Home » Warar »

Ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Toban kun oo Caruur ah Raashin ugu Qeybiyay Xerada Aalla Yaasir ee Duleedka Lambar Konton.

Sidaan ka soo xiganey Idaacadda Islaamiga Al-Furqaan Gawaari Xamuul ah  oo ay ku rarnaayeen raashin u badan Mac-macaanka iyo kuwa Nafaqeysan  ayey ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gaarsiiyeen Xerada Aala Yaasir ee Deegaanka Lambar Konton ee Gobolka Shabeeladda Hoose  galinkii dambe ee  shalay iyagoona Deeqdaasi si amni leh ugu qeybiyay caruurta halkaasi ku nool oo tiradoodu gaareyso Toban kun.

Raashinka Mac-macaanka ah ee ay Milatarigu qeybiyeen ayaa waxa uu isugu jiray Timir, Caana Boore, Buskud, Bur, Shukulaato, iyo mac-macaan guud oo loogu tala galay inuu kordhiyo caruurta. Waxaa intaasi sii dheer oo ay ciidanka Mujaahidiintu halkaasi ka qeybiyeen Dhar iyo Hadiyado kale.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u qaadeen caruurta Soomaaliyee ayaa waxaa loogu magac daray نسيناكم ما ‘Idinma Hilmaamin” Waxaana qeybinta deeqda kadib saxaafadda halkaasi kula hadlay sarkaal ka tirsan ciidamada,kaasoo sheegay in deeqda ay bixiyeen ay ka soo jareen jeebkooda maadaama diinta islaamku ay waajibisay in Muslimka kiisa kale ee walaalkii ah la qeybsado dhibaatada.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in aysan hilmaamin Walaalohooda dhibaateysan isagoona sheegay in hadafkoodu yahay in gacanna ay dadka ku gargaaraan gacanna ay kula dagaalamaan ciidamada shisheeye ee kusoo duulay dalka Soomaaliya.–

Dareenka farxadeed ee Xerada Aala Yaasir ayaa aad u sarreeyay maalinyii shalay waxayna caruurta iyo waalidiintoodu aad u bogaadiyeen Ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo noqday ciidan ay dadka ku

Xerada waxaa shalay ku sugnaa oo Warbaahinta qaar la hadashay haweeney lix caruur ah wadatay oo maalin ka hor kasoo hayaanta Kaamka Badbaado ee ay dowladda KMG ah Maamusho, kadib markii halkaasi ay ciidanka dowladdu ku dileen walaasheed Maano Xassan Muudey oo 25 sano jir ahayd.

Si kastaba ha ahaatee Deeqda ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gaarsiiyeen caruurta ku nool Xerada Aala Yaasir ayaa waxa ay kusoo beegantay xilli Madaxweynaha dowladda KMG ah uu labaatan cisho ka hor ciidanka dowladda ugu baaqay in boobka iyo tacadiga ay ka joojiyaan dadka Barkacayaasha ah ee ku dhaqan meelaha ay Muqdisho ka Maamusho Dowladda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.