Home » Warar »

Wafdigii ka socday Muslimiinta Zaambiya oo Deeq lacag ah ka Qeybiyay Xerada Weyn ee Barakacayaasha Aala-Yaasir Km50

Qeybintan Deeqda Lacagata ah ayaa waxay noqoneeysaa wajigii labaad oo ay ugu tala galeen Gurmadka Abaaraha , Halka ay deeqda wajigeedii koobaad ka qeybiyeen Xiro Barakacayaal oo ku taala Degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta loo soo wakiishay deeqda ayaa waxay sheegeen in ay tahay qeybinta lacagtani wajigii labaad oo ay ka qeybinayaan Xerada Aala-Yaasir ee km50 ee Gobolka Shabeelada Hoose .
Qoysaska la gaarsiiyay Deeqdan ayaa waxay gaarayaan 4,473 Qoys (Afar Kun Afar Boqol iyo Todobaatan iyo Sadex Qoys) iyada oo la siiyay qoys waliba lacag dhan $10 (Toban Doolar) oo u dhiganta 300,000 sh.so (Sedex Boqol oo kun shilin Soomaali) , guud ahaan Lacagta halkaasi lagu qeybiyay ayaa waxay noqoneeysaa $44,730 ( Afartan iyo Afar kun Todobo Boqol iyo Sodan Doolar).
Xilligii Deeqdan lacagta ah la qeybinayay ayaa qoysaska kaamka ku nool la siinayay Raashiin ku filnaan karo Maalmo.
Ugu danbeyntii Masuuliyiinta loo soo Wakiishay qeybinta Deeqda ayaa waxay u sheegeen Warbaahintii ka soo qeyb gashay Deeq qeybinta in ay sii wadi doonaan,iyagoo ugu baaqay dhamaan Jaaliyadaha Muslimiinta iyo shaqsiyaadka wax heysta in ay Taakuleeyaan Walaalahooda dhibaateeysan ay Abaaruhu Saameeyeen .

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.