Home » Faallo »

Dhacadooyinkii la Yaabka lahaa ee Shirka Wada Tashiga Soomaaliyeed

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Shir  Saddex Maalmood ah shirkaasoo loogu Magacdarey Shirka Wada tashiga Soomaaliyeed markaad Fiirisid Magaca uu Huwan yahay shirka ee ah Shirka Wadatashiga Soomaaliyeed marka la fiiriyo Magaca uu Huwan yahay  ee ah la tashi waxaa loo baahnaa  in Shirkaan ka qayb galaan Cid kasta oo Soomaaliyeed ee lagala tashan karo Masiirka Ummadda Soomaaliyeed hadaba maxaa dhacay , Shirka waxaa lagu martiqaadey dhowr Xubnood oo la sheegey in ay ka kala socdaan Madaxtooyada , Xukuumada Ku meel gaar ka ah , Baarlamaanka Federaalka,  Maamulada Pundland iyo Galmuduq iyo Xubno matalayey Ahlu sunna inkastoo Ahlu suna ay gebi ahaan qaadacdey  shirkaas.

“Dadka Soomaaliyeed ma waxaa laga soo xushey Maamulada Pundland iyo Gal-Mudug ma Xuma In ay ka soo qaybgalaan shirka laakiin waxay shirka uga qaybgeli karaan oo keliya haddii aysan Xubno ku lahayn Dowladda Federaaka waxayna dadka Soomaaliyed ay ka wada dheregsan yihiin in Maamulada Puntland iyo Galmudug ay Xubno ku leeyhiin Dowladda sidoo kale waxaa iyana Dowladda xubno ku leh Ahlu Sunna marka Maskaxdii sidaan wax u Maamushey wax Maskax aan dhihi karo waa mid Foorarta oo aan la socon Xaalada Soomaaliya “ayuu yiri Avv Cilimi Barre  Cali oo intaa raaciyey” Waxaa la yaab leh in shirka xitaa uusan dooran Shir Gudoon waxaase ka sii yaab badnaa markii ay si wadajr ah shirkaa u shir Gudoominayeen Raiisul Wasaare Cabdiweli iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga.

Dhacadoooyinka kale ee la yaabka leh ee Shirkaa laga heley waxaa ka mid ahaa  markii aan la soo saarin War Murtiyeedkii Shirka iyo Qodobadii shirkaa lagu heshiiyey wax badana Saxaafadii lagu martiqaadey ay raadisey balse loo sheegey in la soo saari doono  hase yeehsee   maalmo ka dib ayaa Qaramada Midoobey waxay soo saartey War Murtiyeed ka kooban 12 Bog waxaana halkaa kaaga soo baxaya in shirka aysan dad Soomaali ah Gacatooda ku jirin  kuwii ka qayb galey ay  Noqodeen kuwa wixii loo Meeriyo ay sida ay tahay u qaataan xitaa waxaa la waayey qof yiraahda war sidaan shir  wadatashi ah looma Maamulo waxaana arrinkaa aan wax ka weydiiyey qof Goob jooge u ahaa shirkaas oo diidey Magaciisa sababo la xiriiria Amaankiisa   waxaa uu yiri:

“Runtii waxaas ma dhihi karo waa shir Wada tashi waxaa si Qar iska Tuurnimo ah looga tagay ama la inkirey qaybo badan oo ummada Soomaaliyeed ah  waxaa aan la yaabey markii aan arkey Laba nin oo walaalo ah oo mid uu ka socdey Puntland midka kalena uu ka socdey Xukuumada Cabdiweli ay shrka ka qaygalayaan marka   waxaa soo xasuustey Oraahdii Qoraagii Cabduqaadir Oromo ee ahayd “ Kan Anaa iska leh kaagana Kulla lihi” wuxuu  intaa ku darey” Waxaa ii muuqanaya  xiliga uu socdey shirka in Cabdiraxmaan Faroole uu doonayo in Madaxweyne ka noqdo sanadka soo socda Dalka  waxaa Faroole laga soo xigtey”Ninkasta oo Madaxweyne ka noqda Puntland waa wax waajib ah in Soomaaliya uu Madaxweyne ka noqdo fiiri Cabdulaahi Yuusuf Madaxweyne ayuu ka noqdey Punland wuxuu markii dambe u xuubsibtey in uu Soomaaliya ka noqdo Madaxweyne weliba isagoo heley Codadkii ugu badnaa weliba Codadka ugu badan wuxuu ka heley Beesha Hawiye balse Codadkii ugu yaraa wuxuu ka heley Beesha uu u dhashey marka waa arkii doonaa halka ay ku Biya Shubato Yadidiilada Faroole”

Soomaalida waxay Tiraahdaa “Xoolo Xalaal ah Barqaa la Qashaa “ waayo Shrika waxaa loo ogolaadey in ay ka qaybgasho qayb yar oo ka mid ah Saxaafadda Muqdisho taasi waxay kuu caddeyneysaa in meesha ay wax ku jiraan oo wax badana la Qarinayo waxaa la yaab lahayd markii Madaxweyne Shiikh Shariif  isagoo Madaxweyne ka ah dalka in uu Madaxweyne ugu yeero Cabdiraxmaan Faroole hadaba waxaa is weydiin mudan oo Su’aal Madaxa daalineysa noqotey markii Warbaahinta ka maqleen Madaxweyne Shiikh Shariif uu Cabdiraxmaan Faroole ugu yeerayo Madaxweyne waxay ahayd in uu yiraahdo Gudoomiyaha Maamulka Puntland madaama uu Shiikh Shariif uu yahay Madaxweyne Soomaaliya qof ka mid ah dadkii ka qaybgaley shirka ayaa ku Dhawaaqey “Ilaahayow  ka aqbal Shiikh Shariif hadalkiisa ah Madaxweyne Faroole waxaana markiiba dhacay Sacab iyo Mashxarad”

Inta uusan Madaxweyne ka noqon Dalka Cabdulaahi Yuusuf ayaa Siyaasiyiin ka soo jeeda Hawiye waxay martiqaad ka heleen Cabdulaahi Yuusuf ka dibna waxaa kulan isugu yimid labada Dhinac oo lagu Falanqeynayey Xaaladda Siyaasadda Soomaaliya mid ka mid Siyaasiyiintii Hawiye ayaa yiri “Waxaa ii Muuqda in Waqti aan sidaa u dheereyyn aad wadanka Madaxweyne ka Noqoto , hadalkaas waxaa si weyn ugu riyaaqey Cabdulaahi Yuusuf oo Yiri” Ilaah ha kaa aqbalo” wuxuu sii raaciyey “Adigana waxaa ii Muuqda In Xukuumadeyda aad Wasiir ka noqon doontid “ Saadaashaas waxay noqotey mid dhabowdey Cabdulaahi Yuusuf Madaxweyne ayuu Dalka ka noqdey Ninkii uu Wasiirka uu u saadaaliyeyna waxaa Dowladii Cabduaahi Yuusuf uu ka noqdey Wasiir ” Marka SaadashA uu Madaxweyne Shiikh Shariif uu Madaxweyne ugu yeerey Cabdiraxmaan faroole iyadana ma noqon doontaa tii Cabdulaahi Yuusuf oo kale”

Hadda ka hor ayaa Xayawaanka oo dhan ay shir isugu yimaadeen waxaana shirkaas shir Gudooominayey Libaax waxaana inta uusan shirkafurmin waxaa lagu amaaney Geel oo layiri Adigaa Quraanka laguugu amaaney ee noo Fur Shirkaa ka dib Geel waxaa ka soo Go’ay Qosol  gaarsiisey in ay Faruurta ka jeexanto waxaa markii dambe shirkaas ka soo baxay Go’aamo ay ku Qosleen ama u guuxeen dhamaan Xayawaankii oo dhan  waxaa  Qododaabada ka soo baxya shirka aan ku Qoslin Ninka la yiraahdo Dameer  , Markii Saddex maalmood ka soo wareegatey Shirkaas ayaa waxaa la arkey Dameer oo Qoslaya markaas baa la yiri” Dameerow Maxaad ku Qososhey . markaasuu yiri “Wixii aad maalinkii ku Qososheen baan hadda ku Qosley” Dameer maalinkii Buu la qosli lahaa hase yeeshee waxaa u Cuntami waayey wixii meesha  ka soo baxay in uu saddex maalin  ka dib uu ku qoslo Go’aamadaas,waa la yaab waayo  Dameer ma ahayn mid Qssolkiisa uu ku raacsan yahay Wxii ay ku Qosleen Xayawaanka o dhan ee wuxuu ku qosley  oo uu la yaabey waxaa ay isku raaeen Xayawaan oo u ku tilmaamey mid aan soconeyn     marka dad badan hadda u guuxsan Go’aamadii Shirka  ayaa waxay raaci doonaan halkii uu marey Dameer  oo ay u soo baxi doonto in waxa la gaarey aysan ahayn wax Soomaali u Cuntami doona  oo ku soo Baraarugi doono in shirka laga lahaa Danno gaar ahaaneed

Isku soo wada duuboo Waa shirkii ugu horeeyey ee lagu qabto Gudaha Soomaaliya iyadoo shirarkii ka horeeyey ee lagu qabtey Dibadaha ay ay ahaayeen kuwa aan marnaba lagu Dibindaabyeyn Xuduudaha Badda iyo Midka dhulka hase yeeshee shirkii Xerada Xalane wuxuu u muuqdaa mid la doonayo in wax badan lagu Xalaaleysto oo dadka Soomaaliyeed Qaarkood ay noqdaan  “Lax Weliba Shilalkeey is Dhigto ayaa lagu Qalaa” Marka inta ay Goori Goor tahay aan ka hortagno waxa laga damacsan yahay Shirkaas ee uu soo wato Mustaqbalka .

W/D     Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Dhacadooyinkii la Yaabka lahaa ee Shirka Wada Tashiga Soomaaliyeed "

  1. Mohamed Dahir says:

    Amiin waan ku salaamay, runtiina maqaalkan waa mid aad qaali u ah oo ka hortagaya dulmi. Waxaa haboonayd in aysan iridaasu furmin oo aan lala fadhiisan maamul-goboleed balse ninka ku biilaya taladiisaa meel mareeysa. Waa nasiib daro in aan dowlad leenahay laguna sheego in loo dhan yahay hadana actors-ka aysan matali karin halka ay sheegtaan inay matalaan.

  2. Key says:

    Illaahoow soomali adiga lee u maqan ee sidaan si dhaanto iyo hogaamiyaal aan loo yeerineenun waxa ay quwado shisheeye ay rabaan ayaan kaa dooneenaa ee iga ajiib ducadeedeyda aamiin

  3. yaabane says:

    marka hore salaan webka somalitalk
    waa web aad qaali u ah, waxan ka codsanayaa
    maamulka webkan qaaliga ah inuu ka fiirsado
    qoraalada ay daabacayaan dadka jecel in somali
    ay sii kala fogaato, ninka qoraalkan qorey mahan nin ay ka muuqato somalinimo, waa nin doonaya in uu sii kala fogeeyo somalida,
    fadlan hadaa tahay qoraa xalaal ah isku day inaa qorto
    qoraal isku so dhawayn kara ummada somaliyed ee kala tagtay,
    kala tegid uma baahnin waxanu u baahan qoraa aanu xiisayno qoraaladiis
    ,,,, aad ba u mahadsan tihiin ,,, somaiyeey ganmaha is-qabsada

  4. Ibraahin says:

    Walh mudadan aqrinayay qoralkan xaada damirka ayaa igacay indhahegana ilin ayaa ka da’ ayay walh waxan layaabanaa nin wadan kisa sidan ugu maa mulayo war anaga mahiga shalay cadaw gena ahaa maa nabad noo dhalinayo war firi horta qof ka madax lagaga dhigay war waa mahiga war waxa dhan waa tuugo war firi sharif shalay waxoo ku dhartay dinta dalka iyo dadka firi waxa bakaro ka dhacayo max ka mada laga furi waxa logu magac daray tastur ama xukun askari war nima wax dhacay ama dugan ayo jabsaday firi dil aya lagu xukumay maxa waye dinta sidas qabto in nin wax xaday la dilo marka ani ma tagero shabab ama al shedan mataagero maracals ama tugdada ama kuwa dowlada is ku shegayo / shacaka soomaliyad waxan ugu baqaya 21sano aya dhigina labanesanoyaa marka qabil wax ladhaho ama urur an tagera ama dowlada tagera walh hadad samesin waligin dhibkan lagama baxaayo masaakenkan wax ba galbsan dhiigisa la banesanayo hadan ilah lo tobnkenin walh waxan lagama baxayo war marka wadaashen waa rafaden marka ilah hano dhaliyo nin dalka iyo dinta iyo dadka wax uqabto alah hano dhaliyo amin amin amin alh madax hanoga dhigo nin muslim ah umada ku bar waqesato amin amin by umada soomaliyed nawada yaa udooday soomali kii dilayo aye udode wad mahad santihim }

  5. moe says:

    qofka la magac baxay nin somaliyeed, waxaan kuu sheegi lahaa in marka hore aad soomaaligaaga soo saxdo ka hor inta aadan qof wax ka sheegin. Mida kale qoraha maqaalka waxa uu soo bandhigay wax yaabo macquul ah oo aan filaayo in uu daraasad ku sameeyay sidaa daraaded inta aadan iska doodin la imaaw wax aad ku doodo.

    Dhanka kale, qoraha maqaalka aad ayuu ugu mahad sanyahay maqaal kaan xiisa leh.

  6. hort nin ka qoray maqaalka waxan u malaynyaa inuu rer koonfureed wayo dadki wuxuu ugu mah mahaya xaywaan dhaqanka somalidan dumarka iyo xaywanka laguma mahoo tankale maqaalkaaga ad qortay ima dhadhamin wuxuu yuiri shariif ayaa ayir madax wayene hada wa madax wayane miyadaan adiug wax ka qoon fadarlizikma wax layirhada nin wakaba magaalu goblalu ayu ka yahay maxa isku keenay madax wayne gobal iyo qaraan taas wa inaad kala ogtaa mida labaad shirka waa shir fcn qodabadi ka soo baxayan wa ficiinayeen say aniga ila atahay waa bilahatawfiis