Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo u dhoofay Newyork si uu uga qeybgalo shirka UN ka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka dhoofay garoonka Aadan-cadde International ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Newyork ee dalka Mareykanka halkaasoo uu uga qeybgali doono September 23.2011 shirka Guud ee sanadlaha Q/midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta uusan ka qeybgelin shirka guud waxa uu ka qeybgali doonaa kulanka Golaha Ammaanka ee Q/midoobay oo la filayo inuu dhoco September 14 magaalada Newyork, waxaana ajendaha shirkaasi ugu weyn arrinta Soomaaliya iyadoo ay si wadajir ah u guddoomin doonaan Xoghayaha guud ee Q/midoobay Ban-ki moon iyo Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan shirar kale oo diirada lagu saari doono arrinta Soomaaliya, sida shirka la filayo inuu dhoco September 15, kaasoo lagu casuumay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana diirada lagu saari doonaa arrimaha horumarinta siyaasada iyo mida Bani’aadanimo iyo weliba sidii kor loogu qaadil ahaa gargaarka Soomaaliya.

Halkan kadaawo masawiro kale

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in September 16 inuu kulan muhiim ah la qaato saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka (State Department), wuxuuna kala hadli doonaa sidii dowladda Mareykanku ay kaalin mug leh uga qaadan laheyd horumarinta siyaasada, Bani’aadanimada iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbo dhinacyo badan taabaneysa ka jeedin doona kulanka loo dhan yahay ee Q/midoobay kaasoo qabsoomi doona September 23.2011, wuxuuna diirada ku saari doonaa arrimaha Ammaanka, Gargaarka, Siyaasada, iyo hirgelinta Qorshaha xilliga kala guurka ah ee la filayo in lagu dhaqangeliyo ka hor August 2012.

-DHAMAAD –

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo u dhoofay Newyork si uu uga qeybgalo shirka UN ka. "

  1. Waxaan la yaabanahay Siyaasiyiin ku sheega Soomaali waxay iska jecelyihiin in ay shirar iyo waxaan waxba soo kordhinayn in ay ka daba wareegaan 21sano ee la soo dhaafay ayay state departmentka ku sii socdeen bal ha la sheego Maraykan waxa uu Soomaali u qabtay oo fiican iska daa wax kalee Soomaalidii ku noolayd USA ayaa qaatiyaan ka taagan oo noloshii lagu dhibay oo lagu bahdalaa idaacadahooda telefeshanka garoomada laga duulo IWM waxaan hadalkayga ku xirayaa haddii maraynkan uu dad caawinayo ha caawiyo Soomalida joogta USA .