Home » Warar »

Khudbadii R.wasaaraha ee furitaankii shirkii Wadatashiga ee Caasimada Muqdisho.

Madaxweynaha DFKMG, Mudane Sheikh Sharif Sheikh Ahmed

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden

Xubanaha Golaha Wasiirada, Xubnaha Golaha Baarlamanka

Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Galmudug iyo golaha Wasiirada Puntland iyo Gamudug

Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobey Ambassador Augustine Mahiga

Marti Sharafka, Safiirada iyo Madaxda Caalmka, Madaxda Midogwga Afrika, IGAD, iyo Jaamacadda Carabta

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sharaf weyn ayey ii tahay in aan maanta idin ku soo dhoweeyo Magaalada Muqdisho ee Caasumadda dalka Soomaaliya. Waxaan maanta isugu nimid inaan si wadajir ah uga tashano:

a) Mustaqbalka Dalkeena

b) Dhameystirka xilliga KMG eek u eg Bisha Aug sandka 2012

Walaalayaal arrimmaha ina horyaal waxaa ugu muhiimsan oo shirkani looga hadli doonaa:

Arrimaha Banidaaminidada iyo Gargaarka deg dega ah, iyo sidii aan u caawin lahayn dadkeenna abaaruhu tabaaleeyeen. Dowladdu ayadoo dareensan dhibaatada balaaran ee Aaabaaruhu sababeen sida barakacayaasha, macluusha, doonaysana in ay ka qabato dhibtaas ku habsatay qeybo badan oo dalka ka mid ah, gaar ahaan goboladdii wax soo saarka beeraha ee dalka. Dowladdu waxay dhistay:

a) Hayaadda Musiibooyinka iyo Aaafooyinka (Disaster Management Agency)

b) Waxay qeylo dhaan u dirtyay beesha caalamka si joogto ah;

c) Waxay ahmiyad dheeri ah siisay wax ka qabashasha Abaaraha iyo dhibaatooyinka la xiriira

Waxaan mahad u celineynaa dowladihii, ganacsatadii, jaaliyadihii iyo shaqsiyaadkii gacanta ka geystay wax ka qabashada iyo ka hortagga dhibaatooyin badan oo la xiriiira abaarah.

Sidoo kale, Shirkan wadatashiga gundhigiisu wuxuu noqon doonaa sidii looga tashan lahaa afar qodob oo gundhig u noqon doono Dowladnimada Soomaaliyeed kadib xilliga kala guurka. Qodobadaasi waxay aasaas u ahaan doonaan dariiqa wadatashiga ee looga bixi doono ku meel gaarnimada (Transitional period) Waxay kala yihiin.

a) Amniga (security)

b) Dowlad Wanaagga (Good Governance)

c) Dib U heshiisiin (Reconciliation)

d) Dastuurka (Constitution)

Walaalayaal iyo Saaxiibayaal,

Sanadkan inoo dhiman waxaan haysnaa fursad aad u weyn oo aan ku dejin karno qorshahe ku saleysan afarta qodob ee kor ku xusan aan kuna gaari karno in talada Soomaaliyeed ay si waafi ah ugu soo laabto gacanta shacabk Soomaaliyeed.

Dadaal iyo howl dheeri ah ayaa la inoo ka baahan yahay. Walaalayaal aynu wadajirno, aynu talo wadaag noqono.

Waxaan Mahad u celinayaa Dowladaha Walaalha ah ee noogu deeqay ciidamada AMISOM oo noo huray naftooda iyo dhiigooda. Waxaan kaloo u mahad celinayaa Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo ku guuleystya xoreynta Caasumadda Soomaaliyeed.

Waxaan Mahad balaaran u celinayaa Marti sharafka iyo dhamaan walaalaha shirka ka soo qeyb galay, waxaan idiin rajeynayaa guul.

 

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.