Home » Warar »

Shirkii Wadatashiga oo maanta ka furmey Muqdisho

Khudbadihii ay jeediyeen Shiikh Shariif , Cabdiraxmaan Faroole iyo Caalin…

Waxaa Magaalada Muqdisho maanta (Axad Aug 4, 2011) ka furmey Golaha Shacabka shirkii Wada tashiga ee Soomaaliya oo ay Garwadeen ay ka tahay Qaramada Midoobey, waxaana shirkaa ka qaybgalya dhowr qaybood oo kala ah Xukuumadda , Madaxtooyada Federaalka, Golaha Baarlamaanka ee Federaalka, Maamul Goboledyo iyo Xubno ka socdey Beesha Caalamka oo uu ka mid yahay Wakiilka Qaramada ee Soomaaliya Mahiga iyo Xubno ka socdey Midowga Afrika.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo kulankaas ka Hadley ayaa sheegay in shirkaan ku saabsan yahay in ay Soomaalida oo dhan ay isugu yimaadeen waxa uu tilmaamay in dalka uu soo maray dhibaatooyin kala duwan waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad jecel nabad iyo walaaltinimada, isagoo xusay in shirkaan uu yahay fursad aad u wanaagsan oo sooo martay shacabka Soomalaiyeed.

Waxa uu madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya uu ka hadlay in shirkaan looga faa’ideeysan doono in dalka lagu hoggaamiyo kala sooc la’aan iyo xurnimo, waxa uu tibaaxay in lagu soo celin doono shirkaan dhammaan adeegyadii bulshada si dalka uu uga soo kabsado dhibaato labaatanka sano dalka uu ku jiray.

Madaxweynaah DFKMG  Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa si aad ah uga hadlay arrimaha abaaraha oo uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada qayb qaato sidoo dadka Soomaaliyeed dhibaato looga saari lahaa oo dalka loo gaarsiin lahaa isku filnaansho, waxa uu sheegay in arrimaha abaaraha ay yihiin kuwa ugu horeeyay ee ay dowladda Soomaaliyeed ahmiyada siin doonto, isagoo hoosta ka xariiqay in ammaanka sidoo kale uu yahay mid lagama maarmaan ah oo la doonayo in laga wada shaqeeyo.

Waxa uu ammaan u soo jeediyay Madaxweymaha maamullada Puntland iyo Galmudug oo sheegay in ay Muujiyeen in ay diyaar u yihiin in ay qayb ka qaataan dhib u dhiska dalkooda, ” waa ay ku mahadsanyihiin dhammaan madaxda maamulladaasi oo ah dad doonaya in Soomaaliya ay gaarto heerkii looga bartay oo ah fir fircooni” ayuu yiyi madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeeyntii waxa uu ka hadlay madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya dad ay u suura gali weysay in ay raali ku noqdaan balse dadkaasi ay wakiil ka tahay dowladda Soomaaliya isagoo sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in shikaan maanta dalka ka furmay in laga gaari doono guullihii laga rajeeynay.

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. C/raxmaan Shiikh Maxamuud (Faroole) ayaa isna Khudbad ka jeediyay kaddib furitaankii shirka wada tashiga ee maanta caasimada dalka ka furmay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ugu horeyn u mahad celiyay dhammaan madaxda, ergada iyo wafuuda caalamiga ah ee ka soo qayb gashay shirka, intaasi kaddib ayuu sheegay in ay fursad weyn u tahay in uu ka soo qayb galo shirka ay isugu yimaadeen dhammaan Soomaalida waxa uu sheegay in lagu kasban karo fursadaan quluubta ummada Soomaaliyeed oo in muddo ah uu nijayd jab ka muuqaday.

Madaxweynaha DGPL Faroole ayaa tibaaxay ayaa sheegay in wax walbo lagu gaari karo midnimo iyo in ay gacmaha is qabsadaan dad Soomaaliyeed, isagoo sheegay in uu ka yimaada maamul dhisan in kastoo caqabado yar yar ay jiraan hadana waxa uu tilmaamay in Muqdisho uu doonayo in sidaa oo kale ay u dhisanto.

Mr C/raxmaan Faroole waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la iska fogaado qabyaallada oo la garawsado in Soomaaliya ay u furan tahay fursadda kaliyah ee ay ku gaari karaan dowladdanimo dhameys tiran, waxa uu intaa ku daray in sidoo kale loo baahan yahay in dadka ay is gargaaraan si dhibaatada looga baxo.

Madaxweynaha maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cornel Maxamed Axmed Caallin oo qayb ka ahaa madaxdii shirka ka soo qayb gashay ayaa isna khudbad ka jeediyay xarunta uu ka socdo shirka wada tashiga ee Muqdihso ka socdo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cornel Maxamed Axmed Caallin ayaa khudbadiisa ugu horeeyn ugu mahad celiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shiikh Shariif, madaxda kale ee dowladda, dhammaan ergooyinkii ka soo qayb galay shirka iyo xubnaha ka socda beesha caalamka.

Caallin ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ka tirsan yahay dowladda Soomaaliya islamarkaana uu la qaybsanayo wax walbo oo wanaag ah waxa uu intaa raaciyay in maanta ay Soomaaliya haysato fursadii ugu qaalisaneed ee muddo labaatan sano ah soo marta taasi oo uu sheegay in ay ku soo aaday xilli dalka uu u baahan yahay in loo wada istaago sidii looga samata bixin lahaa mushkilada uu muddada ku jiray.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa tilmaamay in shikaan uu ka turjumayo in Soomaalida ay iyadu aayaheeda ka tashan karto, isagoo intaa raaciyay in laga fogaado wax walbo oo dib u dhac keeni kara.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.