Home » Warar »

Ardaydii ka qalinjabisay Raabidada Caalamiga ah ee Azharu-Shariif oo doortay guddomiye

Waxaa guddoomiye doortay ardaydii ka qalin-jabiyay Jaamacadda Al-Azhar Al-shariif, kaddib kulan ay maanta oo Khamiis ah ay ku yeesheen hoteelka Bakiin ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay 50 ruux oo ahaa dadkii kasoo qalin-jebiyay Al-Azhar, waxayna guddoomiye u doorteen ustaad Mukhtaar Maxamed Yuusuf kaddib markii loo qaaday cod qarsoodi ah isagai yo xubno la tartamayay.

Halkan ka daawo sawirada

Doorashada kaddib ayaa waxaa hadal ku saabsan kaalintii ay ku lahayd jaamacadda Al-Azhar waxbarashada Soomaaliya halkaas ka jeediyay Sheekh Yuusuf, isagoo sheegay inay yar-tahay mu’asaso kaalin ku lahayd waxbarashada Soomaaliya, wuxuuna mar labaad iyo mar saddexaad ku baaqay inay kaalintii Azhar ka muuqato Soomaaliya.

Intaas kaddib, waxaa isna hadlay ustaad Muxyadiin Xasan Maxamed oo ka mid ah wakiillada raabidada caalamka ee Al-Azhar ahna wakiilka aasaasayaasha dalladdan ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee ay doorashadu u dhacday, isagoo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee dalladan.

Ma’suulka la doortay ustaad Mukhtaar Maxamed Yuusuf oo isaguna hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo doortay, kana codsaday dadka howshan la qaban doona inay gacan ku siiyaan sidii ay howshan u najixi lahayd.

Wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo owqaafta DKMG Soomaaliya oo labaduba ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin hoggaanka ay yeeshaan ardaydii kasoo qalin jabisay jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar oo ay iyaguba wax kusoo barteen.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuu-bakar oo khudbadaha soo xiray ayaa mahad u celiyay guddoomiyaha cusub ee daladda, isagoo hoosta ka xariiqay inay dunida ku yar tahay mu’asaso dunida ka jirtay 11-qarni marka laga reebo jaamacadda Al-Azhar Al-shariif oo caalamka meel kasta laga heli karo dad wax ka bartay.

“Jaamacadda Muqdisho waxay ka tahay dalladan fududeeye oo keliya, taasoo ah ballantii aan kasoo qaadnay Sheekhul Azhar,” ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.