Fajiciso iyo yaab bay ku noqotey Shacabka Soomaaliyeed markii Masuuliyiin ka tirsan Hayadaha Gargaarka ee Dalka Turkiga ay u gudbeen Dhulka ay Maamulaan Xarakada Al-Shabaab , waxaana lagu waramey in iyaga oo aan kala tashan Dowladda Federaalka ay boooqdeen Xeroyin ku yaalka Gobolka Shabeeladda Hoose , ka dib ay si aad ah u amaanaan Habka Xarakadda Alshabaab u maamulaan Xerooyinkaas iyo kala dambeynta ka jirta
Dowladda Turkiga ayaa hore u sheegtey in ay meel kasta oo Soomaali joogto ay gaarsiin doonaan gargaarka si loo samatabixiyo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo Dagaaada waana middaas waxa soo dedejiyey in ay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga ay gaaraan Xerooyinka lagu hayo dadka abaaraha ka soo cararey, sidoo kale Dowladda Turkiga ayaa la dhihi karaa waxay u soo bareereen halista ka imaan karta Gacmo Daahsoon oo aan ogoleyn in dadka Soomaaliyeed loo gargaaro.
” Hadii dhibaato naga soo gaarto Soomaaliya inagoo ku guda jirna Howlaha Samafalka ma nihin kuwa joojin doona gargaarka ay siinayaan Shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri mid ka mid ah Samafalayaasha Turkiga oo wax laga weydiiyey in sida ay u wajihi doonaan haddii deegaanada Soomaaliya ay qatar kaga timaado wuxuu sheegey in Soomaaliya ay khatar ka jirto waa wax Caalamka oo dhan ay aaminsan yihiin hase yeeshee khatartaan waa mid ay Dowladda Turkiga ay u bareertey si ay wax ugu qabato dadka Soomaaliyeed ee 20-ka Sanno dhibaatada ku jirey.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa markii ay arkeen Masuuliyiin ka tirsan Turkiga oo gaarey Dhulka ay Xarakadda Shabaab ka taliso ayey aragtiyo kala duwan ay ka bxiyeen qaarkood waxay arrinkaa ku tilaameen Talaabo geesininmo leh oo ay qaadey Dowladda Turkiga sidaa darteed waxay sheegeen in Dowladda Turkig ay daacad ka tahay wax u qabashada ummada Soomaaliyeed.
Ibraahim Mire Cali oo ka mid ah Odoyaasha ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaan wax weydiiney sida uu u arko Wafdigii Turkiga ee Booqdey Xerada Ala Yaasir ee Degaanka Lambar Konton ayaa ku jawaabey”aad baan ugu faraxsanahay in Masuuliyiin ka tirsan Turkiga ay booqdaan Deegaanada Xarakada Al-Shabaab ay maamulaan waan talaabo loo baahnaa hase yeeshee waxaan Dowladda Turkiga ugu baaqayaa in ay muujisio taxadar dheeraad ah waayo waxaa jiro Cadow fara badan oo aa dooneyn in dadka Soomaaliyeed wax loo qabto kuwaas waa kuwa dadka Soomaaliyeed faragelinta ku haya ” wuxuu sii raacisey” Dadkii Maleesiyaanka ahaa ee Soomaaliya u yimid in ay u gargaaraan waa tii la beegsadey waxaa dhihi karaa waxaa ka dambeeyey gacan shisheeye oo adeegsaneysa Ciddi ay doonto kuwaa waa kuwa ka soo horjeeda in Soomaaliya wax loo qabto
Maryan Jaamac waa Hooyo ku sugan Magaalada Muqdisho waxaana wax ka weydiiney sida ay u aragto in Deegaano ka tiirsan Xarakada Alshabaab ay maamulaan ay booqdaan Hayado Samafalka ka tirsan Dalka Turkiga waxayna Tiri “Aad baan u soo dhaweynayaa waxaana ii soo baxday in dadka Turkiga ay ka dhabeeyeen Muslinimadooda waxaana leeyahay dhulka Al Shabaab ka taliyo waa Balaaran yahay waa in aad gaartaan si dadka soo Hayaamaya loogu celiyo Goboladooda loona sameeyo Barnaamjiyo ay dib ugu bilaabayaan Noloshooda “waxay sii raacisey ” Tagista Hayadaha Turkiga ay tageen Dhulka uu ka taliyo Alshabaab waxay dhabar jab ku tahay Dowladda Federaalka oo Ciidamooda looga Caalwaayey in dadkii Masaakiinta ahaa ay isug daraan Dhac iyo Dilka marka waxaan leeyahay Dowladda Turkiga meeshii nabad ah ha geeyaan Gargaarka
Dadla Odorosa arrimaha Siyaasada ee ku aadan gargaarka waxay leeyihiin tagistii Hayadaha gargaarka ee Turkiga ay tageen dhulka Shabaab uu ka arrimiyo waxay soo dedejin doontaa in mar kale aysan dib ugu soo laaban Masraxa Siyaasadda kuwa maanta hor boodaya Siyaasdda Soomaaliya kuwaa oo kari waayey in ay ka hortaagaan Ciidamadooda ku labisan direyska Ciidamada kuwaas oo Caqabad ku noqdey in wax la gaarsiiyo dadka ay anaaraha iyo Colaadaha isugu darsameen ee ku nool deegaanada ay ka taliyaan, qaar kale ayaa leh waxaa laga yaabaa in ay dib boorka isaga jafaan oo ay ka maseyraan Habka Xarakadda Al-Shabaab u Maamulaan Gargaarka .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E=Mail a,miinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.