Home » Warar »

Aragtiyo kala duwan oo laga bixiyey tekitaankii masuuliyiin turkiyii tageen xaga Xarakada Al shabaab

Fajiciso iyo yaab bay ku noqotey Shacabka Soomaaliyeed markii Masuuliyiin ka tirsan Hayadaha Gargaarka ee Dalka Turkiga ay u gudbeen Dhulka ay Maamulaan Xarakada Al-Shabaab , waxaana lagu waramey in iyaga oo aan kala tashan Dowladda Federaalka ay boooqdeen Xeroyin ku yaalka Gobolka Shabeeladda Hoose , ka dib ay si aad ah u amaanaan Habka Xarakadda Alshabaab u maamulaan Xerooyinkaas iyo kala dambeynta ka jirta

 

Dowladda Turkiga ayaa hore u sheegtey in ay meel kasta oo Soomaali joogto ay gaarsiin doonaan gargaarka si loo samatabixiyo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo Dagaaada waana middaas waxa soo dedejiyey in ay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga ay gaaraan Xerooyinka lagu hayo dadka abaaraha ka soo cararey, sidoo kale Dowladda Turkiga ayaa la dhihi karaa waxay u soo bareereen halista ka imaan karta Gacmo Daahsoon oo aan ogoleyn in dadka Soomaaliyeed loo gargaaro.

 

” Hadii dhibaato naga soo gaarto Soomaaliya inagoo ku guda jirna Howlaha Samafalka ma nihin kuwa joojin doona gargaarka ay siinayaan Shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri mid ka mid ah Samafalayaasha Turkiga oo wax laga weydiiyey in sida ay u wajihi doonaan haddii deegaanada Soomaaliya ay qatar kaga timaado wuxuu sheegey in Soomaaliya ay khatar ka jirto waa wax Caalamka oo dhan ay aaminsan yihiin hase yeeshee khatartaan waa mid ay Dowladda Turkiga ay u bareertey si ay wax ugu qabato dadka Soomaaliyeed ee 20-ka Sanno dhibaatada ku jirey.

 

Shacabka Soomaaliyeed ayaa markii ay arkeen Masuuliyiin ka tirsan Turkiga oo gaarey Dhulka ay Xarakadda Shabaab ka taliso ayey aragtiyo kala duwan ay ka bxiyeen qaarkood waxay arrinkaa ku tilaameen Talaabo geesininmo leh oo ay qaadey Dowladda Turkiga sidaa darteed waxay sheegeen in Dowladda Turkig ay daacad ka tahay wax u qabashada ummada Soomaaliyeed.

 

Ibraahim Mire Cali oo ka mid ah Odoyaasha ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaan wax weydiiney sida uu u arko Wafdigii Turkiga ee Booqdey Xerada Ala Yaasir ee Degaanka Lambar Konton ayaa ku jawaabey”aad baan ugu faraxsanahay in Masuuliyiin ka tirsan Turkiga ay booqdaan Deegaanada Xarakada Al-Shabaab ay maamulaan waan talaabo loo baahnaa hase yeeshee waxaan Dowladda Turkiga ugu baaqayaa in ay muujisio taxadar dheeraad ah waayo waxaa jiro Cadow fara badan oo aa dooneyn in dadka Soomaaliyeed wax loo qabto kuwaas waa kuwa dadka Soomaaliyeed faragelinta ku haya ” wuxuu sii raacisey” Dadkii Maleesiyaanka ahaa ee Soomaaliya u yimid in ay u gargaaraan waa tii la beegsadey waxaa dhihi karaa waxaa ka dambeeyey gacan shisheeye oo adeegsaneysa Ciddi ay doonto kuwaa waa kuwa ka soo horjeeda in Soomaaliya wax loo qabto

 

Maryan Jaamac waa Hooyo ku sugan Magaalada Muqdisho waxaana wax ka weydiiney sida ay u aragto in Deegaano ka tiirsan Xarakada Alshabaab ay maamulaan ay booqdaan Hayado Samafalka ka tirsan Dalka Turkiga waxayna Tiri “Aad baan u soo dhaweynayaa waxaana ii soo baxday in dadka Turkiga ay ka dhabeeyeen Muslinimadooda waxaana leeyahay dhulka Al Shabaab ka taliyo waa Balaaran yahay waa in aad gaartaan si dadka soo Hayaamaya loogu celiyo Goboladooda loona sameeyo Barnaamjiyo ay dib ugu bilaabayaan Noloshooda “waxay sii raacisey ” Tagista Hayadaha Turkiga ay tageen Dhulka uu ka taliyo Alshabaab waxay dhabar jab ku tahay Dowladda Federaalka oo Ciidamooda looga Caalwaayey in dadkii Masaakiinta ahaa ay isug daraan Dhac iyo Dilka marka waxaan leeyahay Dowladda Turkiga meeshii nabad ah ha geeyaan Gargaarka

 

Dadla Odorosa arrimaha Siyaasada ee ku aadan gargaarka waxay leeyihiin tagistii Hayadaha gargaarka ee Turkiga ay tageen dhulka Shabaab uu ka arrimiyo waxay soo dedejin doontaa in mar kale aysan dib ugu soo laaban Masraxa Siyaasadda kuwa maanta hor boodaya Siyaasdda Soomaaliya kuwaa oo kari waayey in ay ka hortaagaan Ciidamadooda ku labisan direyska Ciidamada kuwaas oo Caqabad ku noqdey in wax la gaarsiiyo dadka ay anaaraha iyo Colaadaha isugu darsameen ee ku nool deegaanada ay ka taliyaan, qaar kale ayaa leh waxaa laga yaabaa in ay dib boorka isaga jafaan oo ay ka maseyraan Habka Xarakadda Al-Shabaab u Maamulaan Gargaarka .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E=Mail a,miinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Aragtiyo kala duwan oo laga bixiyey tekitaankii masuuliyiin turkiyii tageen xaga Xarakada Al shabaab "

  1. warsan says:

    AC:

    Maansha allaah ilaahow Turkiga u quwee dawladooda,waa Geesiyadii Islaamka,dhibtu ma ah alshabaab ayaan qabaa ee waa kufaarta dhulka joogta oo aan rabin in Somaliya degto,Maxay u dileen wariyihii muslimka ahaa ee Malaysiya u dhashay waa si ay u ceebeeyaan Somaliya.

    Ilaahow dadkas walalaahayna u gargaar,waxaa ila fiicna in cid walba meesheeda waxa lagu siiyo si aan dhulka looga yaacin.

  2. sade says:

    Asalamu calaykum waraxmatullah
    Aqyaarta dhamantin wad salaman tihiin salan kaddib
    marka hore waxan aad uga xumahay dhibatada haysata umadda Somaliyed Allaha kasaara dhibka.
    marka labaad aad ayan usoo dhawenaya taageerada Calamka Islamka gaar ahaan sida gesinamada leh ey Turkiga ugarsiyeen Dadka tabalesan
    Waxa nasib darro ah in Dowlad kusheega ay awoodi wayeen in ay la hadlaan Mucaradka anoo ogsoonin ay Qaldan yihiin Mucaradka
    meesha maanta Maraykan radinayo siduu ula hadli laha ama ula heshiin lahaa Daalibanta Afganistan in innaga kuweena aan lahadli la,nahay
    Dalkaan wuxu ubahan yahay Hogamiye wadani ah damac dowladeed leh
    inta aan Mahiiga iyo Unpos daba soconno ama aan Kampalla accord sharci dajiye noo yahay horumar gari meeno

  3. dirir says:

    aad aby u mahadsan yihiin turkida xaqna waxay u leeyihiin inay meel walba oo soomaaliya ka tirsan tagaan dadka dhibaataysanna u gargaaraan
    waa dad xor ah oo garanay taakulaynta walaalahood qiimaha ay leedahay maaha sida labada shariif oo kambala isku feedhay hunguri dartii ama al shabaab oo basaasnimo ka baqaysa iyada oo dadkoodii gaajo iyo macaluul u dhamaadeen ama aadan siiro oo hargaisa buufis jabhadeed iyo qabiil ku qaaday madaxna maray

  4. aad iyo aad ayaan usoo dhowaynaynaa dadka walaalaheen ah ee aadka iyo aadka udhibaataysan kuwaaso ax iminka lagaarsiiyay dawladda urkigan aadbaan ugu hanbalyaynaynaa sida ay siyaasadeeda dibadda iyo midda gudaha umaaraysay sanadadii udanbaysay aayna ugarab taagantahay walaalaheeda soomaaliya iyo filisdiin

  5. Abdirisaq says:

    Waxan ognahay dhawaan marki ururka shabab ay ku dhawaaqeen in muslim iyo gaalaba u oggolyihiin inay taageeraan dadka abaaraha, in duullimaadki ugu horreeyey ee baniaadamnimo uu ka degey garoonka diyaarahdaha ee magaalada Baydhabo. Diillimaadkaas iyo kuwo dhawr ah oo ka dambeeyeyba waxa lahaa Haya’dda Unicef.
    Wax muran ah iyo kala hadal ahna cidna kama sameyn.
    Dawladda Turkigu waa dawlad ka madax bannaan dawladda kumeel gaarka iyo shaba muranka ka dhexeeya, waana dawlad aan ka amar qaadan ururka iigad iyo Midawga Afrika midna balse wada shaqayn iyo ixtiraam uun u haya.
    Haddii dadki Somaliyeed ee lamabr konton jogay la gaarsiiyey caawimaad aadaminimo, sidi loo gaarsiiyey kuwi dharkeynley iyo Xamarweyne, iyo Baydhabo joogay uma arko in siyaasad loo weeciyo arrinta oo aadminimada iyo dhibka dadka Somaliya haysta iyo siyaasadda la isku lifaaqo.
    Waxan anigu jeclaan lahaa sidi ay yeeleen mucaarka iyo dawladda Indonisia Marki tsunamidi dalkooda ka dhacday ay xabadda hal mar wada joojiyeen oo aad arkaysay ciidanki qaranka oo toos u dhex maraya isbaarooyinka jabhada mucaaraka ah oo geynaya gargaarka meelihi musiibadu ka dhacday oo nabad kusoo noqonaya wax xabbad ahna jirin iyo dagaal, annaguna sidaas oo kale in xabbad joojin guud dalka looga dhawaaqo oo gargaarka dadkeenna aan usoo jeesanno maanta dawlad iyo ururba.

  6. qunyar says:

    maanta waxaan u baahanahay in dadka loo gar gaaro ee uma baahnin halkaas yaa jooga

    Dawlada turkiguse waxaad moodaa in ay jubootey xanaaqwenina ka hayo sida mana xaanka ah ee yuhuud iyo reer galbeed caalamkii u dabo gediyayaan

    inagase cunto iyo daawo ayay dadkeena siinayaan waa walaalo jira waxaan leenahay waad nala jirtaan ilaahay ha idinla jiro