Home » Warar »

Qaraxyadii 11 September iyo Saameynta uu ku yeeshay dadka Soomaaliyeed

Maalin Talaado ah 11-kii September 2001 ayay ahayd markii Diyaarado Rakaab ah oo Mareykanku leeyahay sidii Gantaal oo kale loogu adeegsaday in lagu burburiyo labadii Daarood ee Maataanaha ahayd ee Gacansiga adduunka iyo Xarunta Gaashaandhiga Mareykanka, waxaana weerarkaasi ku dhintay dad kor u dhaafaya 3 kun oo qof, hase yeeshee xiligaasi Madaxweynihii Mareykanka George Bush af labadii ayuu yeeray wuxuuna yiri “Waxaa weerar lagu soo qaaday Mareykanka”, isagoo sii raaciyey in adduunku u qaybsan yahay, Dad raacsan Mareykanka iyo dad raacan waxa uu ugu yeeray Argagixisada, markaa kadib waxaa bilowday olole ka dhan ah Muslimiinta Adduunka, waxaa weerar lagu qaaday wadamada Afganistan iyo Ciraaq, waxaa la xiray ama hantidoodii la qaatay Shirkado waaweyn oo ay lahaayeen dad Muslimiin ah, waxaa la sameeyey Xabsi loogu magac daray ‘KuwatanaBay’, kaas oo looga kol lahaa in dadka Muslmiinta ah ee laga soo xiro daafaha dunida lagu ciqaabo, sidoo kale waxaa kontaroolo adag la dhigay Garoomada Diyaaradaha, waxaana il gaar ah lagu eegayey dadka leh Muuqaal Islaam.

Weerarkaasi Mareykanku ku qaaday dunida islaamka, xaqiiqdii lama dhihi karo waxay ka dabcisay weeraradii lagu hayey Danaha iyo Siyaasadda Mareykanka, waxaana 11 september kadib dhacay Qaraxyo waaweyn oo lala beegsaday xarumo Mareykanku lahaa dunida dacaladeeda, sidoo kale waxaa xiliba xiliga ka dambeeya sii kordhayey weerarada lagu hayo dadka u dhashay dalka Mareykanka, taasoo lagu macneeyey in ay ka dambeysay siyaasadda Qar-iska tuurnimada ee Mareykanka, waxayna sii kordhisay cadaawaddii loo hayey Dowladda Mareykanka, hase yeeshee dadka u kuurgala siyaasadda Mareykanka waxay odorasayeen in marka la doorto Barack Obama wax badan iska bedeli doonaan Siyaasadda Mareykanka iyagoo ku saleeynaya hadakiisii ahaa in uu irdaha isugu dhifan doono Xabsiga Kuwatanabay isla markaana uu isku soo dhaweyn doono Islaamka iyo Reer Galbeedka balse taasi waay noqotay mid aan ka soo qaad yeelan, waxaana weli dabagal iyo cadaadis lagu hayaa dadka muslimiinta ah ee Mareykanka galaya ama ka soo baxaya qaxaa weli furan Xabsigii Kuwatanama-Bay.

Hadaba dhacdadii 11-ka September waxaa ka mid ah dadka ay sida weyn u saameysay Soomaalida, waxaa la xiray Shirkaddii weyned ee AlBarakat, sidoo kale waxaa maalin walba baaritaano lagu hayaa shirkadaha kale ee Xawaaladaha ee ka hawlgala wadamada Reer Galbeedka iyo Mareykanka, waxaa saacado badan garoomada lagu xayiraa qofka looga shakiyo ama la ogaado in uu Soomaali yahay, xitaa waxaa la adkeeyey dadka Soomaaliyeed ee soo gudanaya xaajibaadka xajka, qaarkoodna waxaa loogu hanjabay in haddii ay xaj u tagaan Sucuudiga aysan dib dambe ugu soo laaban doono Mareykanka, waxaa weeraro loo adeegsaday Gantaalo iyo diyaarado lagu soo qaaday Dhulka Soomaaliya waxayna waxyeelo ka soo gaartay hanti iyo nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa Soomaaliya laga dhoofiyey dad badan oo lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Al-qaacida kuwaas oo lagu xiray xabsiyo ku yaal meelo ka mid ah Adduunka oo qarsoodi ah, sidoo kale waxaa dalka la eryay hay’ado samafal oo gacan siinayey dadka dhibaateysan iyo carruurta ku agoontowday dagaalada ka dhacay Soomaaliya taasina waxay keentay in cadaawad loo qaado Hay’adaha kale ee samafalka sheega in ay ka shaqeynayaa ee hoos taga reer galbeedka.

11 September waa maalin qof kasta oo Soomaali ah ku xasuusto in ay bilow u ahayd hoogga Soomaaliya la baday, waxaa xanuun kale ahayd markii Ciidamada Itoobiya dharaar cad ku soo xadgudbeen Qaranimada Soomaaliya oo ay dhibaatooyin xoog leh u gaysteen dadka Soomaaliyeed, waa laga sii daray oo dalka waxaa loo ansixiyey in ay ciidamo lagu sheegay in ay nabad ilaalin yihiin kuwaas oo iyana xasuuqii Soomaaliya ka socday sii badiyey, waxayna dadka u dhuundaloola siyaasadda Soomaaliya sheegayaan in arrimahaas lagu kacay ummadda Soomaaliyeed looga gudbi karay oo keliya iyadoo ay Soomaaliya hesho dowlad adag oo hanata dalka oo dhan taasoo ku guuleysan lahayd in ay nabad ku soo dabaasho gayiga Soomaaliyeed balse Mareykanku arrintaas wuu iska indhatiray, wuxuuna iska dhigay Booliis adduunka oo dhan ka hawlgala waxayna taa kordhisay cadaawaddii loo hayey Mareykanka.

Mareykanka iyo Xulafadiisu maalin walba waxay wadeen wax Islaamka ka careysiiya, waxaa ka mid ah in la gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, in Aflagaado loo gaystay Nabi Muxamed (NNKH) iyo waliba in meel looga dhaco Diinta Islaamka iyadoo waliba xadgudubyadaasi ay weli ka sii socdaan wadamada Mareykanka iyo reer Galbeedka, waxaana meesha ka baxay hadalkii Obama ee ahaa in uu meesha ka saari doono Islaam Nacaybka isla markaana qof walba Diinta lagu tixgelin doono.

Qaar ka mid ah Wadamada Islaamka ayaa loogu yeeray in ay Argagixiso hoy u yihiin, Mareykankuna wuxuu iska indha tiray xasuuqa ay Israa’iil maalin walba ka gaysaneyso dhulka reer Falastiin tanina waxay sii laba jibaartay caradii loo hayey Mareykanka iyo Huwantiisa, dariiqaa uu Mareykanku jeexday dhowr jeer ayaa looga digay oo loo sheegay in sidaasi aysan xal aheyn, Mareykankuna dib uma fiirin Taariiqda adduunku uu soo maray, waayo dalal badan oo awood is biday ayaa awoodoodii luntay kadib markii ay ku xadgudbeen xaquuqda aadanaha, isku soo wada duuboo 11-ka September waa maalin ku weyn Maskaxda ,Muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ay Hantidoodii ku waayey, kuwa qaar ka mid ah ehelkooda ku waayey iyo kuwa xoriyadooda ku waayey lana jir dilay iyo weliba kuwa meel ay cirib jaan dhigeen aan la ogeyn, waxaana xabsiga Kuwatanamabay weli ku harsan Nin Soomaali oo lagu magacaabo Hanad iyadoo la sii daayey rag kale oo Soomaaliyeed oo Mareykanku sheegay in ay ku waayeen dambi, haddaba waxaa la isweydiinayaa Qorshaha cusub ee noqonaya marmarsiyaha Mareykan mar haddii 11 September ay haatan 10 jirsatay oo laga xiiso dhacay sheegisteeda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.