Home » Warar »

Gudiga Culimada iyo Ganacsatada Gurmadka Degdega ah oo qeybiyay Deeq lacag ah oo ka soo gaartay qaar ka mid ah Soomaalida ku Dhaqan Dalka Newsland.

Gudiga Culimada iyo Ganacsatada Gurmadka Degdega ah oo qeybiyay Deeq lacag ah oo ka soo gaartay qaar ka mid ah Soomaalida ku Dhaqan Dalka Newsland.

Deeqdaan ay Gudiga Culimada iyo Ganacsatada Gurmadka Deg dega ay qeybiyeen ayaa waxaa soo gaarsiisay Gabadha lagu Magacaabo Farxiyo Awbaari taasoo Cadadkeeda Gaarayay $4,000 (Afar kun oo Doolar ah ) ayadoo horay Gudiga u soo Gaarsiisay $1,000 (kun Doolar ) guud ahaan lacagta waxay Noqoneeysaa $5,000 (Shan kun oo Doolar).

Lacagtaan ayaa Gudiga waxaa u soo direen walaalaha ay ka mid yihiin Sheekh Xasan Xuseen C/laahi oo ah Wakiilka Xawaalada Mustaqbal ee Dalka Newsland iyo Jaamac Cabdi C/laahi .

Deeqdan aayaa Waxaa ka faa’ideystay qoysas Cadadkooda kor u dhaafaya 600 oo qoys kuwaasoo ka mid ah Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Gudiga ayaa u mahad Celiyay Allaah ka Dib inta ka qeyb qaadatay howshani kheyriga ah ayagoo Alaah ugu baryay inuu ka yeelo Miizaankooda Xasanaadka ah.

Ugu dambeeyntii Gudiga ayaa wuxuu sheegay inuu wali u taagan yahay Gurmadka Abaaraha iyo wax u qabashada dadka Dhibaateeysan iyagoo jecel waliba meelo Cusub oo aanan eheyn kuwi horay loo soo sheegay.

Sidaas darteed Gudiga waxay Codsi u jeedineeyaa Dhamaan Muslimiinta Meel kastoo ay Joogaan in ay Gargaaraan Walaalahooda tabaalaysan oo ay Abaaruhu ku Dhiftaan .

Fadlan qofkii doonaya in uu wax u qabto Walaalahiisa dhibaateysan wuxuu ku shubi karaa Akoonadan:

1- Dahabshiil Accoun-no 8425

2- Qaran Express Accoun-no 2295

3- Salaam Banka Accoun-no 30032108

4- mustaqbal Accoun-no 22593

5- Amal Bank Accoun-no 48625

6- Bakaal Accoun-no 019

Wixi talo iyo tusaale ah Nagala soo Xiriira E-mail address l: gcgg114@hotmail.com ama gcgg114@gmail.com

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.