayaa waxuu warbixin siiyey 14kii September Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Sidoo kale waxuu kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Congress ka dalka Mareykanka. RW waxaa casho sharaf u sameeyey 15 September jaaliyadda Soomaaliyeed. Waxaana la filayaa habeenka Jimcaha inuu ka qeybgalo xaflad si heer sare ah loo soo sameeyey oo uu Jaaliyadda Soomaaliyeed kula hadli doono.

– DHAMAAD –

Ref: XRW/OM/PR 057/09/11 Date: 17 September 2011

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG


Nairobi: Cabasho Arday

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Maraykanka kala hadlay fulinta Roadmap-ka "

  1. ahmed says:

    somaliyeey guul