Home » Badda »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…


DFKMG oo soo saareysa Sharci Lagu Tirtiraayo xeerkii Badda Soomaaliyeed ee Law no. 37 ee 1972
Xukuumadda FKMG oo 19-ka December 2011 ka Tanaasuli doonta Xeerkii Badda Soomaaliya ee soo jirey 40-sano

Go’aamadii ka soo baxay shirkii “wada tashiga” ee ay soo qabanqaabisay Qarammada Midoobey, laguna qabtay magaalada Muqdisho (August 4 – 6, 2011) ayaa waxaa kamid ah in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqi doono xuduud badeedka Soomaaliya ee loo yaqaan  “EEZ” (Exculisive Economic Zone) ama “Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah”.

Qodobkaasi waxa uu meel ka dhac ku yahay xeerka u degganaa Qaranka Soomaaliyeed muddo 40 sano ah, xeerka Law no. 37 ee 1972 oo si cad u qeexaya in Soomaaliya ay leedahay DHUL-BADEED (Territorial Waters), dhul-badeedkaas oo cabirkiisu xeebta ka durugsan yahay 200 mayl-badeed. Sidaas daraadeedna Hadalka aan meesha qaban ee ku qoran qodobada ka soo baxay shirkii Muqdisho waa oraahda “Exclusive Economic Zone” EEZ (Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah).

SII AKHRI….

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

250 Jawaabood " Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii "

  1. waa arin wanaagsan qofkastoo ka danqanaya baa ba hantida soomaaliyeed looga baa han yahay in uu gacan ka geysto. waxayna u baa hantahay in aan si taxader leh ooga hortagnaa bal se cidii wax u qabaneysa bulshadana ayada aan ku tix gelinaa si aan isu fahamno anaga. madaxda ku meel gaarka iyo inta ay dhibeyso baa ba.a hantida soomaliyeed waad mahadsantihiin

  2. Anigoo ku hadalay magaca jaaliyada Soomaaliyeed ee magaaldaa Breda ee wadanka Nederland waxaan kasoo horjeednaa dhamaan mu aamarada Soomaaliya lala damacsanyahay ee ah in la boobo xuduudeeda Badda. Waxaana diyaar u nahay in aan u gudbino maxkamada Caalamiga ah ee The Hague.

    Daauud Cali Axmed
    Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Breda
    http://www.somculned.nl

  3. Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakatahu .marka kowad waxan mahdinayaa alaha weyn ee nasiiyey baddaan aynu kahadleyno .marka xiga hadaan u soo noqdo fikirkeyga ku aadan badda somalia. Waxaan oranlahaa somaliyey kaca siiba dadka qurbaha jooga oo ka geysen kara tabar iyo talo .iney isku tagan cod dheerna aduunka ugud biyan oo ay ku cadaynayaan mawqifka shacabka somaliyed. Waxaan kale oon baaq udirayaa xukuumada kmg ah oon leyahey kafiirsada hishiisyada aad galaysan

  4. wadani says:

    Somalieey wadankiina waa la idinka burburiyey idina waa ka qeyb qaadateen si jahli iyo ula kac ba tay ahaataba. Fadlan is daba qabta iskana qabta nimankan la haystayaasha ah ee idin matal. baarlamaanka iyo shacbia ahaanba ha la tuso ina bada Soomaaliaya ay tahay 200 neutical miles. dastuurka cusubna ka digtoonaada. wax badan baa la idiin hoos gelinayaa. yaan Globilizationku idinka qaadan qeyraadka dhulkiina, badiina iyo noloshiina inaad shaqaale u noqotaan nin corporation kursigeed ku fadhiya qaarad kale, adinkana aad qaaddataan Peanuts. waa sida la idinla rabo waxaana laga dhamaystay nimaankaan hadba mid Muqdisho lagu ilaaliyo.

  5. GAALDIID says:

    Asc wr wbr // walaalaha Somaalitalk Qora aad baad ugu bahadsantihiin Difaaca Dalkiina aad utaagantihiin,Gaar ahaan arintan badda somalia oo aan in in muddo ah kala socday webkaan,Runtiina aan wax weeyn kafahmay xeerarka baddaha caalamka, Gaar ahaan baddeena jzkheyran.
    walaalayaal arinta waa aragnaa in maalinkasta kuwo caadaqaatayaal ah ay isku dayayaan in ay dalkaas gataan Bad iyo Berriba ,oo ay markasta mashquul kuyihiin arin aan lagaarin oo ayna awood ulahayn,maxaa yeelay waxaan Qashinkaa ee TFG layiraa Dal iyo Dad ay xukumaan ba majiro.
    Marka waxaan dhuuniqaatayaashaa waxa ay doonayaa waxooga beeso ah ay dhuunta mariyaa,ee waxaa loobaahanyahay in dagaal lalagalo oo si gaar ah loogula dagaalamo sharciyada caalamigaa ee Badaha uyaal,inaga oo qabsanayna LOOYARRO ilaa heer maxkamad caalami ah.
    Marka walaalaha webkan SOMALI TALK adinkaa arintaan ugu firfircoon ee waxaad noo furtaan ACCONT No. Somalida dhammaan inta wax fahmeysa ay lacag kusoo shubto waxuushtan lagula dagalamo **by law**Sharciyan, haday wax maqli waayaana **by eebo** Meel hoo ubaahan hadal kuma Bogsooto, jzkheyran wabillaahi toowfiiq.

  6. Assalaamu caleykum,salaan kadib umadda soomaaliyeed waxaan leeyahay bahda somalitalk kheyr alle hasiiyee wey gutteen xilkoodii haddana waxay diyaar uyihiin iney difaacaan hantida maguurtada ah ee umadda soomaaliyeed ee annaga waa inaan ficil muu jinnaa si aysan wexeenna unoqon hadal iyo sheeko leyska qoro.
    – waa in idaacadaha laga hadlaa sida bbc-da,voa-da iyo kuwa maxalliga ahba,ayadoo umadda loo cadeynaayo khatarta lagu sugan yahay iyo midda soo socotaba.
    – waa in la’ayidaa oo ladhaqan galiyaa fikradda uu soo jeediyey walallkeen bashiir oo lasameeyaa hay’adda badbaadada badda iyo kheyraadka umadda soomaaliyeed,ogaadana soomaaliyeey haddii aan ficil degdeg ah oo lagu badabaadinaayo baddeenna laqaadin iney faraha kabixi karto,hadaba ballanteennu waa hadal yar iyo hawlbadal,u istaaga difaaca dalkiinna,wassalaamu caleykum.

  7. zakki says:

    asc wa mahadsantihiin somalitalk dadaalkiina aan daba go a laheen anagana waa idin garab istaganahay waxan ka codsana ummada somaliyeed in loo istaago sidii lugu bad badin lahaa baddeena khayraadka lajiifto oo ay raban wadamada kale in laga faa iideesto waxan kumuujin karna shucuubteena in la dhigo mudaharaadyo ballaran wadanka iyo dibadaba baarlamaankana laga codsado in ay baddooda badbaadiyaan

  8. khadar says:

    Barriga, Bada iyo Dadka soomaaliyeed mawaxaad dhaafsanaysaan kuraas iyo lacag aan qiima lahayn oo kuwii idinka horeeyayba ay nafku yeelan waayeen. Sidii kuwii idinka horeeyaybaa ama Aduunka laydinka jari ama aakhiro balan weeyaan illaahay hortiisa lagu galay.

  9. badada badda says:

    asalamu aleykum dhamaan aqiyaarta iyo wadaniyiinta waxaan jeclaan lahaa inta jecel in ay kuwada xariiraan meel in aad iskud aydaan bartaan kulanka wadaniyiinta faceboog (Badbaadada Xeeraka Bada)waana ciywaan facebook ah qofkii daneynaaya

  10. Liban Takar says:

    Haddii ay jirto xaqiiqo arrintaan laga faa’iidaysan karo, waa in waxaan lagu magacaabo dawladda ku-meel-gaarka ah aysan ahayn mid lagu aamini karo danaha ummadda soomaaliyeed. Dawladda ku-meel-gaarka ah sida muuqata waxaa ku meel gaaraya ummadao soomaalida neceb. Soomaaliyeey marka ka tashada middaan, wallaahi inaysan dawlad idiin ahayne.
    حسبنا الله ونعم الوكيل.

  11. KACAAN says:

    asalamu aleykum salaan qalai ah dhamaan ummada somaliyeed inta wadaniyiinta ah iyo shaqalaha websitekan somalitalk.salaan qaali ah ka dib ninkan Ra’iisa waraaraha ah ee cabdiwali la yiraahdo EE Drka ah haduu waxuu saxiixo rabo Isbitaal ha furto waxuu saxiiso ma wayeene laakiinse Dr Badd maxaa geeyey waaba su,aale?mise dhaqtar malaay iyo dadba wuu isku darsadey?

  12. KACAAN says:

    bismilah asalamu aleykum dhamaan ummada somaliyeed inta wadaniyiinta ah oo somalinimadeeda qirsan aaminsana dhulkooda diintooda danimadooda.salaantaa qaaliga ah iyo shaqalada wabsiteka .salaan ka bacdi aniga runtii qoraladaan mar walba soo noqnoqda ee badda somaliya aad ayeey maqalkooda iyo aragooda ii dhibeysaa oo waxaanba ka baqaayaa inaan ka qaado dhiigkar balse waxaan la yaabanahay dadkaan na hor taagan ee madaxda sheeganaaya ma dowlado kale iyo umado kale ayeye u yihiin madax mise somali?ma dad somali dhalad ah baa mise dad maqaarka somali ka ah balse aan shaqo nagu laheyn?ma dad calicaarifkii jabuutiyoo kale ah baa mise wa somalidhalad ah?aniga aragtideyda waxaa iiga jira dareen wayn waayo ninka somaliga ah ee jecel inuu somaliya ku soo cesho dowladnimo iyo nadaam ee inu umadaan badbadiyo rajo ka qaba muudan ka hadleen sharci wax tar u lahaa umada somaliyeed oo 40 sano jirsadey inuu arin noocaas ah ka hadlana ma ahanee waxaa uu ku doodi lahaa waxaan waqtigeeda ha la gaaro ee horta wax kale noo qabta oo dhibka aan ka saarno wadankan ee alow meesha hogaan wacanoo somaliyeed oo kuwaan caada qaatayaasha noo dhaamo noo keen

  13. Waa dhac iyo boob runt ahaan in shaqsiyaad ma talaan Dad iyo Dalka Soomaaliyeed iyagoo ku meel gaar ah wali aan la aqoonsan Soomaali weyna aysan wali isku imaan oon la heshiin ay saxiixaan heshiis oonu Shacabka Soomaaliyeed Dani ugu yirin in dhibaato ka soo gaarto mooyaane ; hadii arinkani dhaco ama uu fuli dhibaatooyinka imanka waa in lagula yeesho xuduud xeebeed ka bacdina wasaq iyo qashin iyo shidaal qodis.

  14. runtii waa arin laga xumaado , soomaaliduna waxay maahmaahdaa -guul rag kaaga dambeeyo guul maaha- wax badan ayaa bada soomaalia meel loosoo maro laraadinayey , waxaan wada xasuusanaa heshiiskii is af-garad ( mou ) ee lagu guuleystay in lahor istaago , qadiyada kheyraadka soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kan bada waxay ugu weyneyd sababaha siyaasada soomalia u caga dhigan weyday mudo 21sano iyo ujeedooyinkii markii horaba qarankeenii loo burburshey , waxaan u mahad celinayaa allaha inagu simey dhulkeenii oo weli fursad aynu u haysano ineynu difaacano , waxaan taageerayaa dadaalka aan laablakaca ahayn ee qoraagu ugu tafa-xaytay muujinta boobka lala damacsanyahay badeena , waxaan ku baaqayaa in arintan barnaamijyo taxane ah oo degdeg ah laga sameeyo loona gudbiyo idaacadaha iyo tv-yada afsomaliga ku hadla .inta badan somalidu sida ay wararka u dhageystaan uma akhriyaan .

  15. Mohamed says:

    Webka Somalitalk io bahda qortaaba aad baad ugu mahadsantihiin, ummadeenu way dhimatay mikax iyo moraalba, marka caado qaatayaal doonaya inay wax kasta shillimo dhaafsadaan ayaa ina hor boodaya, dawlad kastoo la eryo waxaa laga waayey sidii la rabay, marka annigu waan hubaa in dhulkeena la qaadanayo laakiin tamari meel ay ina dhigtaba aynu orodno

  16. Blue flag says:

    La Yaab! Cajiib!
    sxbiyal mid ogaado soomaliya laga so bilaabo 1991 wax un baa ka jarmayey.
    1. Calanki waa la burburiyey
    2. Somali code waa gatay
    3. Kalluunki waa la suuliyey sunna lagu badalay
    4. Dhulki waa la qeybshay (thru federalism=qabyaalad) Dhul beereedkina si dadban ayaa loo burburiyey
    5. Aqooyahanka waa dilaa {by both wings like it or not}
    6. Tan ugu darana waa SOOMAALIDIYOO SUMCADEEDA GADATAY
    7. Waa hadoo badda soomaaliya 12mile lagu koobaya by 19th Dec 2011.
    Man proposes, God disposes but RAG XANIYA LEH WAA INAY NAGA SOO BAXAAN!

  17. maxamad says:

    The Territorial Waters of a Failed State

    “As long as they’re in international waters, they can engage,” he said.

    But the hijacked Danica White made it into Somali waters and the Carter Hall had to back off and watch.

    http://gatesofvienna.blogspot.com/2007/06/territorial-waters-of-failed-state.html

  18. Abdisaeed says:

    Asc, salaan diiran ayaan u soo gudbinayaa bahda somalitalk dhamaantood, Hadii aan soo bandhigo rayigeyga ku aadan arinkaan soo noqnonaya ee la doonayo xaqayaga in lagu duudsiyo wuxuu yahay: waxaa la gaaray xiligii aan qaadi laheyn ficil wax ku oola anfacana dadkayaga iyo gayigayagaba oo muxuu yahay aan dirno Guddi xaqiiqa raadin oo ay ku jiraan xubnaha u Dhuun daloola arinkaan sida Bashir Gardaad oo ku nool Canad, sida. Aan qiyasayo xiligii la saxiixay heshiiska 37 Bashiir asagaa madax ka ahaa wakalatii bada iyo qeyraadka ninka labaad waa Axmed Isaaq Bixi oo ku nool Columbus Oh, axmed wuxuu ahaa maareyihii wakaalada badda iyo agasima guud ee wasarada kalumaysiga iyo kheyradka Badda muddo 18 sano ah, ninka kale ee aan isleyahay waxbuu ka tari karaa waa Garyaqan Ceydiid Ilka xanaf oo hada ka tirsan baarlamanka Dk, iyo Dr Abdirahman Jamac Kulmiye oo ku diyaariyey doctoredkiisa xeebta Kenya iyo somaliya, dadkaan loogama maarmayo guddiiga xaqiiqa raadinta, Anaga ka soomaali ahaan maxaa nala Gudban: waa in codkayaga la maqlaa ururino si xilkasnimo ku jirto qarashka ku baxaya gudigaan. Gudigu wuxuu tagi doonaa dalkeenii si uu ula kulmo madaxda dowlada iyo kuwa maamul gobaledyada si u ururiyaan xogaha ku saabsan arinkaan ugana tala bixiyaan Arinta badda Somalia. Rabbi talo ku filan

  19. Abdi Deeq says:

    ASC,
    Someone has asked the question (I am paraphrasing) “why the TFG is compelled to declare its EEZ rights and when Somalia is already signatory to the 1972 convention?”. Let me try to explain why. There is another law called “The 1994 Agreement on the Implementation of the Part XI of the UN Convention on the Law of the Sea”. This new convention went into effect on July 28, 1994, and all countries signatory to the old convention must renew and declare their seabed mining rights. Countries are generally entiled up to 350 nautical miles reserved for exclusive use (there exceptions when distant between countries is less that 700 nautical miles). Since there was no recognized permanent government (unfortunately, after 21 years, we are not at that stage yet) at the time convention when into effect, Somalia did not file required document to protect its sea rights. One of the road map tasks is to declare Somalia seabed rights as soon as Somalia emerges from its prolonged transitional phase to a permanent one entitled to be part of internationl agreements.

    All we need is to ensure is that Somalia goverment (soon after transition) submits/files the required papers that will declare Somalia’s exclusive seabed rights of up to 350 miles, Please note, this has nothing to do the 200 nautical miles of the exclusive economic zone (TERRITORIAL WATERS) which the under the 1972 convention is already protected. The focus should be on ensuring the additional nautical miles under the 1994 convention is fully protected under the new filing. For any interested to know more about the 1994 convention, please follow the following link.
    http://www.un.org/depts/los/convention_agreements/convention_overview_part_xi.htm

  20. Magan says:

    Aniga waxay ila tahay sheekooyinkii dadka falastiiniyiinta lagu maaweelin jray inay meesha ka socoto (Raodmap) waa maxay.kuwii dhulka soomaliyeed ee maqan bixiyay ayaa wali daba jooga somali , midda kale kenya iyo ethiopia maadaama ay dhul somaliyeed haystaan maxay rabaan. waxaas oo dhan anagaa isugu wacan waayo intaan faroole iyo kuwa lamidka ah aanu dabada ku wadano hagardaamo iyodayac somaliyi ka bixi mayso,

  21. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Waan idin salaamay, haddii UNka iyo Beesha Caalamka ay isku raaceen in sannad ka dib ay Soomaalida ka gudbaan nidaamka KMG ah, haddii ayba run ka tahay, maxaa diidaya in arrintaan oo horay Barlamaanka KMG ah u diiday la sugu inta Somalia kaga gudbeyso waqtiga KMG ah, marka Dowladda Xor ah ay ka dhallato Soomaaliya sannad ka dib ay markaa Dowladaasi u soo bandhito Ummadda Soomaaliyeed, haddii aysan jirin arrimo qarsoon.

    Wabillaahi Towfiiq

  22. abdiweli says:

    ASW,
    Horta waxaa su’aal ah LAW 37 1972 waa xeer Somalia ay ku cadaysay dhul badeedkeeda, sida ku cad qaanuunka qaramada midoobana waa xeer sharciya oo dhaqan galay waqtigaas oo aan doodi kataagnayn, marka kumeelgaarka raga hogaaminaya ma xeerkaas ayey diidan yihiin mise in Somalia dhulbadeedkeeda in lagaarsiiyo 350 mile ayey doonayaan? Waxa loo baahan yahay waxa weeye DFK waa in ay jawaab kabixiso hadaf-keeda arin taan quseeya. Baarlaamka intaan sanadkaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxay indiin kaga fadhiyaan in aad dawlada kumeelgaarka aad waysaan waxa damacooda iyo fahamkoodu yahay ee dhulbadeedka Soomaaliya ku aadan* Ogaada baarlaanow taariikhda Somalia mar baad baal dahab ah kagasheen, bal markaana labaysta intaan waqtigiinu dhamaan kahor. Waa wax cad in qayaano jirto waxa heshiiska Soomaalida dhexdeeda loogu dhex daray dhulbadeedka Somalia. Ogaada majirto dhulbadeed Soomaali isku haydato oo ay Soomaalidu ubaahan tahay in ka heshiiyaan.
    Talo ku socota DFK masuuliyiintooda fadlan haddii culays idin saaran yahay irintaan aynaan go’aankiina wax ku cadayn karin Baarlaanka gacan Somalinimo siiya si ay go’aan ugu qaadacaan sidii ay kal horaba yeeleen intaan waqtigu kadhamaan..
    waxaan rajaynayaa in dhagihiinu laabta udaloolaan***

  23. ASC,Xukuumadda FKMG maamulkeedu:-
    Wadani’yiin maaha, wadaado maaha, danaystayaan dantooda yaqaan maaha, dadka, dalka, duuyaha iyo degaanka wax’uguma yaalaan.

  24. Omar says:

    ASC,
    Afeef: Shakhsi iyo koox midna kuma maqni
    1.Maxaa looga quusan la`yahay qorshahaan lagu bixinaayo gobol baaxad leh oo xuduud-badeedeena ka mid ah oo hodotinadiisa inta la xaqiijayay loo hibeynayo Kenya. siiba xilliga wadaadka SH.SH.Axmed iyo saddexdiisii gole ee isbeddelay?
    a. Wadaadkan waa kii ugu horeeyay ruux darajadaa lagu sheego oo muran geliya xaduudaheenna taageerana barnaamijka dhagarta ummadeed, muxuu cuudur daar uga bixin waayay goortii ay horistaageen barlamanka. heshiiskii Is- af- garad ee la buriyay?
    b. Malaha Cabdiwali, Cabdi Farah, Moxamed Cali iyo Cadbulqaadir Macaliin waa kuwan “roadmap” sixiixay wax ma akhriyaan mana fahmaan oo waa loo hoos geliyay sidii kuwii hore, xaalka waa sidee??????!!
    c. Dhamman kooxaha uu wadaadka hor boodaayay maxaa KALLIFAAYA, maxaa arrinkaan ku khasbaaya?
    d. Ma Mahigaa shaxdii Wallad Cabdalla iyo ballantii ay la galeen Kenya, Norway iyo kuwa kaloo la ujeeddo ah meel marin kara haddii kuwa ay noo soo magacaabeen aaney marka hore shuruud la soo galin?
    2. Dhiillo aan hareyn, werwer iyo ciil ogsijiinta la neefsado noo noqonmeyso ee sidani nolol ma ahan dadow ma midownaa qadiyadda DIFAACA XUDUUDDA BADDEENA, si waacinimo leh wadajir ma u istaagnaa inta ay goori goor tahay.
    Annaga diyaar ayaan nahay!!!!!

  25. Awke says:

    Page 1
    National legislation – DOALOS/OLA – United Nations asdf
    Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972

    Article 1
    The territorial sea
    1. The Somali territorial sea includes the portion of the sea to the extent of 200 nautical miles within the continental
    and insular coasts, delimited according to the provisions of articles 2 and 3 of this Law.
    2. The Somali Territorial Sea is under the sovereignty of the Somali Democratic Republic. Offences committed
    within the limits of the territorial sea on board a vessel relating to penal health and public security shall be governed
    by Somali law.
    Article 20
    Entry into force of this Law
    This Law shall come into force on the thirtieth day of its publication.
    Mogadishu, 10 September 1972
    MORE: http://www.somalitalk.com/2011/badda/law37.html

    Somaliyeey waad aragtaan sharciga badda somaliya qeexaya ee kor ku xusan.Anigu ma samayn ee waa sharcigii 1972 dawladdii somaliya ansixisay United nationkuna ansixiyey.Maxaa loo keenayaa maanta EEZ, maxa la doonayaa in sharcigan la duugo somaaliya oo nool.Waa in arintaa aan ka hadalaa oo aan shuccurteena muujinaa.Nimankan Muqdisho jooga ee wasiiradda isku sheegaya Somaali ma metelaan, Baarlamaanku waa in uu arrintaa wax ka qabtaa oo uu xukuumad isku sheega kala hadlaa in ay cadeeyaan waxa ay khalkhalka iyo shakiga u gelinayaan sharcigan cad ee badda Somaliya qeexaya.

    WA-BILAAHY-TOWFIIQ,
    duale66@hotmail.com

  26. abuu rayaan says:

    asalamu alaykum
    waxaan aad ugu mahad celinaa walaalaha somalitalk halgankaan ay wadaan mudo dheerna soo wadeen. waxaa ka codsanlahaa qof walba oo soomaali ah in uu ka gaysto intii tabartiisa ah sidii lagu badbaadin lahaa wadanka dadka waayay waxa somaliya lala damacsanyahay wax yar maaha laakiin waxa murugo leh inta og baa aad u yar maadama dadkayagu waxa aqrinta ay ku yartahay. Wikileaks bal eega cables-ka kasoo baxay safaarad maraykanka ee adis! waxaa ka codsan lahaa walaalaha somalitalk in ay usoo gudbiyaan ayaga oo turjuman bulshada si dadku indhaha u furaan oo eey uga tagaan qabiilkaan lagu adoonsaday.

  27. Abdifatah says:

    Asc waxa marka hore mahadcelin leh Alle (SW) marka xiga waxan somali talk uga mahadcelinaya qoralkan ay soo gudbiyen kasoo xitaa qofka cilmiga leh in sidan oo kale loogu fasiro mooye fahmi karin. Kenya werarkan badda ah waxay bilowday xili hore waxana kahoreyay mid dhuledka ay kuhantiyen NFD kasoo loga dabaharay ilaa hadana ay maal gashanin ka dowlad ahan iyagoo kabaqdin qaba in ay gostaan taas waxa kadaran dhaqdhaqaqa dadka NFD kunool ad aya loo ilaliya waxana kajira gumaysi maldahan kasoo loo adegsado police. Yanan arinkas gudaha ugalin, EEZ waxan u arka inu yahay QIYAANO QARAN run ahantina waziradena iyo madaxdena waxay saxixan heshisyada iyagoon kafirsanin waqtina siinin inay fahman waxa logu hoos qarinayo, UN waxa iska leh oo mamusho dowladaha Yurub & Rer galbedka mana ushaqeyn karto si cadalad ah wayo shirarkan waxa qabanqabinayo waa ayada waxa ufasaxayo dowladaha reer galbedka umada Islamka ah dhulkoda in lagu duulo waa ayaga hadan nahay shacabka soomaliyeed marna ma ogolin raslimaal umadena ledahay in ladhaxlo iyadoo loguso gabanayo xerar ay dagsaden dad ama dowlada an shaqo kulaheyn hadii arinkan udhacana waxa iswarsi laheyn in somalia meshi lala qabsadabo laga farmarojin karo. Waxan kusoo kobaya halagu adkadoo xerka no 37 ee 1972 waayo xerkas aya difaac adag u ah inay somalia ledahay dhul baded kaduruqsan 200mile. Mahadsanidin

  28. xagaleey says:

    waawareey
    marka hre waxaan umahad celineynaa allihii na abuurtay ee muslimka naga yeelay.marka labaad waxaan umahad celineynaa walaalka qoraalkaan noodiyaariyey iyo somalitalk.com oo marwalba utaagan difaaca iyo danaha dadka iyo dadka soomaaliyeed. shacabka soomaaliyeedna waxaan leeyahay yaan wiilashaan dhowrka qofood ah keligood lagu haleynin howshaan ee si deg deg ah wax halooga qabto. hala banaan baxo gudaha iyo dibadaba.qabaailada soomaaliyeedna waxaan leeyahay war qabiil walbo xildhibaanadiisa hakala baxo barlabaan kusheega.

  29. A/Majiid says:

    Somalitalk waa ku mahadsan tihiin qoraalkan aad soo gudbiseen.

    Soomaaliweeyn waxa dhaxalkii awoowayaashaa kaaga tageen u hanqaltaagay ha noqdaan dowlado dariskaada ah oo ku filnaan waayay dhulalkii horey gumaystaha xaqdaro usiiyay ama shirkado gaara oo dano dhaqaalo ah ka leh ama dowlado waaweeyn sida yurubian ka oo isticmaalaya dalalka aan dariska nahay, waxay doonaanba ha noqdeenee ma ogaatay soomaaliyoow inaan cidi dani kaalahayn ineey kuboobaan maalin cad maahee inay ku heshiisiiyaan ha ka yaabin.
    Waxaan aaminsanahay qofwalba oo soomaali ah in uu ka qaybqaadan karo meelwalba oo uu joogo caalamka, mudaaharaad ka dhan ah oo maalin qura ka dhaca caalamka meelwaba iyadoo laysku balansan karo haday noqon laheeyd FACEBOOK, BLACKBERY,MSN iyo dhamaan socail network noocuu doonaba ha noqdee, maalin magacaaban aanu sameeysano oon isbalan sano hadaan nahay soomali meel walba oo ay caalamka ka joogto dalka iyo dibada anagoo wadana boorar tilmaamay carada aan qabno inta ay la egtahay oo aan marnaba lagu gorgor tamin dulka iyo bada soomaaliya.
    Wabilahi towfiiq

  30. DIINI says:

    Asalamu caleykum akhiyaarta dhamantiin run’ahaantii wadanku wuxuu noqday dharkii ladhihi jirey HUU DHEEY ama WHO DEAD hadal badan waxba tari maayo somali meel walboo aay joogto ha kacdo hana muujiso dhibaatada somaliya lagu hayo aduunka maanta waxaa ka socda KACDOON indhaha ha lafuru somaliya waxa ka socda waa boob cad oo aan geed loogu soo gamban hana lays balansado wadan kastana halaga kaco AFRIKA,AASIYA,YURUB.AMEERIKA hadii aan taas la samayn somaliya waa DEAD COANTRY WALKING salama caleykum.

  31. axmed malin says:

    asc walaalha somalitalk iyo dhaman aqristayasha salam kadib

    waxan uga mahadcelinayaa somalitalk inay ayagu kadambeeyeen fashilintii qorshihii tuugada ee hore oo xitaa idaacaha ayaa tixraacayey faalada dheer ee somalitalk mahadsanidin in badan,

    walhi aad ayan uga naxayaa markaan maqlo nimankan ayaa kumeelgaar laga bixinayaa oo somali toos umatalaya mahan inaan kumeelgaar rabo ee waxan ugahay in faruhu cun-cunayaan si’ay noogataan!
    somalitalk waxan kula talinayaa inay sidii hore iyo si’kawayn udifaacaan wadankeena , balamankana waxan leeyahay tii hore sharaf ayaad kukasbateen tanna waxad ku kasbandoontaan amaal marin hadad kahortagtan , walaaha somaliyed waxan leeyahay meel walba kufaafiya qaylo dhaanta ah khiyaanada nimankan si ay uga joogsadaan arintan

    SOMALITALK WAXAN IN BADAN UGA DIGAYAA INAAN MAAL IYO XIGTO MIDNA LUGU MARIN HABAABIN OO AAN LUGU SASABAN wayna smaayn nayaan lakin adinku kadigtoonaada oo ilaahay kabaqa mahadsanidiin inbadan.

  32. Bashir muse says:

    Bismilaahi,Asc,walaalayaal waxaa leyska doonayaa niyad adeyg iyo in aan difaacano dhulkeena soomaaliyeed, ka shacab ahaan iyo ka barlamaan ahaan meeshii laga hadli lahaa 350nmile,in 12nmile laga hadlo waa wax iska cad,biya badeena gaar ahaan dhan ka kismayo,petrol ayaa ka buuxa,waxaa ka baari jirtey shirkad norwegian ahayd,tii ayaana maanta kenya la dooneyso in ay u dhacdo bad soomaaliyeed,soomaaliyey qabiil waad aragtaan wuxuu nabaday ee kii wadankeena difaacayo aanu raacno yaana qabiil loo eegi,ilaahayow naga qabo gaalo iyo gaal raac dub kana soomaali uga eg,

  33. asc ugu horeyntii ilaahey ayaa mahad iska leh ku waa fajiyey tubta toosan ee aad ku difaaceysid dhulbadeedka soomaaliya.
    intaas ka dib waad ku mahadsantahay bidhaaminta aad noo bidhaamisey ilaahey kheyr ha ku siiyo waa ninka soo qorey qodobkaas.waxaanse odayaasha barlamaanka ka codsanyaa in ay meel ugu wada soo jeestaan oo ay diiidaan arintas badda ku saabsan.
    waxaan kaloo umadda soomaaliyed ka codsanyaa in ay waraaqo qoraan ay ku diidan yihiin arintaas.
    waxaase wax lala yaabo ah arintan soo noqnoqoneysaa iyo madaxdan dowladdda oo raali ka ah .midba midka ka danbeeya. ilaahayow badbaadi badda soomaaliyed adigaa casaawajale ahe wsc.

  34. kcc says:

    Waxaan aaad ugug mahad celinyaa bahda somali talk.waad dadaasheen markii horena idinkaa difaacay 80/%bada somaliya hadana howshii waa soo noqotay magiccina waa laga badaly.waxaan orana lahaa dhowr arimood in lasameeyo.
    1-in lalahadlo inmanklaa sheeganaya baarlamaanka somaliya si ay qodabkaa dib ugu eegaan,wayna codsan karaan inay meesha kasaaraan iyagoo cuskanaya inuu lidid ku yahaya qaranimada umada somaliyeed.
    2-in lala xirriro raysalwasaaraha laguna khasbo inuu hortagao baarlamaanka,faahfaahina kabixiyo qodobkan.laguna badalo in loo qoro.(somali waxay leedahay 200 oo mile oo kadururgsan badeeda qodobka 37-1972)
    3-in dib loo riixo ansixinttsa kana cudurdaarato dawlada somaliya xiligan kala guurka.
    4-in shacabka somaliyeed ay kacaaan hor istaagaana in laqaato badooda iyagoo xaadir ah.
    5-in putland loo diido shirkaa inuu ka dhaco.so dib loogu riixo ansaxintiisa.

    nabad galyo kcc

  35. Rabiic Axmed says:

    ASC bacda salaan waxaan salaamay dhamaan Somalida aqrisata webkab Somalitalk.com gaar ahaan waxaan mahad balaaran u gudbinayaa dhalinta tixraaca ku heysa ama isha ku heysa xaalka Badda Somaliya,
    Intaa kadib
    waxaa is waydiin mudan shirka waxaa naloogu sheegay in Somalida la isku fahamsiinayo iyo maamullada dalka kajiro iyo DFG, maxaa meesha keenay in badda lagawadahadlo mise Somalibaa badda isku heysta anigu waxaan qabaa in uu ogaado shaqsigii saxiixiisa aan badeena ku wayno in uu kasbanayo waajibkiisa oo ah wixii Somalidu go aamiso

  36. Abdi Deeq says:

    Dear editor,

    I read you article with great interest. I have to admit however that I am more confused now than I was before. There seems to be two things that being confused; not sure if it intentional or simply misunderstanding of legal terms used, which the core of the subject being discussed. First is the meaning of Exclusive Economic Zone which means, according to the Law of The Seas, 200 nautical miles measured from the base of a nation’s coastline. The other term is the Seabed or the continental shelf which extends the EEZ zone by 150 miles (total of 350 nautical miles). Something that is not clear from this article is which of these measures, if not both, that is being compromised by the TFG government. If government files an EEZ zone of less than 200 nautical miles, then the filing is clear violation of Somalia territorial integrity and should be stopped. In addition, if the extended economic zone is less than 350 nautical miles it should also be stopped. What evidence do we have that the TFG is in violation of these two points?

  37. Waxaa nasiib daro ah in dad mas’uuliyad sheeganaya ay maalin walba u dhuuntaan in ay saxeexaan xeer xaaraan ah oo aan dadka iyo dalka Soomaliyeed midna u cuntamaynin,waxaan soo jeedinayaa aniga oo la hadlaya aqoon yahanka somaliyeed iyo guud ahaan muwaadiniinta soomaliyeed in arintaas laga soo hor jeesto caalamkana loo cadeeyo in aanaan ogolaan karin cabirka badayaduna yahay xeer No.37 1972.

    Waxaan qof kasta oo somali ah ka codsanayaa in uu codkiisa ku biiriyo Muwaadiniinta Somalitalk oo u taagan ilaalinta dhulka/bada iyo cirka somaliya .

    Madaxweynaha,Waysal-wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka intaba waxaan u cadaynaynaa in aanu ka laabanay korodhsiimadii xilka maadaama aad noqoteen Khaa’imiin dhulka iyo bada somaliya u taagan in ay gataan

    Mohamed gutale
    Nairobi Kenya

  38. Dr abdisalam says:

    Asalamu caleykum bahda somalitalk dhaman mahadsanidin ..intaas kadib dabcan jawabta waa lafahmi karaa qofwalba oo dhiig ama damiir leh waa kagubanayaa hasa ahaatee yaa wax kaqaban kara markan arin waa iskudiba dhacdey sababihii loo casiley mudane farmajo ayeey ahayd inuu badda saxiixo kursigiisana loodaayo balse damiirkiisa ayaa diidey inuu saxiixo hasa ahaate kursigiisa wuxuu uga tanazuley dadkiisa kursina mafiirin inuu adoon ka iibiyo qeyraad ka badda waa kaxishoodey .. damiir laawihii A.shukuur A.rahman oo ahaa dowlada ugu horeysey maxakimta laga dhigey waziirka bada ayaa iibsan rabey markiisii horena dhacay agoontii al xarameyn kala goostey lacagtii loogu dhiiibey ayaa wadan lagu aaminey dhibatadan A/ lahi yusuf oo la.ogyahay inuu yahay nin wax dumiya ayaa kadhiidhiyey hasa ahaatee taariikhdu weyqori ragan shacabka somaliyed mooryan iyo hogaamiye kooxeed waa so arkeen dhibatada eey leeyihiin ,,,balse markan culimada iney wax dhacan oo qiyaano qaran eey sameeyan ayaa kadanbeysey yaa la aaminaa waa su’al mudane abdiwali wuxu balan qadey inuu farmajo wadadii uu hayey kasii dhaqajin doono ha asaatee madhicin wa kadaroo dib udhal howsha loodortey wa inuu saxiixaa badda umada somaliyed 2 shariif sakiin ma ahan wadaniyiin ee waa calool ushaqeestayaal maafiyana ah dad dal iyo diin midna mahayan wadadeeda lkn ilaah ayaa hagar daamadooda lajari doono shacabow abaraa idin laysey mucawinadii dowlada loosoo dhiibey 20 marka loo qeybiyo hal qeyb ayaa idin soo gaartey inta kale 2 shariif ayaa cunaya waa maamlo koban wana laga gudbi donaa insha allah culeys kadib fudeeyd ayaa iman doono waqtiga mahdigaba soo bixi doono haba noqotee mahadsanidin bahda somalitalk

  39. Rabiyaw dadkayga u danbi dhaaf xaqana tus
    waad ku mahadsan tihiin bahda somalitalk hawsha aad u haysaan umada somaliyeed.
    waxaan leeyahay dadka somaliyeed inta damiirkoodu noolyahay arintan in ay u kacaan si ay u fashiliyaan sidii loo fashiliyay tii ka horaysay, aynuna u diyaar garawno in arintani ay soo noqnoqon doonto waayo waxaa dabada ka riixiya dawlado udejistay arinkan qorshe, dhaqaalana ku bixinaya markaa dadka somaliyeed waxaa la gudboon in arintan aysan ka daalin sidoo kalena aytaas ku dhinac wadaan sidii aan u soo ceshan lahayn dawladeenii waayo qarshayaasha dawladuhu wataan waxaynu kaga hortegi karnaa dawlad . ogaadana wadanka waxaa xuduudihiisa iyo dadkiisaba difaaci karaa waa dawlad.
    kuwan ina horjooga qaar waa shufto soo shaqa tagtay midabkeena leh afkeenana ku hadlaya, qaarna wixii loo sheegaba runbay moodayaan waynu ku khasbanay oo muuqaal somaliyeed bay leeyihiin magacii wadankana iyagaaba ku hadla e inta aynu (yurayn karno ) hor istaagi karno aan horistaagno waxaa inoo dardaaran ah wadninimo daacadnimo

  40. Cumar says:

    ASC,
    Sheydaan ( nacaladi dushiisa ha ahaatee) iyo kuwa baadida ah ayaa Illaah (JW) raxmadiisa ka quusta. Sidaa darteed quusan meyno si kastoo mujirmiinta naga mid ah iyo cadawga qorshaha fog wataa ay ugu dadaalaan inay meel mariyaan dhagartooda sida baabi`inta xeerka xaduud badeedkeenna la wada aqoonsanaa oo rasmi ahaan dunida uga dhaqan galay, kaasoo dhaxal wareejintaa boobka ku saleysan ay Somalitalk si ballaaran u qaadadhigeen.
    Haddaba waxaan u baaqayaa rag iyo dumar caruur iyo ciroole qof kastoo dhiig leh dalka joog ama dibadda e, waa xilligii si kama danbeys loo soo af jari lahaa inaan daafacno mustaqalka xuuduudeenna.
    Dardaaran:
    Aqoonyahan (diin ama maadi), odoyaasha dhaqanka ee waxgaradka ah, saxaafadda, xisbiyada codka dheer, iyo cid kastoo abaabuli karta isku dubbaridi karta wax kasta oo looga hor tegi karo in la boobo xuduud badeedeenna inay u istaagaan fulinta xil iska saaridda waajibka difaacidda xuduudaheenna (siiba ta badda).
    Waa inoo KACDOONKA DIFAACA XAD-BADEEDKEENNA), meel kastaba joog iyo goor kasta.