Home » News »

Wafdi ballaaran oo Muqdisho u yimid mashaariic horumarineed iyo gaarsiinta deeq gargaar

Wafdi ka kooban 213 xubnood oo ka socda dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si ay wax uga ogaadaan baahida dalka iyo fursadaha ganacsi ee dalka ka jira. Waa wafdigii ugu ballaarnaa ee noociisa ah ee dalka yimaada tan 1991kii.

Wafdigan wuxuu ka kooban yahay mas’uuliyiin ka kala socota wasaaradaha Arrimaha Dibedda; Deegaanka iyo Qorsheynta Magaalooyinka; Cuntada Beeraha iyo Xoolaha; Dhirta iyo Biyaha; Gaadiidka; Caafimaadka; iyo Agaasinka Arrimaha Diinta; iyo weliba Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha; Maamulka Horumarinta Guriyeynta iyo Bisha Cas ee Turkiga.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay safiirka Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Mudane Kani Torun, waxay soo kormeereen meelaha ay daneynayeen, iyagoo fursad u helay inay la kulmaan wasaaradaha, hay’adaha, iyo ganacsatada si u sameeyaan daraasad khuseysa hadba meesha ay daneynayaan oo kala ah caafimaadka, biyaha, guriyeynta, gaadiidka, iwn.

Maamulaha Guud ee Shirkadda Diyaaradaha ee Turkiga, Dr. Temel Kotil, ayaa sheegay inay qalab casri ah soo gaarsiiyeen garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, isagoo ka dhawaajiyay war aad u farxad badan oo ah in diyaaradda Turkigu billaabi doonto duullimaad caalami ah oo ku imaaneyso magaalada Muqdisho, taasoo ka dhigeysa diyaaraddii ugu horreysay ee muddo 21 sano ah duullimaad caalami ah ku timaadda magaalada Muqdisho. Maamulaha Shirkadda waxaa la socday injineerro dayactiraya garoonka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Sheekh Shariif Sheekh Axed ayaa madaxtooyada ku qaabilay qaar ka mid ah wafdiga, isagoo qado-sharaf u sameeyay. Madaxweynuhu wuxuu yiri:
“Wafdiga tiradan leh wuxuu muujinaya sida Xukuumadda iyo Shacabka Turkigu ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed xilligii ay ugu baahi badnaayeen iyo in la dhaqan-gelinayo ballanqaadyadii uu sameeyay Ra’iisul wasaaraha Turkiga.”

Isagoo soo dhoweynaya wafdiga ayaa Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdulweli Maxamed Cali uu yiri:
“Aad baan ugu faraxsanahay inaan wafdigan ku soo dhoweeyo Muqdisho, sababtoo ah iskaashi aan la yeelano Turkiga oo dhinacyo badan ah iyo horumarinta dhaqaalaha waxay noo leedahay ahmiyad weyn.”

Booqashadii Ra’iisul-wasaaraha Turkiga Rajab Tayib Erdogan uu ku yimid Muqdisho waxay meesha ka saartay in magaaladu tahay meel aan soo aadi Karin, waxay dareenka caalamka ku soo duwday arrimaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Mudane Xuseen Carab Ciise oo ah Ra’iisul-wasaare ku-xigeen ayaa maanta guddoomay deeq gargaar oo gaareysa 5,000 ton (5 kun oo tan) oo ka timid dalka Turkiga. Deeqda waxay ka kooban tahay teendhooyin, cunto, shan ambalaas oo qalabeysan, iyo qalab kale.

Ka sokow in wax laga qabto abaarta iyo macluusha dalka ka jirta, Xukuumadda Soomaaliya waxay caalamka ka codsaneynaa in laga caawiyo sidii loo qorsheyn lahaa mustaqbalka iyadoo dalka la nabadeynayo, lana horumarinayo dhaqaalaha si Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto.

DHAMMAAD

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.