Home » Warar »

Guddiyada Xisbiga Hiil Qaran oo Kulan Balaaran ku yeeshey Xarunta Xisbiga ee Magaalada Muqdisho

Waxaa Xarunta Xisbiga Hiil Qaran ee Magaalada Muqdisho kulan balaaran ku yeeshey Guddiyada Xisbiga oo kala ah Gudiga Isku Xirka Dhalinyarada Gudaha iyo Dibada Gudiga Abaabulka iyo Wacyigelinta iyo Guddigga Odayaasha  waxaana kulankaan Shir Gudoominayey Masuulka Xisbiga Hiil Qaran ee Magalada Muqdisho Shariif Xuseen Roobow .

Kulankaa  ayaa warbixin looga dhageystey Guddiyada kuwaas oo soo gudbiyey waxqabadkoodii ka dib waxaa la guda galey in si saraaxad leh looga doodo Qodobo la soo hordhigey Guddiyadaas oo ay u horeysa Qorshaha Afarta Bilood ee ee ka harsan Sannadkaan , waxaa Guddi kasta uu halkaa ka jeediyey Qorsdhihiisa Mudadaas Sannadka ka hardsan.

Kulankii maanta ayaa waxaa laga soo jeediyey Qodobo ay ka mid ahaayeen in la abaabulo Aqoon isweydaarsi ay ka qaybgalaan Jaaamacadaha iyo Dugsiiyada si loogu gudbiyo ujeedooyinka Xisbigga Hiil Qaran , in la sameeyo Waraaqo ka Turjumaya Hadafka Xisbiga si ay Dadweynaha u helaan ama loo fahamsiiyo Ujeedooyinka Xisbigga , in la sameeyo Warqado Aqoonsi ah si loo kala garto Xubnaha Xisbiga ,Heshiis lala ga;lo Warbaahinta si ay u baahiyaan Barnaamijyada Xisbiga Hiil Qaran , waxaa kaloo la soo jeediyey in Wargeyska Xisbiga   ee Aragtida Wadaniga oo haatan la soo saaro Bishii hal Mar in laga dhigo Bishii Laba Jeer.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Qododbadii halkaa laga soo jeediyey ayaa Guddiyaddi ay si weyn isugu raaceen waxaa ka dib Warbaahinta hadal Kooban siiyey Masuul Xisbigga Hiil Qaran ee magaalada Muqdisho Shariif Xuseen Roobow oo halkaa ku faahfaahiyey Qodobadii la isku raacay , waxaa kaloo uu sheegey in Mudda Afarta Bilood ah ee ka harsan Sannadkaan Howlaha Xisbiga la Dardargelin doono.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.