Home » Maqaallo »

Kuala lumpur : Faallo ninkii Malaysianka ahaa ee lagu dilay Soomaaliya

 

Kuala lumpur :- inta aanan u galin dhimashada ku timid nin ka Malaysian ah ee lagu dilay Mogadishu 03 Sept 2011 & sida eey u saameeysay dadweynaha Malaysian ka ah . waxaan Marka hore Jecelnahay in wax yar idinka xasuusiyo sida eey dowlada Malaysia ku bilaawday in eey Dhaqaatiir & Wariye-yaal u dirto Soomaaliya.

Ugu horeeyntii 17 Aug 2011 ayeey ahayd markii Dowlada Malaysia eey si rasmi ah ugu dhawaaqeen ineey ka qeyqaadan doonaan gurmadka abaaraha Soomaaliya ayagoo ka jawaabay codsi ugu yimid ururka Islaam (OIC) & warbixinta UN ee ku saabsan macaluusha ka jirta Somaliya.

22 Aug 2011, waxeey bilaabeen lacag aruurin ama qaaraan aruurin & sawiro naxdin leh oo ku saabsan abaaraha soomaaliya oo laga sii daayay qalabka warbaahinta Malaysia sida TV-ga & Jaraa’idka si loo helo lacag badan, waxaana lacag aruurintaas ka qeyb qaatay xaaska ra’iisul wasaaraha iminka Haya Madam Rosmah Mansor & Ra’iisula wasaarahii hore Malaysia oo lagu magacaabo Tun Dr Mahatir Mohamed & Hay’adaha waa weeyn sida

 

http://www.tv3.com.my/beritatv3/berita_terkini/Suasana_Pilu_menyelubungi_Kediaman_Allahyarham.html

· Mah seng Group.

· Maybank .

· Tapung Haj.

· Seni Jaya.

· Media prima (NSTP)

· Albukhary Foundation

· Perdana Global Peace Foundation ( PGPF)

· UMNO youth

· YAYASAN AL BUKHARY

· Association of Wives of Ministers

 

http://www.tv3.com.my/beritatv3/berita_terkini/Allahyarham_Noramfaizul_Selamat_Dikebumikan.html

 

Waxaana gurmadka Abaaraha soomaaliya loo xilsaaray labada Hay’adood ee la kala ah:-

(1)- Putera 1Malaysia iyo (2) Hay’ada musiibooyinka Qaranka Malaysia ee la magacaabo MERCY MALAYSIA.

Dhanka Kale Soomaalida ayaa si buuxda ugu dhax muuqtay gurmadka Abaaraha Soomaaliya, waxaa jiray soomaali la shaqeeysay Hay’addaha gargaarka sida Mercy Malaysia, waxaana ka mid ahaa ardayda Soomaaliyeed, qaar kamid Macaliimiinta wax ka dhiga Jaamacada & sidoo kale waxaa jiray nin Soomaali ah oo Malaysia ku cusub, ninkaas ayaa lagu sheegay magaciisa Ibrahim Abdullahi Addo kaasoo u suurta gashay inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Malaysia & xaaskiisa. Laakiin waxaa jiray dhibaatooyin uu abuuray ninkaan lagu magacaabo Ibrahim kadib markii uu Malaysianka u sheegtay inuu yahay (President of Udubland State), taasoo Malaysian iska aamineen, kadib waxuuna Malaysianka kula doodayay in Kaalmadda la geeyo magaaladda Marka oo uu ka taliya oo laga weeciyo Xamar, Malaysianka weey ka diideen in eey caga dhigtaan Marka, ugu danbeeyntii waxeey u kaxeeyeen xamar. Waxeeyna ka wada daga garoonka Mogadishu.

28 Aug 2011 ayaa kooxdii ugu horeeysay ee Malaysain ah garaan Magaaladda Mogadishu, waxeey ka koobnaayeen 55 qof oo isugu jira dhaqaatiir, wariye-yaal & 4 qof oo soomaali ah oo ugu raacay si mutadawacnimo ah.

Malaysianku waxaa malaysia ka qaaday diyaarad military nooca la yiraahdo AC-130, taasoo ka qaaday Subang Military Airport, waxeey Mogadishu ku gaartay 18 saac kadib, sida aan ka soo xiganay qaar kamid Wargeesyada Malaysia.

Waqtigii yaraay oo eey joogeen Soomaaliya Waxeey geeyeen 350 tonne oo cunta ah, qalab daawo & lacag dhan $500,000 oo eey ku wareejiyeen wasaaradda caafimaad ee dowladda soomaaliya sida aan ka soo xiganay xogeeyaha guud ee Putera 1Malaysia.

 

Sidoo kale Waxeey kaloo ka qeyba qaateen howlaha caafimaad oo eey ka qabteen xerooyinka barakacayaasha, TV-yada & Joornaalada Malaysia ayaa saacad kasta ka hadli jiray wax eey qabteen & Shakooyinka naxdin leh oo eey kasoo aruuriyeen Barakayaasha.

Sheegooyinkooda waxaa ugu xiisaha badnaa ineey doonayaan ineey soo kaxeeystaan 11 caruur agoon ah oo u baahan in lagu daweeyo Malaysia, sidoo kale waxeey ku celcelin jireen ineey doonayaan ineey furantaan cusbitaal u gaar ah sida cusbitaalka turkiga, Iran & Sudan,

LAAKIIN WAX KASTA WEEY IS BADALEEN HABEENKII 03/09/2011 kadib markii la shageeyay in xamar lagu dilay Noram-Faizul oo kamid wariy-yaasha ka tirsan malaysianka.

Isla habeenkii 03/09/2011 waxaa TV ka hadlay Ra’iisul wasaaraha wadan Malaysia Prime Minister Najib Tun Razak, oo tacsi u diray reer ka ninka dhintay, waxaa kaloo hadlay Ku xigeenkiisa Datuk Muhuyadin Yasin oo radio ka tacsi ka diray & Subaxnimadii waxaa kaloo haday Wasiirka qoyka & Haweenka Marwo Shahriza Abduljil oo ka masuul ah arrima gargaarka, waxeey dhamaantood sheegeen in Ninka wariyaha ee dhintay loo aqoonsaday geesi qaran.

Subaxdii axadda markii eey Saacadda Malaysia ahayd 10:39am ayaa meedkiisa la geenay Malaysia, waxaana meeydkiisa la huwiyay calanka wadanka Malaysia, waxaana loo tumay astaanta calanka, waxaa garoonka ku sugaayay dad kabadan ilaa kun qof oo uu ka mid yahay Prime Minister of Malaysia Datuk Seri Najib Tun Razak, wasiiro & ninka dhintay waalidkiis.

Sidoo kale waxaa la soo celiyay 54 kale ee Malaysian ahaa ee ka howl galaayay soomaliya, taasoo ka dhigeysa in dhamaan Malaysianka iska soo baxeeen soomaaliya, marka laga reebo 4 dhaqtar oo ka tirsan Mercy Malaysia.

Inkastoo Madaxweyne Sheikh Sharif uu teleefoonka ugu tacsiyeeyay Prime minister Najib haddana ma-ahan mid joojisay in Malaysianka sii joogaan Soomaaliya, Madaxweyn Shariif ayaa u sheegay Prime Minister Najib in la sameyn doono baaritaan ku saabsan dhacdadaas, Waxaana suurtagal ineey dhamaan Malaysian isaga soo wada baxaaan Soomaaliya taas dhabar jab ku noqonkarta dowladda Soomaaliya & dhibanaayaasha soomaaliyeed.

Ilaa iminka dowladda malaysia waxeey sheegtay oo kaliya in la baarayo sababto uu u dhintay wariyaha, waxaana dadka Malaysianka bilaabeen kuux eey xukuumadooda ku eedeynayaan in eeysan ka taxadirin muwaadiniintooda. Taas dhibaato ku noqon karta Prima minister Najib oo doorasho galidoon dhor bil kadib.

 

Hadda ugu danbeeyntii SAFIIR CEYMOY oo ka howl gala Malaysia ayaa 2 codsi u diray dowladda soomaliya & Soomaalida Malaysia.

Codsiga 1aad, waxuuna yiri waxaan ka codsanaa in dowladda soomaaliya xaqiijiso amaanka & hantida muwaadiinta u yimid in eey caawiyeen ummadda soomaaliyeed.

Sidoo kale waxuu dowladda ugu baaqay ineey si cad u sheegtaa keenta sabab lagu qanci karo oo ku saabsan sida uu ninka u dhintay sababtoo ah Dowladda Malaysia waxaa saraan cadaadis ugu yimaaday mucaarida oo ka taliya 5 gobol & qeyskii uu ka dhintay ninkaas. Marka waxaa wanaagsan in dowladda soomaaliya eey wafdi u soo dirsato Malaysia si loogu abaal noqo hadii kale waxaa qatar ku jirta soomaalida Malaysia.

Codsiga 2aad

Al-Safiir ceymow waxuu kaloo codsi u dirayaa Soomaalida Malaysia, waxuuna ka codsanaa Soomaalida Malaysia ineey isku aruursadaan koox ahaan kadib tacsi ugu tagtaa xaaska ninka laga dilay oo lagu magaacaabo Ms Norazrina Jaafar & labadeed wiil.

Waxuuna intaas ku daray, waxaa wanaagsan in soomalida Malaysia ineey la xeriiraan Hay’adda Marcy Malaysia si eey ugu mahad naqaan howlaha eey u hayaan Soomaaliya, una sharxaan in arrintaan ineey shil ahayd, waxuu yiri waa inaan dadka tusnaa abaal naq. Oo aan iska aamusin.

 

http://www.tv3.com.my/beritatv3/tajuk_utama/Persediaan_Diatur_Terima_Jenazah.html

 

La xiriir: somaliacommunitymalaysia@yahoo.com

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kuala lumpur : Faallo ninkii Malaysianka ahaa ee lagu dilay Soomaaliya "

  1. Hussein says:

    Amisom waxay u dishay ninkaan Wariyaha ah ee Muslimka Malaysianka ah waxay weeye inaan caalamku arag sida Xaaraanta ah ee ay ku haysato Muqdisho, maadaama haddii hoodaadayntii shabaab ay ku hayeena dhammaatay inaan la dhihin oo maxay meesha u joogaan haddii magaaladii ay noqotay nabad may dalkoodii aadaan, laakiin si aysan taasi u dhicin oo loo yiraahdo war wali wataas xabadu ka dhacaysee yaan la aadan ciidamadana laga saarin.
    Hadda oo hor leh ayuuba Museveni leeyahay waxaan u soo dirayaa 10,000 oo askari oo hor leh.