Home » Badda »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…


DFKMG oo soo saareysa Sharci Lagu Tirtiraayo xeerkii Badda Soomaaliyeed ee Law no. 37 ee 1972
Xukuumadda FKMG oo 19-ka December 2011 ka Tanaasuli doonta Xeerkii Badda Soomaaliya ee soo jirey 40-sano

Go’aamadii ka soo baxay shirkii “wada tashiga” ee ay soo qabanqaabisay Qarammada Midoobey, laguna qabtay magaalada Muqdisho (August 4 – 6, 2011) ayaa waxaa kamid ah in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqi doono xuduud badeedka Soomaaliya ee loo yaqaan  “EEZ” (Exculisive Economic Zone) ama “Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah”.

Qodobkaasi waxa uu meel ka dhac ku yahay xeerka u degganaa Qaranka Soomaaliyeed muddo 40 sano ah, xeerka Law no. 37 ee 1972 oo si cad u qeexaya in Soomaaliya ay leedahay DHUL-BADEED (Territorial Waters), dhul-badeedkaas oo cabirkiisu xeebta ka durugsan yahay 200 mayl-badeed. Sidaas daraadeedna Hadalka aan meesha qaban ee ku qoran qodobada ka soo baxay shirkii Muqdisho waa oraahda “Exclusive Economic Zone” EEZ (Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah).

SII AKHRI….

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

250 Jawaabood " Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii "

  1. Adam says:

    Aad baan usoodhaweyney Waa tilaabo hore loo qaaday
    Tanxigatana waxaan suganaa in maxkamad lasoo taago kuwii galay khayaano qaran ee Bada somalia muranka galiayay.

  2. Abdul Adam says:

    Dadka dhacaya Deexdeeydu waa inaan Dagaalaaye
    Waa inaan Duggaal oga dhigaa Danabka baaruude.
    Waa inaay Dareemaan inaan Door rag leeyahaye.

    Waa inaan Dillaalkiyo Didshaa kaay Dirsanayaane.
    Dabka dhacaya waa inuu Dilaa kii i Dagayaaye.
    Waa inaay calfanin Doollarkaay Ducuftu qaateene.

    Diiwaanku waa inaan gilshaa inaay Dulloobeene.
    Dariiqaay maraan waa inaan Dood ku oriyaaye.
    Deynkeeyga maqan waa inaan Daqar ka geystaaye.

    Da’dii horaaba Diideen waxaay nagu Dayaayaane.
    Docfur weeye maantana haddaan laga Digtoonaane.
    Dal Ilaah na siiyaay rabaan inaay ka Doodaane.

  3. cabdirisaaq says:

    acww
    waa wax lagu farxo, waanan u hambalyeynaynaa Baarlamanka ku meelgaarka ah. waxaan kaloo bogaadin u dirayaa soomalitalk o aad ugu istaagay badbaadinta iyo daraasaynta khiddadaha lala maagan yahay Badda soomaliyeed oo kuna baxshay mood iyo noolba iyo waqtiba.
    waxaan leeyahay haddii aynnu hadba mowduuc dadkeena ka wacyi gelinno waa hore baynnu noqon lahayn dowlad xora oo muuqata.
    haddaba, haddana aynnu u istagno sidii aynnu waddankeenna uga saari lahayn maxmiyadda la gashay oo cid walba aayaheenna ka talinayso mar beesha caalamka(USA &UK) marna pan-kimon, marna qadaadweyn (AU) marna xabashi (Meles)
    haddii websiteyada iyo idaacadaha localka ah iyo TV yada af Soomaaliga ku hadla aynu dadkeenna waddaniyadda barno iyo inay dalkooda ayagu leeyihiin taadiisa ayagu leeyihiin, tusaalayaal baddana siinno waxaan isleeyahay mudda yar baynnu waxbadan qaban kari lahayn ee aynnu u istaagno;
    kuwa musuqmasuqa iyo danta gaarka ku howlanna aynnu toosh if weyn leh ku ifinno haddii ay arki wayaanna aynnu sida Xusni Mubaarak Qafis gelinno

    aad baad u mahadsan tihiin
    wabillaahi towfiiq

  4. yacquub says:

    ASC salaam kadib hahad oo dhami ilaahay ayey u sugnaatay,nabadgelyo iyo naxariisina nebi muxamad koriisa ha ahaato.waxaan aad ugu mahad naqayaa
    1.Somalitalk oo ah figure ama synbol ama calaamad mar walba u taagan soo tebinta,difaacidda iyo ilaalinta dhammaan arliga soomaaliyeed iyo habkooda cilmiyeysan ee ay point walba ugu sharaxayaan iyagoo cuskanaya caddaymo laysku hallayn karo
    2.Adiral Faarax Qare oo muwaadin aan laga muwaadinsaneyn oo meel walba iyo goor walbaba difaacaya badda soomaaliya isagoo aqoontiisa maalaya.
    3.Baarlamaanka ummadda soomaaliyeed oo markasta oo uu qiil-qiil galo waddanku codkooda ku difaaca,waxaan leeyahay waan u ciil qabay awel laakiin waxay doonaan ha sameeyaan mar haddii ay naga faydeen kurbadii ama welwelkii naga hayey in la dhaco badda soomaaliyeed
    yacquub
    2.

  5. Nuur cabdi macalin says:

    As.c marka hore ilaheyba mahadle markalabad somalitalk sadaxad barlabankasomaliya sida adlasocotinba baryahaan bada somalia ayadulan lagusoahaay kanya norwen malahan badasomaliya malahan biriga waxan ushega wadignin kamadabeysa arimahasomalia bad iyo biriba hadiayfaraha kalabiriwayan talabobuxda ayan kaqadeyna aniguwaxan ahay xubinka midah dublumasi calamiah habin iyo malin madaxda dowlada wan wada hadalna a hadalaka madonayo inan kudherado muhimka waxawaye halagadayo faragalinta badasomaliya hadi kale cawaqibxumo aye kalakulmidonan kanya norwen as.c adaumahadsantihin somali talk

  6. marka hore waxaan u mahad naqayaa bahwaynta somalitalk oo xilwayn iska saartaysideey u difaacilaheed badda somaliyeed oo ay xoror ku yihiin
    dawlado badan ayagoo adeegsanaha kuwo sheegta magaca somalia
    laakiin ah qaran dumis oo walina ku atkaysana in ay yihiin madaxda
    laakiin sir ma qabe ALLAA u sahana ama sir ma qabe saabbaa biyaha u celiya ee somaaliyay difaaco dalkaada cirka iyo dhulka iyo baddaba

  7. Muqtaar says:

    Asc waan idin salaamay dhamaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan somalitalk iyo prof yaxye iyo dadkii kale oo u ol oleleeyay iyo dhamaan dadka soomaaliyeed ee ka xunuunsaday arinta badda soomaaliyeed waxaan se leeyahay waa in aan meesha ka sii wadna si aan u gaarno meel ka sareysa maxaa yeelay waxa keenay in laga hadlo badeena waa dowlad la aanta iyo tabar yarideena marka somalitalk iyo prof yaxye waxaan leenahay hali sii wado hogaana u noqda ummada soomaaliyeed mahadsanidiin

  8. Omar says:

    ASC, Waa libin weyn oo ay quluubta suubban si aan la qiyaasi kareynin ugu diirsatay go’aamada laysku raacay ee ay ka soo baxay walaalaha loo tiiriyo awoodda ugu sareysa waddanka qodobada sharci garoobay ee difaacaya sharafka iyo karaamada dadka iyo dalkeenna.
    Mahad guud Rabbi(SW) ayaa iska leh gaar ahaanna Kooxda SoomaaliTalk iyo cid kastaa oo ka dhiidhisay bahalnimada shishiyeeyah iyo kuwa kalkaalaba. Dhammaan H A N B A L Y O!!!!!!!.
    1. Sixitaan: qodobka 4aad haddii aaney dhegeyga i khaldin qoraal ahaan sida shabakadaha qoreen iyo dhawaqa ahaan sida CUMAR ISLOW iyo nuxurkaba isma lahan halka SIYAASADDA loo qoray waa SIYAADADA “sovreignity” Cumar sidaa ayuu leeyahay.(Fadlan dib haloo saxo)
    2. Walow aan reynreynta aad ugu farxay haddana talo waxay igula sii quman tahay anoo ku raacsan aqoonyahanada qaba fikirka ah sida Peru oo kale in qodobada badda ku saabasan dhammaantooda ay toos ahaan dastuuri ahaadaan.
    Tani waxay quus ka dhigi damac iyo isku kastaa oo ka hor imanaya xeerkan goor iyo goob marxalad iyo xaalad kastaa.

  9. digalo says:

    a/salamu caleykum walaal waxan halkan ka salamaya dhaman bahda somalitalk iyo golaha shacabka oo si geesi nimoah ugutay wajibadki lo idmay oo ah in ay difacan qaranka somali kana difacaya qowleysatada raba in ay gadan dhulka somaliyeed intas kadib golaha shacabka waxan ka codsanaya in ay maxkamad soo tagan wixi ka shaqeynaya arintas amaba lug kuleh? wabilahi towfiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiq

  10. Bismillaah,

    Aad waxaan ugu faraxsanahay Xildhibaanadii faraha badnaa oo maanta shaqo fiican qabtey, waxaa la yiri ” Nin baa jirey cirwayn oo aad u xoog badan, dadkuna aad bay u xaman jireen markay arkaan sida uu wax u cunayo iyo cirwaynidiisa, maalintii danbe ayaa reerkii geed aad u wayn jidki ka xidhey oo ku soo dhacay, raggii kale ee xaafadda joogey ayaa ooddii waynayd qaadi kari waayey oo ka banayn kari waayey wadadii, Ninkii odayga ahaa ee cirta waynaa wuxuu is yiri Allaylehi maanta ragan tus wax qabadkaaga, intuu talaabsadey ayuu oodii hal gan ku jiidey oo wadadii ka leexiyey, wuxuuna yiri ” Waxnna waan Cunnaa Sidaana waxbaan u qaadnaa” hadal kama danbayn.

    Waxaan uga gol leeyahay Baarlamaanku manata shaqo fiican buu qabtey waana wax lagu farxo inuu go’aan ka gaarey baddan somaliya ee noqotey halaq mareenka Habar kastana iskaga hunguroonayso, waxaan leeyahay mar hadii go’aan kaas oo kale la gaadhi karo dadku wali waa noolyihiin.

    Baddii noo badbaadoo
    Baarlamaanku soo dhici
    Barwaaqaynu joognaaa
    Buugbaana lagu qori
    Ballantana adkeeyoo
    Beylah yeeynu wada noqon
    Baahi baa i haysana
    Bada’haaga ha u gadin
    Boqorkii ilaaheen
    Belo lagama doontee
    Baydkiina daafaca
    Ballanteennu waa taas.

    Mahadsanidiin

  11. Mire says:

    Ac

    Runtii waa arin cajiib ah in Soomaalidu arkeen in duulaan lagu yahay balse arintaa TFGda akhyaarta horbooda aysan arintaan Bada iyo arimo kaleba aad moodo in ay anagoo wixii inoo cad yihiin hadana rabaan in ay na ina indho sarcaadiyaan. Taariikhda hadaan dib u raacno waxaan umada xasuusinayaa in umada markay jilicsan tahay laga faa’iideysto waxaa dhacday in Mohamed Xaaji ibrahim cigaal u sixiixay NFD kenya si lamid ah sida MOA ay u saxiixeen cumar cabdirashiid hadase ilaah mahadii waxaan heysanaa shacab wax akhrin kara iyo kuwo wax qori kara oo waliba si qotodheer arimaha u balbalaarin kara sida SOMALITALK oo aan runtii oran karo waxay istaahilaan bilad dahab ah sida ay inooga faa’iideeyeen shaashadooda in ay ugu adeegaan umada Soomaaliyeed runtii taariikhdaa idin xusi doonta in aad xitaa mideyseen baarlamaan isku sheegii oo aad ku guubaabiseen in ay dalkooda u hiiliyaan waqtigaan adag aad ayaana ugu mahdinayaa waxaan kula talinayaa in ay wadanka sidaas iyo si lamid ah ugu hiiliyaan marwalba.

  12. Hussein says:

    SOMALITALK.COM WAXAY MUTAYSATAY BILLAD SHARAF

  13. Dr Maxamed says:

    Ilaah baa mahad leh, waxaa kaloo amaanan somalitalk iyo intii u kacday inay badeena ka difaacaan horarkii soo weeraray iyo wax ma garadkii dawlad ku sheega ay soo adeegsadeen, waxaan gabagabadii u hambalyaynayaa barlamaanka oo iyaguna waajibkooda gutay taariikhdana baal dahab ah ka galay.

  14. Go’aanku waa taariikhi, intii isla qaadatayna waa ay ku mahadsan yihiin. Intii dooddu socotay, waxaan u guurgalaayay xubnahii DFKMG ee qaalaqaalinaayay in la meelmariyo heshiisyo lagu xadeynaayo baddeenna ay marna ka soo qaybgelin fadhiyada baarlamaanka. Waxay ka cabsadeen inay wajigabax ka qaadaan. Rag magacyadooda laga xusi karo, sida Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Hassan, Prof Gandi iyo rag kale ayaa safaro dibadda ah ugu dhuumaal maqan, maadaama la meelmarin karin sharciyo xadeynaya badaha Somalia.

  15. Shukri sh. says:

    AAWW, . Allaa mahad leh kol haddii golihii na matalayey e baarlamaanka go’aamo na farxadgeliya soo saarey, alle ha ka dhigo kuwo dhaqan gala inshallaan. Baarlamaankow, Mahad ballaaran buu shacabkiina idiin haya, ahadana kuwo isku duuban o go’aamadooda ka run sheega, yaan xoogaa sanuud ah ama balanqaad jago la idinku kala dilin, kumeel gaar baad ka baxeysaa o joogtaa laydinka dhigi run ha moodina deeq iyo darajaba Alla baxsho. Waxaad difaaceysaan waa dhaxalkiina iyo kii caruurtina ee mustaqbalka saas u ogaada, yaan nala ceyrteyn, inshallaahu waqti aan dheereyn baan kheyraadka dhulkena la so bixi doonaa. Marka dadaalka iyo difaacaba ha la wado wax yar baa no dhiman. Arintan difaaca badana waxan filaya inay tahay faraj, soomaalina ku walaalowdo isna raacdo danahodana u midoobaan, far keliya fool ma dhaqdo. Waxa mahad leh alle ka sokow Somalitalk iyo inta ka qeybqaadatey difaaca baddeena, waana waajib saaran ruux walba oo soomaali ah. Waxaana ku talin lahaa yaan lagu seexan goaamadan ee ha la feejiknaado. Guul bey ku dhamaan inshallaah
    Aaww

  16. Abdulah says:

    AWW

    Mahadu waa alle kadib Salaan qiime badan Bahda Somalitalk ayaan u dirayaa.
    Inkastoo aanan xasuusan alifihii mirahaan, waxaanse u malaynayaa in Xasan aadan samatar uu ku luuqeeyey, shalay iyo maanta isu egaa!

    ** Gudigeena talisaa goaankii ay keenaan hadaan garab lala qaban oon lala giraangirin
    oo goolkay dhaliyaan gees kale u laadaan.
    Umadii garaad lihi iyadays gargaartee haday daan isku daysan.

    **Gudigeena talisaa goaankii ay keenaan goortaydiin maqashaan hadaydaan hirgalinayn
    Oo talo dantoodaan ama gebi dhaclaydaan. Gumaystuhu nimuu diray haduu idinku gaylamo idina aad u guuxdaan

    Guulaystayaaloow hee dhaha golaha baarlamanku intey gaari karayaan

  17. asc ilaahey ayaa mahad iska leh.intaas ka dib aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayaa go.aankaas ay gaareen golaha barlamaanka maanta.weyna ku mahadsanyihiin difaacida ciida iyo badda hooyo.laa shukri calaawaajib.

    waxaan kaloo mahad u soo jeedinayaa qorayaasha soomalitalk web oo runtii dadaal weyn u galey sidii loo diidi lahaa badda la bililiqeysanayo tuushna ku iftiimiyey wsc

  18. Naasir says:

    Somalitalk Hambalyo Hambalyo Hambalyo. waxaan ku faraxsanahay sida muwaadininimada ah ee ay walaalahayga soomaaliyeed ee websiteka somalitalk ay ugu halgameen dalkooda.
    insha’allah waxaa imaan doonta dawlad xilkas ah oo kala garanaysa waxa ay saxeexayso iyo qiimaha uu ku fadhiyo, dhalanteedkanna wuu dhamaan doonaa insha’allah.

  19. Thank you Somalitalk maanta waa maalin farxad badan ,viva Somaliweyn.

  20. waxaan salamayaan umad soomliyeed waxaan ilaah ubaryayaa in soomaliye ee dhibka kabaxdo intaas kadib waxaan mahad balaaran u soojidinayaa barlamaanka soomliya waxaan lee yahay waxaad noqoteen kuwa kasoobaxay waajibkii loo igmaday waxaan lee yahay soomaliya maanta cid iibsankaro maleh soomaliya maanta waxaa duunka saaran malaayiin soomaliyeed oo ah aqoon yahay daqatiir, siyaasiyiin ,culuma udiin ,saxafiyiin waxay dhamaan diyaar u yihiin in ee dalkooda ay difaacan af &adin waxaan umada soomaliyeed u sheegayaa in isha laguhaayo kuw muuqalka soomali ka, ah laakin loo baahan yahay in nolosha lagu gubo insha allah somalia will unite and will be solid

  21. cabdi aadan says:

    assalaamu caleykum marka hore waxaa mahad leh alle tan xigtana intii guushaan usoo halgantay, balse waxaan qabaa suaal taasoo ah sharcigani haddii lacalla madaxweynuhu uuka meermeero inuu saxeexo si loogu qoro diiwaangelinta sharciga ama Gazzetta ufficiale,ma laga yaabaa inay tuugta baddu ka dhigtaan qodob ay ucuskadaan inaan sharcigani wax qabanayn. ciddii iiga fiican arrintaan ama bahda somalitalk waxaan jeclaan lahaa inay wax iiga sheegaan si qalbigu iigu dego ama aan u sugo intaanan guul ku heesin,(primma di cantare una vittoria),waad mahadsantihiin mar kale.

  22. ahmed says:

    asc aad ayan u ugu mahad celeniya mamulaha somaitalk o sagu isu da yay inu wax ko qoro xogta sax da ah
    waxan xariir la sameyay nin jooga madaxtooyada o anan hada magacisan so ban dhiigii kariin amaankisa dartiis ano u cabsanaya waxana u ii shegay in shariif lagu siyaya lacaag dhan 1 malyan isaga iyo shariif sakin waxana mahiiga ay ugu balan qaden inaysan shacbiiga somliyeed runta u shegiin badana ay saxiixan taas o sharaad ku ah marki shariif 2 sano dhamatay u dalala afrika ah ku maray baroor iyo ohiin haly kordhiiyo ah taas ayay ku dhahen anu ka qab balnee adna maxad nasiin waxu yiiri eray ah badii ayan idiin siin marka walal yaal shariif hala waco ruunta halo shegoo teda kale reerka aabgaal kii noqda madaxwayne ba maxa wadaniyada u diiday cali mahdi suun bu ku shubay dhulkisa hooyo shariif wa marki labad u gadanayo dhulki somaliyeed e dhaqaal ka aha cali gedi xabashi bu walal ka dhigtay nuur cade safaradi kinya bu bac muj turaya sababtu wa maxay cabdi lahi yusuf o la dhaho wadani mahan aya ku diiday kiinya inay siiso tago ka miid ah somaliya wc s

  23. DAACAD says:

    ASCaleykum mahadda illaah baa iska leh ilaahbaana ka dhawaajiyey xaqqa afkoodana iyo niyadooda ilaahbaa haya, kuwa raba inaay iibsadaan xogaagii u haray qaranimada somaliyeed illaah waxaan uga wada baryeynaa inuu dhiigga ku qalajiyo wadnahuna go’o xaarka iyo kaadidana ceshan waayaan xaasaskoodana allaha ku diro ilamahoodana allaha ka qaado cimri degdeg cad illaahay ha u keeno waan habaaraynaa oo habaaraynaa wadaadaduna waa habaareen.Baarlamaankana waxaan leeyahay sidaas kuwada oo xataa qof kasta oo ka danbeysey in badda somaaliya la iib geeyo waa in sharcigga hortiisa lakeeno sharaftana laga qaado boos kasta uu ka joogo dawladana laga qaado wadankana laga masaafuriyo ama xabsi daa’in ama toogasho lagu xukumo sc.

  24. Cali m. Cilmi (askeri) says:

    ASC, walaalayaal SomaliTalk aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin wadanimada idiin ka muuqata. Intaas kaddib nimanka DKMG sheeganaya waa dad aan damiir lahayn oo ay uga daran tahay shilimaad yar oo jeebkooda gala, wax ay dan iyo heelo ka leeyihiin oo soomaaliya ku saabsan ma jirto, saas darteed yaan lagu halayn waddankaas dagaalku la degay.

    Soomaaliyay toosa oo iska daaya qabyalada ee u soo jeesta waddankiina la bililiqaysanayo, mahmaah talyani ah ayaa oranaysa labo meeshay ku dirirto mid sadexaad oo aan shaqo ku lahayn dagaalka ayaa ka faa,iida hadda intii soomaaliya is diriraysay ayaa waddamo kale naga faa,iidaysteen.

    C A L I maxamed Cilmi (askeri9

  25. MAAN SHA ALLAH RABIYAW ADAAA MAHAD ISKA LEH
    intaas ka dib waxaan u mahnaqayaa bahda somalitalk hadaysan iyadu u istaagin oo arinka aysan soo shaac bixin imika iyo markii horeba baarlamaanku go aamadan geesinimada lrh e qofkastoo damiin somalinimo ku jirtaa ku farxayaaa dhegeheena kumaba soo dhaceen
    waxaan kaloo aan lee yahay waad mahadsan tihiin baarlamaanka hawl wayn baad qabateen waajibaadkiiinii waad gudateen
    waxaan kaloo leeyahay yaan la seexan kuwii hawsha waday intaas ku hari maayaan diyaar ha loo ahaado kuwaas rogaal celintooda
    GUUUUUUUL UMADA SOMALIYEED

  26. Cumar says:

    ASC,
    Allaah ayay mahad oo dhan u sugnaatay, sidoo kale kuwa Rabbi uu waafijiyay inay dulmiga diidayan una istaagey inay xaquuqda qaranimo dadka iyo dalka muslimka daafacaan iyo kuwa taageeray ayaa mahad leh.
    Waxaan leeyahay walaalaha qodobada lagu diirsaday ee DAAFACA BADDA soo saaray macagiina ha jiro waa la idinka filayay sidii aad kol hore yeesheen inaad cadawga ka nixisaan arrinkaan xadka badda.Waan idiin hanbalyeynayaa dhammaan dadkii arrinkaan difaaca badda uu ku weynaa.
    Tanna waa digasho, Dalka malaha Meles, Museveni, Mahiga, Mowai Kabaki iyo Kagame dalka madaxtinimadiisa iyo maamulkiisa uma aynaan dooran UMA( Ururka midowga Afrika), UM (ummadaha midoobay) yo IGAD. iyo ururu diinta ku daba rogantay.(ALshabaab iyo Xabashi kaalkaal Ahlusunna sheegta) Soomaaliyow saafi noqo oo isku tasho.
    Markale HANBALYO gaar ahaan Shabakadan SomaliTalk.com

  27. C/wali dinix says:

    Alxamdu lillah maanta waa maalin wayn waxan marka labaad waxan u mahad celinaya dhammaan intii dadaalka iyo halganka aan kala goa lahayn u galay difaaca baddayada gaarahan BAARLAMANKA SOMALIYA iyo SOMALITALK iyo aqon yahanka waddaniga ah inta ka dib waxan adinka oo og idin xususinaya inaysan cadawga damaca waalan iyo dabadhilifka aqoon gaabnida iyo hunguri xumidu waddo inaysan sidaas ku harayn waxay horay mugdi u galiyen bogag dahabi ah oo ay taarikhda somaliya ku qoreen waddaniga somaliyed waxan ka xusi kara shan qodob u ifaysa sida qorraxdo duhur joogta
    1-midowgii 1 july 1960 ee labadi qaybod oo ka mida shanti ay gumaysigu noo kala qaybiyen
    2- 1977 dagaalkii aan la galnay gumaysiga ethiopia ee aan ku xoraynay 98 boqolkiba dhulki somali galbed
    3-duullaanki maraynkanku u ku siyaasadeyey maclushi 1992-1995 ee ay guldaradu ka raacday
    4- 2006 guulihi maxaakimta islamigu ka gaaren qabqablayashi dadka u diiday nolol iyo nabad
    5- midka shanad waa wa goaamadi labada ee barlamaanka ee difaca bada
    waan so aragnay 4 ta qodob ee hore siday mugdiga u galiyen cadawga qorshaha fog wata iyo dabadhilifka oo is kaashanaya
    haddaba waa in la iska kaashada difaaca dadka iyo dalka somaliyed

  28. somali says:

    Somalitalk salaan qaaliya gudooma, dad badan oo Soomaaliyeed oo aan kamid ahay waxay hadda ka hor baarlamaanka usoo jeediyeen in ay mar labaad taariikhda Somalia baal dahab ah ay kagalaan waana ay nadhageysteen oo qaateen dhamaan taladii umada Somaliyed na garan karo qoraalna kuma soo koobokaro abaal naq ku socda baarlaanka somaliyed, laakiin guusha, gobanimada iyo nabad ku soo dabaalida soomaaliya iyo libintuba intaas ayey idiin jirtaa, somalidu waxay aamin santahay hadaad sidaa wax walba isu dhigtaan in aad wax badan qaban kartaan. Maanta xubnihii 335-ka ahaa ee xeerkaankaan ansaxshay waa in taariikhda somalia ay baal dahan ah uga galaan su’aal la’aan. Waxaan idin lee nahay 10-milyan ayaad matashaan awoodiina somalinimo ayaad asiibteen…….
    Guul lagama laba labeeyo..
    mahadsanidiin….

  29. Bashir muse says:

    ASC.DHAMAAN UMADA SOOMAALIYEED AYAAN HALKAAN KA SALAAMAYAA,BACDA SALAANA,WAXAAN U SHEEGAYAA UMADA SOOMALIYEED INA AY DALKOODA IYO DIINTOODA ILAASHADAAN SOOMALIYA CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA,ARITNA BADA EE SOOMAALIYA WAXAAN KA CODSANAYAA BARLAMAANKU IN AY MAXKAMAD SOO TAAGAAN SHAQSIYAADKA KU HOWLANA ARINTA BADA IYO BERIGA IYO HAWADA SOOMAALIYA,BAARLAMAANKUNA WAXAAN LEEYAHAY QOF KASTOW ILAAHAY KA BAQ,QABIIL IYO SHAQSI HA ISU EEGANINEE WAX QABTA HADII IIDAN UMADA WAX U QABANEYN QARANIMADEEDA HA KU XADGUDBINA!!!.CID KASTANA OO SOO HUNGURIYEYSAN QARANIMDEEDAN SHIR DEG DEG AH KA YEESHA MAALMANA YEYSAN IDINKU QAADAN,GUULEYSTAYAAL NOQDA XILIGAN ADAG UMADA KA SAARA DHIBKA AY KU JIRTAA ILAAHAYNA TALO SAARTA,GUULDAREYSTAYAAL HA NOQONINA.TAARIIKH AYAA QORMEYSA EE BOG MADOW HA KA GELINA UMADANA HA KA GELININA.FICILADIINA WADA SHACABKUNA WAA IDINLA JIRAA MEEL KASTA OO AY JOOGAAN

  30. walaal yaal waad mahad san-tihiin intii qof bila-aadam ah mahd san-yahay

    intaas bacdi aniga arag tiyan waxaan ku qon cay in qoladaan isla joogta ee TFG da ah eey guruub-kooda barlamaana ahi ka soo hor-jees teen filin-toodda oo eey fareen in aan laga hadlikarin ilaa madaxweyne xadeeynta badda & hawadda Somaliya

    waan baabi.inay wixii ka dambeeyay 1991-kii garanay ee maxaa laga wadaa keena hashiisyadii badda ee aad soo gashee ?

    hadii aad laashay maxaad uga baahan tahay wixii heshiis ah ee la soo galay

    waa wali faanoole fari kama qodna ee somaliyeey jiif iska daaye yeeynaan ka gam-in xuduudaha somaliya cir & dhul & bad

    wabilaahi toowfiiq

  31. Assalaamucalaykum
    Allaah ayaa mahad iska leh.

    Baarlamaanka Soomaaliyeed go’aanka geesinnimada & waddaninimada leh ee ay maanta ku dhawaaqeen wuxuu taariikhda Somaaliya doonaa baal dahab ah inshaa Allaah. Inta u xusul duubaysay in badda Soomaaliya shisheeye loo gacan galiyan waxay taariikhda Soomaaliya ka gali doonaan baal madow. Waxaana rajaynayaa dambiilayaashaas in lagu abaar mariyo in shirqoolladii ay maleegeen oo faah-faahsan lagu qoro buugta taariikhda dugsiya Soomaaliyeed lagu dhigo ayna manhajka waxbarashada ka mid ahaato waligeed.

    Baarlamaanka, Somalitalk, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, Saraakiisha wax garadka iyo inta ka qaybqaadatay difaaca badda Soomaaliyeed waxay ku ammaanan yihiin siday uga gil-gisheen khiyaanada shisheeyaha & cadaw u adeegayaasha magaca Soomaaliyeed wata.

    Waxaa inoo dhimman sidaynu uga bixi lahayn qurunka qabiilka iyo kala qaybsanaanta Soomaaliya bur-burka iyo sumcad xumada usoo jiidday.
    Waxaan hadalkayga ku soo gaba-gabaynayaa, sidii difaaca badda loogu istaagay ha loogu kaco in sharaftii, isku duubnidii iyo dawladnimadii la soo celiyo.

    Adam Warsama

  32. Naalaye says:

    MAANSHA ALLAAH ILLAAH AYEEY MAHADI U DHANTAHAY,
    MAR HADDII TUHUNADII IYO XATOOYADII LASOO AF MEERAY ILLAAH AYAA MAHADAAS LEH OO INOO BAD BAADSHAY BADDENA BAYLAHDA AH,
    BAARLAMAANKU WAA KU AAMAANANYIHIIN HAWLKARNIMADOODA MAR HADEY UBAD KOODA DHAXALKAY UGA TAGAYEEN U DIFAACEEN ILLAAH HA IDIN ILLAALIYO WALAALAYAAL
    ILLAAH AYAA MAHADAAS LEH
    MAANSHA ALLAAH,

  33. Abdirisaq says:

    Maaashaaaaa Allah!! Maaashaa Allah! Alxamdulillaah!
    Somalitalk Ilaah ha aidinka abaalmariyo dadaalki nafhurnimo ee dalkiinna aad u gasheen. walaahi aniga iigama duwanidin raggii xornimada iyo calanka Somaliya usoo halgamay waxaanad mudantuhiin in diiwaanka taariikhda Somalia meel la idinkaga qoro. Haddaadan u iftiimin lahayn umadda Somaliyeed khatarta kusoo fol leh guushaan maanta lama gaareen.
    Guulaysta adduun iyo akhiraba.
    Baarlamaanka Somaliyeed waxan leeyahay mar labaad ayaad u istaagteen ilaalinta sharafta iyo qarannimada dalkiinna wixi horey la idinkugu eedeyn jireyna hal mar ayaad iska dhaqdeen. waxaan leeyahay waxa idin dhimman ragga arrimahaan u ololeeya dalkana maalin walba iibka ula taaganb inaad xisaanadda ka xayuubisaan maxkamdna lasoo taago si nin dambe uusan ugu dhiirran wax qarannimada, sharafta iyo nabad grlyada qaranka iyo shacabka Somaliyeed ugu kicin. Marka la gaaro doorashada aad noo doorataan nin dakiisa iyo dadkiisa ka jecel danaha shaqsiga ah ee gaarka u ah asaga.
    Waxan leeyahay maanta iigama noogama duwana aniga iyo Somali badan oo caalamka ku nool maalinti xornimada aan qaadannay farxaddi maasheeysey dadki taagna goobti lagu qotomiyey calanka Somaliyeed maalinkaas oo lala wada ilmeeyey ayaa annagana maanta dhamaan daafaha caalmka is qabsatey.
    Waxan ka codsanlahaa shacabka Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ku muujiyaan bannanbaxyo waaweyn dibed iyo gudoba taageerada ay u hayaan go’aankaas taariikhiga ah ee baarlamaanka.
    Waxan kula dardarmayaa aqoonyahannada iyo raggii waayo aragnimada u lahaa arrimaha xaduudaha berri iyo badba iyo dhamaan heshiisyadi qaran ee dalka in loo istaago difaaca dalka hooyo lagana awdo galdalool kasta oo si qaanuuni ah lau xalaalaysan karo taako ka mid ah dalkeenna.
    Shacabka Somaliyeedna waa in taageero hiil iyo hooba ah la garab istaagaan aqoonyahanada si qaab kasta oo caalami ah loogu difaaci lahaa badda iyo berriga dalkeenna.
    Sidaan nalooga hari mayo arrintuna intaan kuma eka Baarlamaanki ayaa la handadi doona oo la kala furfuri doonaa.
    waxyaabo badan oo lagu illoobo arrintaan aya la keeni doonaa oo lagu laciifin dono awoodda baarlamaanka midnimo baarlamaan waa lagama maarmaan si ayaguna sabab ugu noqdan inay badbaadaan dalkana u badbaado ilaah keligii ayaa wax badbaadin karee.
    Waxaan mar labaad leeyahay NIN LAGU SEEXDOOW HA SEEXAN.
    Ilaahna waxaan ka baryayaa inuu ciidan iyo cudud u noqdo umaddaan taagta daran ee badda mugdiga ah jibaaxaysa ay bahalladu ka buuxaan.

  34. C/wali dinix says:

    Acs waxan halkan ugu mahad celina marka hore alle marka xiga barlamaka somaliyeed marka sada xad mamulka somalitalk inta kadib waxan dhihikara wa guul nosohoyatay waxan dhihikara madayacna dhuka iyo bada somaliya kenya iyo norway waxay wadan wa dulmi uma ogalin bada iyo birga wadankena

  35. Yusuf says:

    Somali ilaahay ayaa u maqan, dadka baarlamaka sheeganaya soo kuwii somaliya meeshaan dhigay maaha, hadadlkoodu wax qiima malaha kuwa bada somaliya iibsanaya waa kuwa gacanta tagaya qudhooda. kuwa dawlada sheeganaya waa isla ayaga, kuwa bada ku soo duulaya ee shisheeyaha ah waa ogyihin iyo waxay gacanta la taagayaa meel gaarayan……bal aan dhawro mudada soo socoto….waxaad maqli doontaan ayagoo ku doodaya maya waa lagama maarmaan in bada la xadeeyo—waxay hadda sugayaan waa xooga lacaga loo keeno si ay u ansaxiyaan, waxa ay ka doonayaan shisheeyuhu iyo kuwa bada iibsaday ee dhexdooda ah

    waxay qireen oo qura in aan lacagtii bada lagu iibsaday, waybtay lahaayeen Balamanku helin, marka waxay isku raaceen maaha difaaca bada somaliyee iyo qaranimo somaliyeed, ee waxay isu raaceen in xooga lacaga loo keeno, si ay mar kale arinka ugu farirtsaan, oo markaa u ansixiyaan…..

  36. maxamad says:

    asc wr dhamaan muwadiniita somaliyed oo ay uhoreeyaan bahda somalitalk halgamayaasha qarniga cusub iyo qaranka laboobayo meelay jooganba markan akhriyay go,aankii baarlamanka somaliyed runtii waxa isaqay jiririco waan hubi wayay inaan riyo kujiro iyo inkale waxa shaki iga galay waxa aan akhrinayo ma somalibaa maanta inta barlamnakedii shiray go,aankan garay mise wax kale ayaa jira maya xaqiiqdu waa mid aan layska indho tiri karin waxa aad gaarteen kasokow waajibkiina inay ahayd hadana waxaad mudan tihiin inad somali maanta aad ugasheen baal dahab ah go,aankiinana uu mudan yahay in lagu qoro biyo dahab ah taariikhadana way xusi doontaa ha umalaynina inaan ilaawi doono maanta aad samayseen waa badbaadin qaran, waxan aaminsanayn inaan cidi noo maqnayn ceelna noo qodnayn lkn markaan arkay maanta go,aankan waan celi wayay ilamada indhayga kasoo burqatay subxaaanallaah umadi kadhamato dad nool oo udaqnada haday wayaan ama quustaan tiiyoo cadowgu badan yahay gudo iyo dibadba, runtii macabiro karo mana garankaro si aan qeexo waxa dhacay maanta, lkn waxan kusoo koobayaa go,aan waliba wuxuu ubahan yahay hirgalin waxa xaqiiq ah inaad idinka iyo ubadkiinaba aad uga tagi doontaan tariikh lamahadiyo xitaa haday idin kujiraan kuwo danbiyo dalka horay uga galay waxanse ku ilaawaynaa hadaad go,aankan maanta aad qadateen aad hirgalisan kaliya waxa idiin dhiman waa in xukuumadu idin horkeento heshiisyadii lagalay cida lalagalay iyo cida saxiixday waxay cuskadeen intaa hadanu maqalno inaad kudarteen ogaada umadiina way idin ogtahay inaad tihiin badbaadiyayashii qaranka wayna idin garab tagan tahay allow uhiili muwadin kasta oo dadkiisa iyo dalkiisa dacad u ah mahadsidiin.

  37. Bilqeyr says:

    Guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

    dadweynow guul baan idin sidaaye idinkuna bilqeyr dhaha waxa maanta DKMG ay isku raacday in laga noqday xadeynta badda somalia waxana kulan balaaran isugu yimid baarlamanka 355 ayagoo qodobo muhiim ah kasoo saaray kulankoodii waxayna ku dhameeye .

    1: inlagu dhaqmo sharciga badda somalia ee la dejiyey 1988dii
    2: in he’adaha dastuuriga ah sida madaxtooyada baarlaman iyo xukumada aysan awood ulahaan in ay wax ka bedelaan ama dib ueegiskusameeyaan xadbadeedka somalia.
    3:waxa la laalay ama la burburiye dhamaan heshiisyadii lala galay hay’ado dowladaha deriska la ah.

    waxay kaloo soo saareen qodobo kale oo muhiim ah oo aana soo koobi karin marka waxay hadda shaaciyeen in heshiiskaasi uu yahay mid aan ansaxmeynin iyo hay’adihii la galay heshiisyada in ay ogaadan in heshiiskaasi la qaban doonin 19decembar badda somaliana ay dhaheen xadeynteedu waa heshiiskii hore oo ahaa 1988dii

    intaa waxii ka danbeeya waxan umahad naqayaa Allaheenii na Abuurtay waxa mahad kale mudan bahda somalitalk oo marwalbaa waxii dhacdooyin ah nosoo gudbisa waadna ku mahadsan tihiin 100% waxa guusha iska leh shacbiga soomaaliyeed ee uhalgamay badda soomaaliya .

    soomaaliya ha midowdo soomaaliya ha guuleeysato.

  38. Nasri Cali says:

    Assalamu calaykum
    Waxaa somalidu isku raacsan tahay – kuna saxan tahay — in mareegtan somalitalk ay gudatay waajib, weliba ay wax ku darsatay baraarujin iyo talosiinba.
    waxaase jirta mararka qaar akhbaarta faraha badani dadka qaar wareer ayay ku riddaa waana sida aan ka dhadhansaday qaabka uu prof Ibbi wax u wado oo hadal tiro wareerin soo kordhiyay isagoo iska dhiagay (amaba isu haysta) inuu wax hagaajinayo.
    waxaan talo ku soo jeedin lahaa in baarlamaanku hadalka ku soo koobo qodobbadan:
    1) Somaliya waa qaran soo jireen ah, lahaana xudduudo aan doodi ka taagnayn.
    2) Somaliya waxay horay u gashay (ka hor 1991) heshiisyo caalami ah.
    3) In dawladdan hadda jirta ayan xaq, khibrad iyo taagba u lahayn inay ka hadasho wax taabanaya xuduudaha dalka.
    4) In Xeer 37 ee 1972 uu yahay lama taabtaan iyo lama beddelaan, xeer kasta oo wax u dhimaya, ama qiime ridayana uu yahay waxba kama jiraan.
    5) waxa kaliya ee dawladdan ama mid ka danbaysa ay samayn kartaa ay tahay lifaaq iyo kordhin (sida kii 1989).
    Salaan gaar ah bahda somalitalk oo aan hubo in taariikhdu xusi doonto (si wanaagsan), waxgaradka sida Madaxwaynihii hore Cabdi qasim, saraakiisha sida Admiral Qare iyo aqoonyahanka isu xilqaamay, dhammaanna aan u rajaynayo in magac wanaagsan adduun iyo aakhiraba Eebbe uga abaaliyo.

  39. A. Salah says:

    salan dhamaan bahda somalitalk iyo inta damiirka leh ee arintan ka damqanaysa, waxaan usoo jeedinayaa somalitalk iyo cidii kale ee ay lakaashan karto in aan helno qaab wada jir ah oo arintaan uga hotagno, tusaale in la abaabulo in dad badani tagaan shirka december muujiyaana khiyaanada badooda lagu hayo, in fund la abuuro lawyers lagu hire gareeyo, in cadaadis shakhsiyeed la saaro nimankaan somalida ah ee xagooda nala kasoo galayo iyo wixii kale oo wax taraya. ILAAHAY BAD IYO BARIBA GAYIGIINA HA ILAALIYO.

  40. Naalaye says:

    Walaalayaal waa ay iska cadahay arintu oo Badda aynu leenahay waa laga tanaasulayaa taasna waxaan ku cadeynayaa Baarlamaanku markuu ka hor imaanayay heshiiskii is af garrad wakhti kuma lumin oo waa ay cadayd in heshiiskaasi xaaraan yahay,Hadana waad aragtaan sida looga meer meerayo oo laysugu tuur tuurayo marka waa arin indhaha laga qabsanayo oo la raba in sidaa looga tanaasulo. Waxaan su aalayaa dawlada ma adinkoo aan og nahay sal iyo raad waxaad tahiin iyo sida laydin soo dhisay oo jiray 7 sanno keliya ayaa umadda soomaliyeed saxaya oo weliba ka wanaagsananaya dawladihii jiray 1960 ilaa 1991, taasi waa maya maya ee waxa laydiin soo dhisay in laydinku adeegto marba nin meel saxeexo. Dadkani 20 sanno ayeey dhib ku noolayeen mid kii ay isu geysteen ka weyna in loo geysto uma baahna hadaad ka dayn waydaan dhulka aad xaraasheysaan waanu idinla xisaabti doona sidaad noogu listaan ayaanu idiinku hanbeyn doonaa waxaana idinku noqon doonaa SHABAAB difaacda xadkooda iyo xaquuqdooda,F_G. waxaan u sheegayaa dadkan aaminsan inay wax gadaan lacagna tabcadaan oo dantooda dhaafsanaya dantii guud war intey goori goor tahay ka waan tooba oo iska daaya kuna tusaale qaata MADAX WEYNIHI MASAR MADAX WEYNIHII LIIBIYA IYO MADAX WEYHINIHII TUNISIYA, waxaan lee yahay nimankaa dhaqaalahoodii waa la xayiray nin walibana markuu xil qabtay waxuu lahaa way iska cadahay ilamma aha inaad hantida odhan doonto waan lahaa weligayba, waxaan ku soo koobi lahaa gabay uu tiriyey gabyaa ismaaciil mirre oo ahaa oo aan ula jeedo war hamoodina maalma aad meesha joogtaan inaad noolanaysaan oo xisaabtii rabi ha hilmaamina hadaad noolaataana tii wadaniga ayaa idin sugeysa wax badana xabsi waa laydin jiifinayaa adinkoo duleysan oo ku eedaysan qayaano qaran…………..