Home » Warar »

Golaha Degaanka Degmada Bosaso oo Maanta Si rasmi ah u Doortay Xubnaha Golaha Degaanka ee Joogtada ah.

Golaha Degaanka Cusub ee Degmada Bosaso ayaa maanta si toos ah u doortay Xubnaha Golaha Joogtada ah oo ay Mudooyinkii ugu damayey Fadhi arrintaasi ku saabsan ay lahayeen,Waxaana ay dhexdooda ka soo Doorteen Mudanayaasha Golaha shacabka Degmada Bosaso 9Xubnood iyo Gudoomiye iyo ku Gudoomiye ku-Xigeen sidaasi daradeed ay tirada Xubnaha Golaha Degaanka Degmada Bosaso noqtay 11Xubnood oo 2Haween ah ay ka dhexmuuqdaan iyadoo arrintaasi ay isku raceen Xubnaha Golaha Shacabka Degmada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Xaflad balaadhan oo maanta Xubnahaasi ay soo fariisteen ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiinta Dowlada Puntland oo kala ah,wasiirka wasaarada Maaliyada Prof Faarax Cali Shire,Wasiirka wasaarada Dekedaha iyo Gadiidka bada Puntland Ing,Siciid Maxamed Raage,Wasiir ku-Xxigeenka Arrimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo Harumarinta reermiyaga General Cabdi Yasiin,Wasiir ku-Xigeenka Wasaarada Amniga Puntland Co,C/Jamaal Maxamed Cismaan,isuduwaha Dowladaha Hoose ee G/Bari,Gudoomiyaha G/Bari C/samed Maxamed Gallen,Ku-Xigeenka Gudoomiyaha Gobolka Yusuf Muumin Bidde,Duqa Degmada Bosaso ahana Gudoomiyaha Golaha shacabka Degmada Bosaso Xasan Cabdla Xasan ,Madaxa Haweenka Gobolka Bari,Sarkiisha Ciidanka Iyo Ururada kale ee Degmada Bosaso.

Halkan ka daawo sawira dheeriya

Xafladan oo ka dhacay Dowlada Hoose ee Degmada Bosaso ayaa waxaa Khudbado kala duwan ka soo Jeediyey Masuuliyiinta Madasha Fadhidey,Waxaana Halkaasi ugu Horayn ka Hadlay Duqa Degmada Bosaso Xasan Cabdla Xasan oo sheegay in Golaha Degaanka Degmada Bosaso ay guddigan ka kooban 11ka Xubnood ee ay ku Jiraan Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku-Xigeenka Xubnahan ay yihiin kuwa sida Joogtada ah ula shaqaynaya Duqa Bosaso,Isagoo Xasan sheegay inuu kalsooni ka qabo Xubnahanahaasi ugu kalsoonyahay iyo Shaqada gaar ahaaneed ee ay la qabanayaan Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane C/samed Maxamed Gallan ayaa Halkaasi isana khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyey isagoo ku dheraaday Gudoomiyaha Gobolku inuu siwayn ugu Qanacsanyahay Mamulka Gobolka Bari sida ay u socoto Shaqada Xubnaha Cusub iyo Gudoomiyaha Degmada oo uu sheegay inuu yahay Masuul Siwanaagsan ay ugawada dhabayn Donaan Horumarka Gobolkan.

Intaasi ka dib ayaa waxaa Mingirifoonka lugu soo dhowayey Wasiir ku-Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Puntland General Cabdi Yasiin isgoo Wasiirku ugu baaqay Golayaasha Degaanka Ee Puntland inay noqdaan kuwo si dhab ah uga soo baxa Waajibaadkooda isla markaasina muujiya Horumar dhanka bulshada ah iyo Xiriirka Wasaarada Dowladaha hoose oo marwalba diyaar u ah ilgaarana ku eegaysa Shaqada Golayaasha Degaanka Puntland ,Cabdi Yasiin ayaa sheegay inay Wasaaradu la Xisaabtamayso Maamul Walba oo ka jira Degmooyinka Puntland gaar ahaan Magaaloyinka waawayn ee Garoowe,Bosaso iyo Gaalkacyo.

Ugu Damyntii Waxaa Halkaasi Hadal dheer ka soo jeediyey Wasiirka Maaliyada Prof Faarax Cali Shire,Waxaana Wasiirka hadaladiisa ugu Mihiim sanaa isla markaasina uu si Hidiidilo leh ugaga soo jeediyey Madasha ,Dhor arimood oo ay ugu Mihiimsanyihiin.
1-Wax ka bedlida Amniga.
2-bilicda iyo Dhiraynta Magaalada Bosaso
3-Kormeerada iyo tayeyta Waxbarashada iskulaadka
4-Xiriirka Dadwaynaha iyo Laamaha kaladuwan ee Bulshada.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ayaa sheegay in dhamaan arrimahaasi oo idil aan looga fadhiyin Xukuumada ee laga doonayo Dowlada Hoose iyo Mamulka Gobolka oo la,og,Waxaana uu intaasi kudaray in lacago abaalmarin ah la siindoono Golayaasha Degaanka Puntland kuwooda Ugu waxqabadka Wanaagsanaada.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.