Hordhaca iyo sooyaalka saadaasha nabadeed ee dalka Soomaaliya ayaa waxaad moodaa inay u gudubtay weji cusub ee siyaasadeed taasoo sahankeedu uu ku rar furtay socdaalkii Taariikhiga ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku tegay dowlad gobleedka puntland si heer qarana loogu soo dhoweeyey booqashadu waxay ahayd mid dhalisay kalsooni iyo wada shaqayn inay yeeshaan DFKMG iyo dowlad goboleedka Puntland taasoo tixraac u ahayd shirkii ay hormoodka u ahayd hay’adda Qaramada Midoobay ee lagu kala qabtay Nairobi iyo Ugandha taasoo lagu lafa gurayey siyaasadda cakiran ee dalka Soomaaliya iyo sidii maanta horumar looga gaari lahaa geedi socodka nabadda ee dalka Soomaaliya.
Haddaba, waxaa su’aal ah maxaa hortaagan geedi socodka nabadda ee dalka ? su’aashani jawaabteedu waa mid wejiya badan yeelan karta hase ahaatee waxaan ku soo koobayaa Mucaaradka dowladda ka soo horjeeda oo aan weli laga helin inay ku soo noqdaan miiska wada hadalka iyo dib u heshiisiinta iyo dowladda oo ka dhega furaysatay dib u heshiisiinta awoodna mooday kumanaanka ciidamada shisheeye ee ku sugan caasimadda dalka Muqdisho, iyo hubka sharci darrada ah ee weli ku sugan dalka kaasoo ay ciidamo beeleedyadu ay ku boobaan gargaarka iyo saadka loogu talagalay dadka ay abaaruhu iyo gaajadu ay xaalufisay ee ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaal caasimadda dalk Soomaaliya ee Muqdisho.
Dowladda FKMG ahi maxaa kala gudboon arimahani aannu kor ku soo tibaaxnay? waxaa xusid mudan tallaabooyinkii ay qaaday DFKMG ahi oo la oran karo waxay fureen weji cusub ee siyaasadeed sida xiriirkii ay la sameeyeen dunida caalamka barnaamijyada abaaraha iyo qaxootiyada, booqashadii Puntland suggidii amniga ee caasimada dalka ee Xamar
laakiin weli waxaad moodaa inay ka maqan tahay xiriirkii dhinacyada ka soo horjeeda DFKMG ee la doonayey inay la sameeyaan awood qaybsi ama dib u heshiisiin dhab ah taasoo aan xal loogu heli karin in xabbad iyo dhiig daata lagu xaliyo, has ahaatee xalku uu yahay Sulux suluxuna uu yahay khayr dhinacyada dagaalamaya waa inay ku laabtaan miiska heshiiska .Si xal deg-deg ahi loo gaaro xaalada uu dalka ku sugan yahayna ay u noqoto mid degan mucaaradu waa inay joojiyaan dagaallada dhiigga ay daadinayaan taasi xal ma aha.
Ciidamada shisheeye ee dalka ku sugani maxay u soo kordhiyeen shacabka Soomaaliyeed? waa su’aal uu qof waliba uu iska garan karo xasuuq iyo burbur aan loo meel deyan goob walba oo uu qori ka soo yeedho madfac ayaa jawaab u ah taas oo macnaheedu uu yahay xasuuqa shacabku waa iska caadi taasoo ah wax laga naxo oo laga argagaxo carruur yar yar oo dhiigooda la banaysanayo ama dowlad ha ahaato ama mucaarad ha ahaadeen waa in la helaa waddo sax ah oo lagu wada heshiin karo, sababtoo dowlado fara badan oo afrikaan ah ayaa dib u hesheesiin la yimi kaddib burbur iyo barakac ku dhacay qabaa’ladii wada degenaa oo diin ahaan, af ahaan iyo dhaqan ahaanba ka duwanaa laakiin shacabka Soomaaliyeed waa isku wada mid waxaana loo adeegsaday wejiyo kale oo lagu burburiyo, Soomaaliyeey dib ugu soo noqoda xabbad joojin wada hadal iyo horumarka geedi socodka nabadda.
Abaaraha iyo deeqaha sahayda, saadka faraha badan ee dalka ku qulqulaya iyo sida ay weli carruurtu u dhimanayaan goobo fara badan oo ka tirsan caasimadda dalka iyo xeryaha qaxootiyada waxaa ka dareemi kartaa in weli aysan si dhab ah u gaarayn dadkii deeqahani xaqqa u lahaa ee loogu talagalay ee dhexda lagu boobayo oo ciidamo beeleedyo ay ka dhigteen ganacsi iyo howl cusub oo ku soo kordhay burcad berriyeed oo burcadbadeed ka darran oo dad dhimanaya quutkoodii dhacaya, nidaamyada ay DFKMG ahi ka wado caasimadda dalka waxaa hortaagan kuwa doonaya inay wax sii maleegaan shacabku gargaar deg deg ah iyo daryeel ayey u baahan yihiin waa in la helaa xalka ugu wanaagsan ee ah in laga mamnuucaa goobta raashinka lagu bixinayo hubka dadkuna lagu tixgeliyaa si ay u soo kala horeeyeen iyadoo loo qaybinayo numbaro si caddaalladda loo sugo dadkuna u quutaan.
Gabagabadii iyo faalladani ku saabsanayd geedi socodka nabadda ee dalka iyo mustaqbalka siyaasadaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa inoo soo ifbaxaya in loo baahan yahay in labada dhinac ee isku haya dowladda iyo mucaaradku ay ku soo laabtaan miiska dib u heshiisiinta iyo horumarka geedi socodka nabadda ee dalka oo hadda maraya xaalad aad u wanaagsan iyo weji cusub oo siyaasadeed taasina ay haboon tahay in ay labada dhinacba ay ka faa’idaystaan maadaama xaaladda uu dalku ku sugan yahay ay tahay mid aan haboonayn lana doonayo in la badbaadiyo kumanaanka carruur ee maallin walaba u dhimanaya xabadaha, gaajada iyo cudurka loona tanaasulo dartood si loo gaaro heshiis caam ah.
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.