Home » Warar »

Arday soomaliyeed oo dhan 41 ayaa habeenkii xalay ahaa Xaflad qalin jabin ah loogu qabtay magaala madaxda dalka suudaan ee Khartuum.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay 41-arday oo ka qalin jebisay Kulyadaha kala duwan ee Jaamacadaha Suudaan ayaa lagu gudoonsiiyay shahaado kala duwan, iyadoo ardaydan ay ahaayeen kuwo u dhabar adeegay waxbarashadooda mudadii ay dhiganayeen Jaamacada.

Arday qalin jebisay oo wajiyadooda ka muuqatay farxad ayaa isugu jiray, ragg iyo haween, waxaa ka dhex muuqday dad waa weyn, taasoo muujineysa in waxbarashadu aan yar iyo weyn u kala gaar aheyn, waxbarashaduna aysan weynaan gelin.

Mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay Xaflada qalin jebinta oo ay ka mid ahaayeen Siihayaha Safaarda Soomaalida ee Suudaan Mudane Ibraahim Guure Maxamed iyo madaxa Jaamacada International University of Africa qeybta Geology Dr Cabduqaadir Xirsi Geedi, Madaxa Munadamada warsan iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo uu kamid yahay Dr.Fowsi Cabdi iyo ardada soomaliyeed ee wax kadhigata Jaamacadaha kala duwan ee dalka suudaan oo iyaga habeenkii xalay ahaa buux dhaafiyay goobtii ay xafladu kadhaceysay.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Kufuridii xaflada Aayadaha quraanka Kariimka kadib waxaa loo istaagay heesta calanka,dabadeena waxaa loo gudbay qeybaha kale xaflad loogu tala galay in kakoobnaato.

“waxad iga gudoontaan salaan qiimo badan oo aan idinkaga wado masuuliyiinta sar sare ee Dowlada Soomaaliya,intas kadib waxaan aad iyo aad aan ugu faraxsanahay caawa in 41 arday ay nooga qalin jabinaayaan kuliyadaha kala duwan ee jaamacadaha dalka Suudaan iyadoo aad ogtihiin maanta baahida aan uqabno helida arday nuucaan oo kale ah kuwaas oo aan kafileyno in ay wax uqaban doonaan dadka soomaliyeed ,sidaas daraaded waxaan ucadeynaan ardayda soomaliyeed meel kasta oo ay joogan in dowlada soomaliyeed ay diyaar utahay in ay dhiira galiso ardayda soomaliyeed inta ay awoodo” ayuu yiri Siihayaha Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Sudan Mudane Ibrahim Guure Maxamed oo goobta kahadlay.

Intii ay socotay xafladda ayaa sidoo kale ka hadlay Dr. Fowsi oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta xafladaasi ka soo qayb gashay isagoo kula dardaarmay ardaydii habeenkii xalay ahaa qalin jabisay in dalkooda hooyo kulaabtaan oo ay dhibaatda laqeebsadan dadkooda,iskuna dayaan in ay wax un isbadl ah sameeyan islamarkaana aysan ka caajisin waxbarashada oo uu sheegay in ay tahay mida kaliyay ee iftiimisa noloshooda.

Dhamaan ardaydii habeenkii ahaa qalin jabisay oo ka koobnaa 41 arday ayaa iskugu jiray rag iyo dumar,waxeyna ka kale qalin jabiyeen kuliyado kale duwan 22 arday oo kamid ah ah waxey kaqalin jabiyeen kuliyada Science ka halka 19 arday na ay ahaayeen kuwa ka qalin jabiyay kuliyada Arts-ka, iyadoo ay xusid mudantahay in 7kamid ah ardaydii qalin jabis ay ay ahaayeen dumar .

Xafladaasi oo kusoo gabagabowday Jawi farxadeed ,iyadoo la ogyhay in sanadka kasta ay jaamacadaha dalka Sudan soo saaraan arday soomaliyeed oo leh aqoon kufilan.

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)
cmc_vip@hotmail.com
Khartuum – Suudaan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.