Home » Warar »

Warbixin ku Saabsan Qaabka loo Bixiyo Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya

Baasaboorkii hore ee cagaarka ahaa wuxuu ku dambeeyaa ama lagu tagaa Maamulka la magacbaxay Somaliland, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed ee ka baxaya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kuna sii jeeda Gobalada dalka gaar haan Soomaaliland way qariyaan Baasaboorka cagaaran hase yeeshee marka ay ka degaan Magaalada Hargeysa ayay dib ula soo baxaan, arrintaas ayaa sabab u ah Waaxda socdaalka Soomaaliya oo maamulka Somaliland u aqoonsan mid ka mid ah Gobalada Somaaliyeed sidaasi darteed ay dadku tegi karaan Baasaboor la’aan.

Haddii aan ka soo gudubno Baasaboorkii Cagaarnaa waxaa hadda dalka ka shaqeeya Baasaboorka cusub ee E-Passport oo lagu tiriyo in uu ka mid ah Baasaboorada casriga ah, waxaana haatan bilowday in si aad ah loo qaadanayo gaar ahaan xiliga Xajka oo loo diyaargaroobayo, Xarunta Waaxda Socdaalka ayaa ah mid aad u mashquulsan, waxayna dadku doonayaan in ay qaataan Baasaboorka cusub, mar aan tegay Xaruntaasi ayaan wax badan ka ogaaday qaabka loo bixiyo Baasaboorka cusub, waxayna dadka qaar ii sheegeen in ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan bixinta Baasaboorkaasi.

Marka Baasaboor la bixiyo waxaa waajib ah in qofka la siinayo in uu ku sugan yahay Xarunta Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha si loo ogaado inuu yahay Soomaali ama xaq u leeyahay in Baasaboor la siiyo, hase yeeshee Waaxda Socdaalka waxaa ka jira Barnaamij loogu magacdaray Online oo ah in qof maqan uu soo dirsado Sawir isla markaana loo sameeyo Baasaboor kadib marka uu lacagta ku shubo Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil, sidoo kale qaladaadka jira waxaa ka mid ah in dadka ku nool maamulka Somaliland ee doonaya in ay qaataan Baasaboorka cusub ee ay xaqa u leeyihiin in ay helaan waxay aadeegsadaan farsamooyin badan, qaarkood waxay la soo xiriiraan eheladooda oo ku sugan Magaalada Muqdisho iyagoo soo dirta sawiradooda iyo qarashaadka ay ka dooneyso Waaxda Socdaalka Soomaaliya iyagoo doonaya in ay ka baaqsadaan qarashaadka uga baxaya safarka.

Xarunta Waaxada Socdaalka waxaan kula kulmay dhowr qof oo inta lacagtii Dahabshiil ku shubay haddana dib uga laabtay in ay Baasaboor goostaan, waxayna Xarunta u joogeen in loo celiyo Lacagahooda maadaama aysan xiligaan diyaar u aheyn in ay Baasaboor goostaan, Agaasimaha Waaxda Socdaalka ayaa u sheegay dadkaasi in lacag celin ah aysan jirin mar haddii la bixiyo, muran dheer kadib waxaa loo sheegay in lacagtaasi ay bixin karto Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka, hase yeeshee iskadaba noqnoqod badan kadib waxay isaga quustaan in ay dib u helaan lacagahooda.

Qaladaadka kale ee ka jira qaabka loo gooyo Baasaboorada ayaa waxaa ka mid ah iyadoo qofka raba in uu deg deg ku helo Baasaboor loo sheego in uu bixiyo lacag dheeraad ah, waxaana meesha ka baxaya dadkii faraha badnaa ee safka ugu jiray inay si cadaalad ah ku helaan Baasabooradooda iyadoo si cadaalad daro ah looga hormariyo dad kale oo bixiya lacago lagu sheegay in adeeg dheeraad ah lagu qabanayo.

Inkastoo Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ay dadaashay haddana waxaa u dhiman in ay saxdo qaladaadkaas faraha badan ee aan kor ku sheegnay si loo dhowro xuquuqda Muwaadinku leeyahay isla markaana Waaxda Socdaalka waxaa looga baahan yahay in ay la socoto qaabka ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ka hawlgala Waaxda Socdaalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Warbixin ku Saabsan Qaabka loo Bixiyo Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya "

  1. mahad wadani says:

    asc, waxan ad ugu faraxsanahay inaan ka qaybgalo somalitalk, runtii webkan waa web u so baxay umadda soomaaliyed ad ayaan ugu mahadcelinayaa maamulka iyo shaqalaaha sida hufan ay inooga haqabtiren wararka xaqiiqda ku salaysan , dabcan howlkasta o bilaw ah waxay ledahay daldaloola ubaahan in la saxo , tusaale ahaan marka la dhaho waa online , runti arintas waxay keenaysaa ethopian xataa inu qaata waxan jeclan lahaa arinta in wax laga badalo , mida kale walaalkey yiri waa ganacsi passporka …..runti ganacsi maaha waa passpor ereygaas inaaan isla fahano ayaa fiicnaan lahayd waayo baahida u qaadatay ayaa mesha taala , arinta kale ee inad somalia ahayn runti aniga waxan kuugu soo koobi lahaa qabiil mqaran ma noqdo…………waayo hal qabiil qaran ma noqon karo dunidana kama gadmi karo inu qabiil qaran noqodo waaana qadiyad xamaasad ku salaysan cadowga soomaaliyedna daba ka riixaya , mahadsanidin

  2. MOHAMED M F says:

    ASC, WAAN SALAAMAYAA DHAMAAN DADKA KU HADLA LUQADA SOMALIGA AH OO AH TAKALIYA EE LAGU RAADINAYO SOMALIWAYN, ANIGU WAXAAN JOOGA HARGAYSA AAD AYAAN U AAMINSANAHAY IN SOMALIWEYN GUULAYSAN WAYDAY OO LAGU FASHILMAY, OO JABUTI, SOMALI GALBEED IYO NFD BA HORE LOOWAAYAY. MARKAA SOMALILAND XAQBAY U LEEDAY INAY AYAHEEDA KA TASHATO MARHADII WAXAY U SOCOTAY OO SOMALI SHAN AH LA WAAYAY, TAN BAASABOORKA HORTA YAA ABAAL KU QABA QAADASHADIISA WAA GANACSI OO QOFWAL OO ADUUNKA KA TIRSAN WUU QAADANAYAA OO $100 KALIYA AYAA KU XIDHAN XITAA SAWIRKAAD ISKA DIRAYSAA ISAA LAGUU SOO SAMAYNAYAA, WAA TAAS TA KENYA XITAA KUDIIDANTAHAY WAXA SHARAF DHACAYNA MAAHA BASABOORKEE WA MAGACA SOMALI EE KU QORAN OO KU SHAANBADAYSAN ARGAGIXISO, QAXOONTI, DAD SI KHALDAN U SOCDA OON DAL LAHAYN.. MARKAA BADALA HORTA MAGACA SOMALI KAAS AYAA LA DIIDANYEE HADII KALE DALKIINA DHISTA YAAN LAYS WAREERIN

  3. qarqan doon says:

    WSC DHAMAN TIIN UMADA SOMALIYED MEEL WALBA OO AAD ADUUNKA KA JOGTAAN WAXA AYAAN DARO AH IN UMADII SOMALIYEED SIDAAN U DULOOBAAN OO MEEL WALBA AY KU DAYACMAAN HADANA WAXAA SII XUN IN DAD SOMALIYEED AY DIIDAAN INAY KA SII MID AHAADAA QARANKA SOMALIYEED EE XALAASHA AH WAXAASE IYANA AYAAN DARO AH IN DAD SOMALIA DIIDAN INAY KA SII MID AHAADAN HADANA SI FUDUD KU HELAAN BASABOORKII QARANKA SOMALIYEED EE AY CALANKIISA GUBEEN WAXAN UGU BAAQAYA WAAXDA SOCDAALKA EE SOMALIYEED INAY KA FIIRSADAAN DADKAAS SOMALIA DIIDAY INAY KA SII MID AHAADAAN KANA FIIRSADAAN CIDA AY SIINAYAAN BASABOORKA QARANKA SOMALIYEED SI LOO DHOWRO SUMACADA UMADA SOMALIYED WALAAYAAL WAXAD MAHAD OO DHAN ISKA LEH ALAAH WAXAANAN AAD UGU MAHADANAQAYA QOLYAHAH ISKA LEH WEBKAAN OO AAN KA RAACDO WAXYAABO BADAN OO ANFACA QARANKA SOMALIYEED GAAR AHAAN ARINKA BADA SOMALIYED, WALAAYAAL ILAAHAY HA IDIN GARAB GALO SIDA GOBANIMADA LEH EE AAD UMADAAN UGU HAGAR BAXDAAN , MAR KALE WAXAN KULA TALIN LAHAA WAAXDA SOCDAALKA SOMALIA INAY DADKA AY SIINAYAAN BASABORKA QARANKA AAD IYO AAD UGU FIIIRSADAAN WAAYO WAXA JIRA HADA DAD BADAN OO AF SOMALIGA BARTAY WELIBA KALA BARTAY QABIILADA SOMALIYED OO HAYB TII AY DOONANA SHEEGAN KARA. SCW SOMALIA HA WAARTO CADOWGEEDU HA DHACO HA IS RAACDO HA JIRTO OO HA JOOGTO