Home » Maqaallo »

Mid ka Mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo is Hortaagey in Dib loo Dhiso Isbitaalkii Hore ee Digfeer

Iyadoo Ha’yado , Dowladu ka tirsan Caalamka iyo Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Dibadaha iyo Guddaha ay u soo Gurmadeen Dadka Soomaaliyeed ku waxyeeloobey ee ay isugu Darsameen Colaada , Abaaraha iyo Cudurada kuwaas gargaarkood mid weliba Baahida jirta u weeciyey , iyadoo taasi jirto ayaa warar aan ka helney dada Magacooda diidey in la sheego waxayn noo sheegeen in mid ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed uu is Hortaagey Mashruuc weyn oo Dowladda Turkiga ku dooneysey in ay ku dhisto Isbitaalkii Hore ee Digfeer .

Dowladda Turkiga oo marki hore Dooneysey in ay Dayactirto Isbitaalka Digfeer ayaa Injineero Soomaaliyeed kula Taliyeen in Haddii la dayatiro isbitaalka laga yaabo in uu Dumo waxaana lagula taliyey in la dumiyo taasoo Dowladda Turkiga ay qaadatey , iyadoo Dowladda Turkiga ay sheegtey in isbitaalka Digfeer ay ka dhigeyso Isbitaalada ugu Casrisan Dunida oo uu u dhan yihiin Qalabkii Caafimaad si looga maarmo Dibadaha

Raiisul Wasaaraha Dowladda Ku meel gaarka Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dhismaha isbitaalka Digfeer wuxuu Qandaraas ku siiyey nin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan,waxaa Magacaabistaas is hortaagey Siyaasi ka mid Siiyaasiyniita Soomaaliyeed oo aanan dooneyn in aan Magaciisa halkaa ku sheegno hase yeeshe Wada hadal Ka dib ayaa waxaa lagu heshiyey in Qandaraaskaas uu qaato Ninki Raiisul Wasaaraha u magacaabey.

Markii la damcay in isbitaalka dhismhiisa la bilaabo ayaa hadana waxaa soo wajahay caqabad kale ka dib marki Siyaasigaa uu soo jeediyey in kala bar Shaqaalaha Isbitaalka uu isagu soo magacaabo iyo weliba Qandaraasyada yar yar isaga la siiyo si uu ugu magacaabo dada ka soo jeeda Beeshiisa waxayna wararka na soo gaaraya ay sheegayaan in weli caqabadaan dambe ay taagan tahay

Warar kale oo aan helney ayaa sheegey in Dowladda Turkiga ay dooneysey in isbitaal ku meel gaar ah laga someeyo Qayb ka mid ah Isbitaalka inta uu socdo dhsimaha Isbitaalka hase yeeshe arrintaas iyadana waxaa soo wajahay Caqabad ka timid Siyaasigii hore u hor istaagey Dhismaha Isbitaalka Digfeer kaaso Beeshiisa Deegaanka ku badan tahay ka dib markii uu soo jeediyey in Dhaqaatiirta ku meel gaarka ah uu soo magacaabo taasoo Dowlada Turkiga diidey waxayna soo jeedisey in Dhaqaatiirta la qaadanayo lagu kala saaro Imtixaan waxaana nalo sheegey in weli uu Hakad uu ku jro sameynya Isbitaalkaas ku meel gaarka

Dowladda Federaalka  KMG ayaa weli ka hadal caqabada Hortaagan dhismaha Isbitaalka Digfeer waxayna dadka qaar ay leeyihiin haddi aysan Dowladda adeegsan Awood ay kaga hortagto kooxaha iyo shaqsiyaadka is hortaagaya Adeegyada Bulshada waxaa ka raaci doono Ceeb iyo fadeexad waxayna Awoodeeda ku ekaan doontaa agagaarka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyadoo shacabka ay si aad ah ula yaaban yhiin wax ka qabasha la’aanta Isbaarooyinka yaala Magaaladda Muqdisho
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.u


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Mid ka Mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo is Hortaagey in Dib loo Dhiso Isbitaalkii Hore ee Digfeer "

  1. walaahi waa ceeb somali usoo hoyatay dad la dhahaayo waxan idiin dhiseynaa isbitaal hadana diidan
    waxaa kasii ceeb badan nin isku sheegaayo inuu yahay siyaasi hadana diidan dalka horumarkiisa

  2. Saeed Bosaso says:

    Walahay waa wax lala yaabo cusbitaal dhan oo qaran soomaali iska leeyahay in la yiraahdo nin siyaasi ah baa diidan in la dhiso,waa waxyabaa muqdisho halagay waas oo kale,
    hadaba aniga waxaan ku talin lahaa dadaka noocaas oo kalaa waa in sharciga la horgeeyaa,
    ALIGURAY adoo raali ah yaa ka taliya DIGFEER Hospital xiligaan cid baa ka talisaad tiriye

  3. ali gurey says:

    Waxaad mooddaa heestii loogu heesi jirey DIBIGA doollo oo ahayd, Dibiga doollo dhegihiisa waxsan ayey maqlaan hase yeeshe indhihisu ma-arkaan, taas waxaa ka dhigan qaylo dhaanta TFG SOOMAALIYA oo haddii aad si-fiican ugu fiirsato u eg meelmaran. bal tag oo soo eeg Isbitaalka Digfeerka laga dhigayo Isbitaal caalami ah oo ay-bal qaadday dawladda turkiga dhimihiisa. marka isweydiintu waxay tahay, yaa ka taliya Digfer? Runtu waxay tahay inaan dadka khaldin oo loo sheego waxa jira.
    Allow nawaafaji runta.