Home » News »

Bayaan ay si wada jir ah uga soo wada saareen Emaratka beelaha Leylkase iyo Cumar maxamuud

Kulan ay isugu yimaaden jaaliyadaha Leelkase iyo Cumar Maxamud ee Imaaradka waxa ay si wada jir ah uga xunyahin dhibkii ka dhacay Magalada Galkacyo. Si wada jir ahna u canbaraynayan falkaas foosha xun.

Waxay labada jaaliyadoodba tacsi u dirayan dhamaan dadkii ku geeriyoday dagaladii ka dhacay galkacyo, dhib iyo barakac weyna u geystay maatadii degeneyd Galkacyo .

Waxan si wada jir ah u dalbanayna in la joojiyo dhamaan colaada iyo dhaqdhaqaqa ciidan ee ka jira Mudug, labada dhinacna ay tixgaliyan codsigena.

Wixi ka dhacay magaalada Galkacyo ma ahan wax an aqbali karno, ama suraysan karno.
Labada jaaliyadood waxay ugu baaqayan dhamaan wax garadka iyo shacabka Soomaliyeed meel kasta oo ay joogan, khaasatan beelaha isla dega Puntland in ay ka shaqeyan nabada, si wada jir ahna uga hortagan cid kasta oo ka shaqeynaysa dagaal iyo colaad.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Waxan dalbaneyna in lagu sameeyo baarita buuxa, fidnadii ka dhacday Galkacyo, sida is daba jooga aheyd, lalana xisaabtamo dadkii ka danbeyay dhibkii dhacay

Waxan ku bararujinayna dhamaan shacabka Mudug ee wallaalaha ah in ay isku meel uga soo jeestan cid kasta oo doonaysa in ay Qatar galiyaan jiritaankoda, amnigooda iyo midnimadooda.
Waxan ugu baaqayna dhamaan jaaliyaddaha dibada iyo gudahaba in ay mowqif adag ka istaagan dhibkii dhacay, gacan weyna ka geystaan ka hortageeda.
1 Abdirazaq Jamac Nugal
2 Abdulqadir Warsame Jamac
3 Maxamed Cabdullahi Farax Xange
4 Xassan Cabdulqadir Cali Halable
5 Cabdirashid Axmed Aden Gabalaax
6 Jamac Farax Maxamud
7 Cabdirazaq Maxamed Sugulle
8 Ibrahim Cali Dheeg
9 Saciid Maxamed Ereg
10 Bashir Xirsi Warsame
11 Ismacil Cabdullahi Cusman Ducaysane
12 Axmed Sandheere
13 Cabdullahi Maxamed Aden (Cabdullahi Yare)
14 Cabdirazaq Nur Cirfe
15 Maxamed Cali Jamac
16 Cabdinasir Ibraahim Aden
17 Cabdiweli Farax Cali
18 Cabdirashid Cabdullahi Axmed
19 Xasan Jamac Welad
20 Garaad Khaliif Nur
21 Maxamed Cabdullahi Aden
22 Suldaan Maxamud Ibrahim Cumar (Cagmadhige)
23 Cabdirazaq Cabdullahi Xaashi
24 Cabdullahi Yusuf Muse
25 Asad Xasan Xaashi
26 Cabdullahi Axmed Ilkadheere
27 Cabdisalan Aden Suleyman Abuhilaal
28 Duran Diiriye Daa’ud

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.