Home » Warar »

Deeq lacageed ay soo Direen Ururka Somali Relief Network of North America ayna ugu talagaleen Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Deeqdaan ay iska soo ururiyeen Soomaalida degan North America ayaa waxay u soo wakiisheen inuu usoo diro Barakacayaasha Soomaaliyeed Masuulka lagu Magacaabo Aadam Max’ed Ciise oo ku sugan North America.

Qeybinta Deeqdani ayaa waxaa loo soo wakiishay Sheekh Cabdi wali Muuse in uu gaarsiiyo Dadka dhibaateeysan oo ay saameeyeen Abaaraha Dalka ka jira.
Qadarka lacagata ay iska soo aruriyeen ayaa waxay gaareysay $1500 (kun iyo Shan Boqol oo Doolar kaliya) lacagatani ayaa loo qoondeeyay in loogu iibiyo Raashiin , qaarkeedna kaash loo siiyo.

Halkan kadaawo masawiri dheeri ah

Qoysaska la gaarsiiyay deeqdan lacagta iyo raashiinka ayaa waxay gaarayeen 80 (sideetan qoys) iyada loo qoondeeyay qoys waliba in la siiyo Raashin dhan 12.5Kg oo Bur ah , 2.5 Liitar Saliid ah , 3Kg Timir ah 100,000 Shilin Soomaali ah.
Qoysaskii la gaarsiiyay Deeqda lacagta ayaa ku farxay deeqda waxayna u mahad celiyeen Allaah kadibna inta u isitaagtay ururinta Deeqdaan inta soo dhiibtay inta qeybisay inuu Ilaah kaga Abaal mariyo Raxmadiisa waasaca ah.

Ugu dambeeyntii Masuulka Deeqda loo soo wakiishay ayaa isna u mahad Celiyay Allaah ka dibna Masuulka Deeqda usoo dhiibay iyo inta asaga usoo wakiilatay lacagtaan halka uu ugu Baaqaay dhamaan Qurba Joogta iyo Muxsiniinta in ay ku tartamaan kheyrka si uu Alaah uggu abaal Mariyo wanaag ay sameeynayaan”.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.