Iyadoo Hayado Fara badan ay ku soo qulquleen Magaalada Muqdisho ka dib markii dad fara badan oo ka soo cararey Abaarta ay soo gaareen Magaalada Muqdisho iyadoo taasi ay jirto ayaa Ururka Samafalka ee Somali Women and
Children Rescue Organization (SWACRO) Xubno ka tirsan Ururka waxay Xafiiskooda ku qaabileen Masuuliyiin ka socotey Hayadda Mercy Malaysia oo Howlo indha indheyn ah u yimid Magaladda Muqdisho
Yaasmiin Mayow Maxamed oo ah Wakiilka SWACRO ee Soomaaliya iyo Amiin Yuusuf Khasaaro oo Gudoomiye ku xigeen ka ah Ururka ayaa warbixin ka siiyey Howlaha Ururka Samafalka SWACRO , waxyaabhii u qabsoomey muddi uu jrey Ururka iyo waxa u qorsheysan Mustaqbalka, Iyagoo sheegey In Ururka uu ku shaqeeyo si Mutadawacnimo balse mararka qaar Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadaha ayaa u soo dira Dhaqaale aan sidaa u buurneyn
Masuuliyiinta Ururka ayaa waxay u soo jeediyeen Hayadda Mercy Malaysia qaabka ay Hayadaas wax uga qaban karto Soomaaliya sida Caafimaad , Waxbarashada , Adeegyada kale ee Bulshada iyo dadka ku barakacay dalka Gudhiisa ,Talooyinkaas ayey Masuuliintii Mercy si aad ah ugu bogeen.
Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Masuuliyiintii ka socotey Mercy Malaysia ayaa aad ugu boqey qaabka uu ku shaqeeyo Ururka SWACRO iyo sid Mutadawacnimada ah ay ugu adeegaan Buslahadooda Dhibaateysan , waxay kaloo ay sheegeen in marka ay helaanXog buuxdo oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya ay dib ula laaban doonaan Dalka Malaysia wuxuuna kulankaas uu ku dhamaadey jawi is afgarad
Ururka SWACRO waxaa uu Tacsi u dirayaa Shacaba Maleeysiya Geeridii ku timid Samafalayaashii lagu dliey Magaalada Muqdisho waxayna leeyihiin Samir iyo Iimaan Ilaah ha idiin ka siiyo waxayna Ku tilmaameen Samafalayaashaas Geesiyaal u soo Gurmadey Shacabka Soomaaliyeed oo Taariikhda Xusi Doonto.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.