Home » Warar »

Gargaar ay Wada Fuliyeen Hay’addaha kala ah Disable Welfare Foundation (DWF) iyo Save a Life Nederland

Hay’addaha kala ah Disable Welfare Foundation iyo Save a Life Nederland ayaa si Wadajir ah u wada fuliyeen 3 Mashruuc oo kala ah:

1- Afurin dadka soo
2- Barakacay mudo 10 habeen ah;
3- Zakaatul Fidri la siiyay 200 Qoys oo dadka soo Barakacay ah;
4- Dhar Ciid la siiyay 20 Caruur Agoon ah.

Mashaariicdaan ayaa Maalgelisay Hay’adda Save a life oo fadhigeedu yahay Nederland, waxaan fulisay Mashaariicda Hay’adda la yiraahdo Disable Welfare Foundation ( Hay’adda Daryeelka Naafada) oo fadhigeedu yahay Muqdishow, Dugsiga Al-Noor. Mashaariicadan ayaa ka faa’ideeysteen dad iskugu jira Barakacayaal, Curyaamin iyo dad Masaakiin ah oo ku kala nool degmooyinka Gobalka Banaadir gaar ahaan Degmoyinka Hodan, Waaberi, Xamar jab-jab, Wadajair, Dharkeeynleey, kuwaaso ahaa dadka dhawaanahaan soo barakicisay abaaraha ku habsaday goboladda dalka sida Bay, Bakool iyo Shabeelaha hoose, dadkaan ayaa la siiyay Afur, Zakatul fidri, iyo dhar ciid oo la siiyay agoon kala duwan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

1- Afurka oo laba nooc ahaa, mid goobta lagu cunaayay iyo mid ay haweenka qaadanaayeen oo ay la wadaagayeen caruurtoda, waxaana ka faa’iddeystay dad ka badan 896 qof oo iskugu jira rag iyo haween, oo ka kala yimid 10 degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir.
2- Sidoo kale Zakaatul fidrigana waxaa la siiyay qoys waliba 13.5 kg oo bariis ah, 3.5 kg oo Bur ah iyo 1.5 kg oo saliida cuntada ah, taaso loo qeybiyay in ka badan 200 qoys oo barakacayaal ah, iyagoo ka kala yimid 12 kaam oo ku kala yaala 8 degmo ee gobalka banaadir.
3- Waxaa kaloo dhar ay ku ciidaan la siiyay 20 caruur oo laga soo xulay kaamamka gobalka banaadir iyo degmoyin ka tirsan shabeelaha hoose, kaaso agoon waliba la siiyay lacag dhar loogu gado oo dhan 20 & labaatan doolar ), agoontaaso aysan jirin cid u Tosha dhar ciid, si ay ugu ciidan, waana arin ay ku farxeen waalidiinta iyo agoonta ka faa’ideeysatay dhar ciida.

Ma aha markii ugu horeeysay ay howlo ka fuliso Save a life Nederland dalka Soomaaliya waxay isla Bishaan raashin u qeeybiyeen dad barakacaal ah oo degan kaamamka Hodan iyo Wadajir kuwaso qoys waliba la siiyay galeey,iyo saliid, qoysakaasoo dhamaa 150 qoys oo barkacayaasha abaarta ahaa.

Iskaashiga ka dhaxeeya DWF iyo Save a life Nederland waa mid qoto dheer oo loogu tala galay in lagu badbaadiyo dadka soomaaliyeed oo ay soo barakicisay abaarata iyo macluusha, iyo kuwa naafada ah ee ku dhex millan barakacaayasha iyo dadk degan degmooyinka oo aan heysan cid u maciinta ama wax siisa.

Mashaariicdaasi waxaa la fuliyay inta u dhaxeeysa 20kii bisha Ramaddan ilaa 30kii Bisha Ramadaan, iyadoo howlahaasi lagu fuliyay dugsiga indhoolayaasha Al-Noor oo ah xarunta Hay’adda Daryeelka Naafada ( Disable Welfare Foundation )

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.