Home » Warar »

Majmuucada Dacwatu-Towxiid oo Deeq ka Timid Jaaliyadda Biljimka Gaarsiiyay Qoysas Tabaaleysan oo ku Dhaqan Magaalada Baydhabo

Qosas gaaraya ilaa iyo 200 oo Qoys,islamarkaana ka mid ah dad ka ay Abaartu saameysay kuna nool gudaha Magaalada Beydhaba ee Gobolka Bay ayaa waxaa la gaarsiiyay Deeq Raashiin ah.

Deeqdaan oo ay qeybiyeen Majmuucada Dacwatu-Towxiid ayaa waxaa soo dhiibay Jaaliayadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka.

Qaar kamid ah dadkii Deeqdaas ay gaartay ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin Deeqdaan ugu timid Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Biljimka kuwaasoo qeybinta Raashiinkaas u soo Wakiishay Majmuucada Dacwatu-Towxiid

Xilligaan waxaa muuqaneysa in dad ka Muxsiniinta ah ee ku nool Dalka dibadiisa ay wadaan dadaallo kala duwan oo wax lagu gaarsiinayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku tabaaleysa gudaha dalka.

Halkan kadaawo masiro dheeri ah

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegmesya xilli ay wali jiraan Saameyntii ay reebtay Abaartii dhawaan ku dhufutay dalka Somaaliya ,taasoo waxyeelo kala duwan geysatay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.