Home » Warar »

Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Deeq gaarsiisay Tuulada Weerow oo ka tirsan Degmada Xudur

Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo waayadaan wadey Howlo gargaar oo ay ku samatibixineyso dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaraha Saameyeen ayaa waxay deeq gaarsiisay Tuulada Weeroow oo ka tirsan Tuulooyinka Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool

Dadka tuulada ku nool cadadkooda waxaan lagu qiyaasi karaa ilaa 400 qoys intooda badan waxay ahaayeen dad Xoola dhaqato ah balse ay si ba’ani abaari ugu dhufatay waxaa kadhamaaday dhamaan xoolihii, Runtii waa dad ay daruufi kamuuqato. Tuulada weerow waxa ay k amid tahay tuulooyinka aan weli deeq lagaarsiin waana markii ugu horeysay oo lagaarsiiyo deed raashin.

Deeqda ay bixisay hay’adda HARO ayaa waxay isugu jirtay bur, bariis, saliid,iyo sokor – waxaana gacantiisa ku qaybiyay . Ibraahim Mohamud Mohamed oo kamid ah howl wadeenada hay’ada haro.

Tuulada Weerow ayaa la gaarsiiyayay deeqdani ilaa 300-qoys qoyskiiba la siiyay qaybaha kala duwan ee raashinka ay ku deeqday haya’dda kuwaasoo loogu talagaly iney qoys walba kunoolaadan muddo bil ah.
Qoysaskii deeqdan ka faa’iideystay ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta hay’adda iyo cid walba oo gacan ka geysatay gargaarka la gaarsiiyay, waxayna Alle uga baryeen inuu Allah wax ka khayr badan ugu bedelo.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Deeqdaan ayaa kusoo aadaysa xilli ay dadku u baahnaayeen gargaarka, maadaama xiligaas ahayd intii lagu Guda jirey Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana Madaxda Hay’adda HARO ay carrabka ku adkeeyeen inuusan gargaarkan noqon doonin kii ugu dambeeyay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.