Home » Warar »

Gudoomiyaha Hay’adda Camuud Foundation oo ka warbixiyey Gargaar kala Duwan oo ay qaybiyeen Meelo ka mid ah Soomaaliya

Hay’adda Camuud Foundation oo ah hay’ad Soomaaliyeed oo ka shaqeysa horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka waxaana mas’uulka ugu sarreeya hay’addan, Maxamuud Faarax Cigaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay labadii bilood ee ugu dambeeyay xoogga saareen wax ka qabashada abaaraha dalka ku dhuftay. Mr. Cigaal oo ka yimid dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Texas ayaa sheegay in hay’addoodu la dhisay 1998-kii ayna shaqeynayso muddo 13-sano ah, wuxuuna intaas ku daray inay ka digeen abaaraha iyo macluushan sannadkii hore balse laga rumeysan waayay.
“Waan billownay inaan abaaraha iyo macluusha hadda taagan aan ka digno bishii December ee sannadkii hore (2010), balse waa nalaga rumeysan waayay, waxaana caalamku ku baraarugay khatartii aan ka digaynay laba billood ka hor,” ayuu yiri Maxamuud Cigaal.
Sidoo kale, madaxa Camuud Foundation wuxuu sheegay inay kaalmeynta dadka ay ku dhufteen abaaraha ku bixiyeen lacag gaaraysa 430,000 oo dollarka Mareykanka ah, ayna gargaar kala duwan ka qaybiyeen gobollada Awdal-Salal, laascaanood-Sool, Boosaaso-Bari, Gaalkacyo-Mudug, deegaannada ay ka taliyaan maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb, Muqdisho, Bay, Bakool, Gedo iyo Wajeer-Kenya.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
“Gargaarka aan Gobolladan iyo Magaalooyinka ka qaybinay waa raashin qalalan si ay dadka abaaruhu ku dhufteen u helaan cunno ay ku noolaadaan,” ayuu yiri Cigaal. Isagoo intaas ku daray inay howlaha ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed ayt sii wadi doonaan.
Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayuu sheegay inay ka fureen saddex xarumood kuwa quudinta ah, sidoo kalena ay ka fureen sideed xaruumood quudin gobollada Bay iyo Bakool, sidoo kalena ay laba xarun oo kuwa quudinta ah ay ka fureen gobolka Gedo.
Mr. Cigaal wuxuu sheegay in bishii Ramadaan ay raashin ka qaybiyeen deegaanno Soomaaliya iyo deegaanno ku yaalla gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya oo ay ku dhufatay abaar daran.
Mar wax laga weydiiyay howsha ay hayaan cidda ay la kaashadeen ayuu sheegay inay iyagu isku xilqaameen dhaqaalaha ay helleenna dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha, gaar ahaan dalka Mareykanka iyo dad kale oo Muslimiin ah, isagoo xusay inaysan jirin hay’ad ay dhaqaale ka heleen.
“Howsha aan hayno waa mid aan si iskaa-wax-qabo ah ku wadno, waxaana naga caawiya dalka Kenya iyo gobollada Koonfureed qaarkood Maxamed Maxamuud Daahir iyadoo sidoo kalena uu gobollada Bay iyo Bakool naga caawiyo C/xakiin Sheekh Mukhtaar,” ayuu yiri Mr. Cigaal.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay la kulmeen Xildhibaannada iyo waxgaradka kasoo jeeda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, ayna kala hadleen sidii dadka barakaca ah dib loogu celin lahaa deegaannadii ay ka yimaadeen , isagoo xusay inay ballan-qaadeen inay bixinayaan raashinkii ay muddo saddex bilood ah ku noolaa lahaayeen illaa 1,000 qoys. Isagoo sheegay in ujeedadoodu ay tahay in dadka dib loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen si ay dib beeraha ugu fashaan.
“Shalay waxaan soo marnay toddoba kaam oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana halkaas raashin isugu jira, bur, bariis, sokor, buskut iyo saliid ugu qaybinay illaa 600-qoys, waxaana qorsheynaynaa inaan 600-qoys oo kale aan raashin siinno maalmaha soo socda,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Su’aalaha la weydiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa dadka ay dhaqaalaha ka ururiyeen iyo goobaha ay ku nool yihiin, wuxuuna sheegay inay ku nool yihiin Minneapolis iyo Rochester – Minnesota, Chicago-Illinois, Tennessee, Nashville, Washington DC, Dallas-Texas, Wisconsin illaa Australia, isagoo sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo ay dad Soomaaliyeed ay aaminaan dad kale oo Soomaaliyeed si loo gaarsiiyo gargaarka dadka dhibaateysan.
“Sababaha ugu waaweyn ee aan halkan u imid waxaa ka mid ah inaan dhaqaaalihii ay dadku soo dhiibeen ogaanno halka ay martay, waayo waa ammaano,” ayuu yiri madaxa hay’adda Camuud Foundation.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inuu Soomaaliya yimid sannadkii 2006, markasoo uu ka qaybiyay gargaar degmooyin ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo dalka Kenya, isagoo sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee aan maskaxdiisa ka go’ay ay ka mid yihiin oday ay caruurtiisii iyo kuwu awoowaha u ahaa ay gaajo u dhinteen isaguna fadhiya geed hoostii isagoo aan haysan wax uu cuno.
Hadda ayuu sheegay inuu ku arkay Muqdisho laba caruur ah oo la aasayo, hooyo dhimatay oo ifka kaga tagtay lix caruur ah oo midka ugu yar uu jiro lix bilood cid u maqan oo aan ahayn dadka Soomaaliyeedna aysan jirin, isagoo ku baaqay in la caawiyo dadka dhibaateysan
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E=Mail a,miinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.