Home » Warar »

Waxqabadkii Culimadda Puntland ee abaaraha

Bishii Ramadaan waxay Hay’adda Kafaalo ugu hawl gashay aafadii abaaraha kharash kudhow 1,000,000 kroner (hal malyan oo kroner) waxayna kala shaqaysay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed sida maraakiiz, ururo, hay’ado, culumo iyo shakhsiyaad khayrfalayaal ah.

Waxaa arinkaan dawr weyn kaciyaaray Culumaa’udiinka Puntland oo go’aansaday inay marsiiyaan sadaqaadkii ay uruuriyeen Hay’adda Kafaalo, kadib markii ay ku qanceen waxqabadka hay’adda iyo sida ay arinka abaaraha u maamulayso.

Sidoo kale waxay Hay’adda Kafaalo wadashaqeyn wacan wada yeesheen dhalinyarada Gøteborg iyo maraakiz dhawra sida markazka An-nuur Stockholm, markazka Ørebro, markazka Køping, jaaliyadda Soomaliyeed ee magaadal Esklustina, dhamaan dalka Sweden iyo markazka Ibnu Cutheymin ee magaalada Leicester UK. Isla mar ahaantaana khayrkaan kama aysan harin Khayrfalayaasha Soomaliyeed ee kala jooga wadamada Yurub ee sida shakhsi-shakhsiga uga qayb qaatay.

Tirada qoysaska Kafaalo ilaa hadda wax gaarsiisay ayaa ah 10.000 (toban kun) qoys. Deegaanada dadkaas ku sugan yihiin ee Kafaalo gargaarka ugu gaysay waa dhawr magaalo iyo goobo baadiya ah. Waxaa kamida Baardheere, Shanqaloow, Ilbeeto, Macalin Dheere, Baalbaalow, Koromo, Awdiinle, Galdaa, Riiraay Raaxoole, Guduudeey, Jameeco,Shiidkuus, Koroow, Shamiinto, oonlay iyo deegaanada u dhawdhaw ayaa ah goobo ay macaluuli ku habsatay.

Arimaha naxdinta leh waxaa kamida in qaar ka mid ah dadka inay barareen, iyagoo arinkaa u dhintay maalmo kadib, macaluul awgood. Sida uu noo sheegay midkamid ah Odoyaasha deegaanka ilaa shan qof ayaa u dhintay cudurka cago bararka.

Halkan kadaawo masawiro dheeriya

Kafaalo waxay warbixinadaan kasii daysay TV-yada Somalichannel iyo Horn Cable TV. Waxaan dadweynaha iyo hay’aadka samafaleedba ku tartarsiineynaa inay nala qaataan istiraatiijiyada ah in dadka loogu tago meelaha ay ku baaba’san yihiin, maadama ay dhibtii dhex fadhiyaan, magaalo weyna u dhaweyn.

 

Maamulka Hay’adda Kafaalo


Kontortid: kl. 16:30-21:00
Postadresse: Postboks 9351,
Grønland, N-0135 Oslo
Tel:  +47 21 64 68 15
Tel:  +47 21 64 68 16
Tel:  +46 85 038 3272 – Sweden
Tel:  +45 46 99 09 84 – Denmark
Tel:  +44 20 80 99 14 71 – UK
Fax: +47 21 66 59 23
Org.nr: 888682112

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.