Home » Warar »

Shirkii Wadatashiga oo lagu soo gabagabeeyey Xerada Xalane Isla markaana aan si Cad la soo Bandhigin Qodobadii lagu Heshiiyey.

Waxaa Talaada (Sept 6) lagu soo gabagabeeyey Xerada Xalane Shirkii wadatashiga Soomaaliyeed oo Sadex maalmood ka socdey Magaalada Muqdisho waxaana Xiritaankii kulanka ka Hadley madax fara badan oo isugu jirey Xulkuumada FKMG , Baarlamaanka iyo Qaar ka mid ah Ururadad Caalamiga ah iyo Dowladaha Daneeya Arimaha Soomaaliya

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Sahriif oo ka Hadley Gabagabadii kulankaas ayaa sheegey in shacabka soomaaliyeed looga fadhiyo in ay fuliyaan qodobadii ka soo baxay kulanka maadaama ay hore u dhicisoobeen kulamo hore oo ay isgu yimaadeen Shacabka Soomaaliyed kuwaas oo uu sheegey in ay ku baxeen dhaqaale fara badan

“Fulinta Go’aamada ka soo baxay kulanaka waxaa looga fadhiyaa intii saxiixdey shirkaa waayo kuwii hore waxay u burbureen Shaki fara badan oo soo dhexgaley Xubnihii hore ugu heshiiyey marka qodobada ka soo baxay kulankaan waxaa looga bixi karaa iyadoo si wadajir ah loo wajaho ama loo fuliyo wixii lagu heshiiyey”ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif oo intaa raaciyey

Madaxawenaha DFKMG Shiikh Shariif wuxuu ugu baaqey beesha caalamka in ay garab istaagaan sidii uu u dhaqan geli lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirkaa isoo ku adkeeyey Beesha caalamka in ay si wanaagsan u dhameystiraan Qodobada lagu heshiiyey si soomaaliya u hesho Dowlad loo dhan yahay,

Intii uu socdey shirka ayaa waxaa ku yimid Hakad ka dib markii la isku afgana waayey Tirada Xubnaha ka mid noqonaaa Golaha Baarlamaanka iyo qaabka loo dooranayo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa hase ysshe waxaa is marin waagaan looga gudbay markii la magacaabey Xubno isugu jirey Soomaali . Qaramada Midoobey , Midowga Afrika , Igad Jaamacadda Carabta , kuwaas oo ka soo baaraan degi doona waxyaabaha ka dhiman shirka Wadatashiga iyo sida ay ula socon doonaan hergelinta qodobadii lagu heshiiyey

Qodobadii lagu heshiiyey waxaa Dowladda KMG saxiixay Ra’iisul Wasaaraha, halka Puntland uu u saxiixay Wasiirka Waxbarashada Cabdi Saciid Faarax, sidoo kale dhanka Ahlusuna ayaa waxaa saxiixay Khaliif C/qaadir Macalin Nuur , halka Galmudug uu wasiirka qorsheynta u saxiixay, Qaramada Midoobey ayaa waxaa u saxiixay Mahiga, iyo dhinacyada kale ee Wakiilada Beesha Caalamka ayaa iyana saxiixay

Dadka soomaaliyeed ayaa Su’aal ka keeney Shirka wadatashiga soomaaliyeed ka dib markii wixii Maamulo ahaa laga Casuumey Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo Xubno ka socdey Xukuumada iyo Baarlamaanka “Waxaa ka yaab leh in Somaali oo dhan laga soo xusho lama Maamul waayo labadaas Maamul waxay ka mid yihiin Xukumaada iyo Baarlamaanka marka waxaan garan waayey Cidda sidaa u maareysey “ayuu yiri Cismaan Afrax oo sheegey in shirkaan in uu Jahwareeriyey ergeyga gaarka ee soomaaliya Mahiga isago sheegey in aysan wax natiijo ah ah ay ka soo bixi doonin shirkaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.