Home » Warar »

Sawirro: Sidii looga ciidey Toronto, Minneapolis, Columbus, Switzerland iyo Shiinaha

Muslimiinta ku dhaqan daafaha caalamka ayaa Talaadadii u dareeray salaadda Ciidul Fidriga. Hoos ka daawo sawiro kamid ah qaybo kamid ah sidii looga ciidey Toronto, Minneapolis, Columbus, Shiinaha iyo Jaamacadda Muqdisho oo Zakatul fidri qaybisay….

Hambalyada Ciidda iyo Toronto Canada…

Toronto:-Waxaa maalinkii Talaadada oo ay ah taariikdu ahayd August 30,2011 lagu tukaday Markazka weyn ee Dar-ul-Hijra Islamic Centre ee ku yaal magaalada Toronto ee Dalka Canada Salaaddi Ciidul Fitriga . Dadka Muslimiinta ee halkaas isugu sioo baxay oo kumayaal gaarayay ayaa waxaa wajigooda ka muuqday farxad iyo rayn rayn . Khutbadi Ciidda waxaa halkaas kasoo jeediyay Imaamka Markazka Dar-ul-Hijra Sheekh Cabdil Khaaliq,khutbadaas oo ka hadlaysay mawaadiic aad u khuseeyo dadka muslimiinta ah guud ahaan . Markii Salaadii Ciida ay dhamaatay ayaa dadkii waxaa ay bilaabeen in ay iskugu hambalyeeyaan ciida ,dabadeed waxaa halkaas lagu soo bandhigay qalab ay Caruurtu ku ciyaaraan iyo raashin kala duduwan oo lagu wada farxay oo socday maalinki oo dhan.

Halkan ka daawo sawirada ciidda (Toronto)

Allah waxaan ka baryeynaa in uu naga aqbalo soonkeenna iyo qiyaamki bishi barakaysnayd ee Ramadan ee naga dhammaatay.Amiin.

Taqabalallahu Minnaa Waminkum Saalixul Acmaal
info@darulhijra.org

Minneapolis iyo Salaaddii Cidul Fidriga (Sawirrada hoos ka daawo)

Kumaan qof oo Muslimiinta reer Minnesota ayaa Talaadadii isugu soo baxay xarunta farasmagaalaha ku taal ee Minneapolis Convention Center si ay ugu tukadaan salaadda cidul-fidriga. Xarunta ayaa la ciirciirtay muslimiin aad u farabadan oo ka soo qulqulayey daafaha magaalada. Munaasabadda ciidda waxaa soo qaban qaabiyey Masjidka Abuubakar ee Minneapolis.

Halkan ka daawo sawirada ciidda (Minneapolis)
Sawirada waxaa qaaday Zakariye Xaayow.


Goobta salaadda lagu tukanayey aad ayaa ammaankeeda loo adkeeyey maadama isla maalintaas uu qayb kamid ah xarunta Minneapolis Convention center khudbad ka jeedinayey Obama.

Ohio Sidee looga Ciidey?

Allaahu Akbar..Allahu Akbar.. wa lilaalhi Al Xamdu…

Halkan ka daawo sawirada ciidda (Columbus, Ohio)

Maanta oo ahayd maalintii Ciida waxaa si weyn looga ciidey magaalada Columbus, Ohio ee dalka Maraykanka.. Halkaasoo Salaaddii ciida ee ugu baaxad weynayd uu soo Qaban qaabiyey Masjid Ibnu Taymiyah, Columbus, oo ah Masjidka iyo Markaska Islaamiga ee ugu weyn magaaladaan ee Soomaalidu dhistay, Isla Mar ahaantaasna uu ka mid yahay Maraakista ugu waaweyn ee Soomaalida Ilaahay waafajiyey iney ka taagaan Dalka Maraykanka, Wuxuuna ka mid yahay Maraakista Dallada Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Maraykanka.

Munaasabadda Ciida ayaa lagu qabtay Goobta Carwada ugu weyn ee Magaalada Columbus, taasoo uu yahay Masjidku kan keliya ee Goobtaas Muslimiinta usoo Qabta, sababtuna ay tahay baaxadda weyn ee Hoolalkiisu leeyihiin oo aan laga heli Karin Magaalada inteeda kale. Halkaasoo uu masjidku usoo qabto Muslimiinta 10 kii sano ee u dambaysey, iyadoo ay jiraan meela kale oo yar yar oo Masaajidda kale ay qabtaan.

Saaka Salaadii Subax ka dib ayaad arkeysey Gawaarida oo ku qul quleysa, Goobta Ciida, oo ahayd Hoolka weyn oo qaada ugu yaraan halkii marba 20000 oo qof, kaasoo inta badan 2 ama saddex jeer dadka la tujiyo sida ay u badan yihiin. Waxaa ku far xad gelinayey marka aad aragto Qoysaska dhan oo wada socda, Aabihii iyo Hooyadii iyo Caruurtii oo ay daadihinayaan, iyadoo ay lebisanyihiin dhar bilic leh oo Maalinta Ciida ee farxadda leh loogu tala galay.

Waxaa si is daba jooga goobta ugu soo qul qulayey dadkii oo si raxan raxan ah u socda, wajigoodana ay farxadi ka muuqato, iyadoo ay gawaarida iyo hannaanka socodkooda ay si habsami leh u kala hagayeen, qaar ka mida, ciidamada Booliska ee Magaalada Columbus oo Munaasabada loogu tala galay, iyo Dhalinyarada Masjidka oo taagnaa iridaha laga soo galo carwada iyo is goysyada goobaha baabuurta la dhigto, iyagoo gashaana dharka calaamada u ah shaqaalaha, iyo calamo cagaaran oo ay gawaarida ku kala hagayeen.

Waxaa goobta ka muuqatey deganaan iyo farxad aad u weyn oo laga dheehan karey goobta iyo wajiyada dadka Muslimiinta ah, oo ay u badnaayeen Soomaalida iyo Muslimiin kale oo kala duwan.

Waxaa ilaa iyo abaarihii sagaalkii subaxnimo soo gashay in ka badan 1200 gaari oo u badan kuwa todoba qaadka ah maadaama qoysas dhan lagu socdey gaari kastana ilaa 7 qof la socdaan.

Saacaddu markey ahayd 9.50 am, waxaa soo gaarey goobta Sh. Maxamed Idris Axmed oo Maanta Salaadda Ciida Muslimiinta halkaas ku tujiyey, kadibna ka jeediyey Khudbad Kooban oo uu kaga hadlay Munaasabadda Ciida iyo Farxadeeda iyo ku Shukrinta Allaha na waafajiyey Soonka iyo Qiyaamka, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in Qofka Muslimka ku dadaalo in camalkiisa wanaagsani sii socdo ramadaanka ka dib, Muslimiintuna ilaaliyaan midnimadooda iyo walaaltinimadooda, maantoo kalena reeraha iyo qaraabada iyo Masaakiinta ka farxiyaan, Daacada Ilaahayna ku dadaalaan.

Khudbadda iyo Salaadda wexey ku dhamaatay 30 daqiiqo, ka dibna Muslimiinta ayaa si deggan oo habsami leh uga dareeray Goobta Ciidda iyaga oo isu tahniyadaynaya oo isa salaamaya.

Maalinta Berri ah ee Arbacadana Masjidku wuxuu qaban qaabinayaa kulan ciidda caruurta iyo walidiinta loogu qabanayo jardiinada u dhow masjidka loona keenayo alaabta ciyaaraha ilaa xilliga galabnimada.

Waxaa Diyaariyey: Axmad Al Yamaani
614-772-9289
Director
Ibnu Taymiyah Masjid & Islamic Center
Columbus, Ohio

Ma u socotaa Xajka Sannadkan, la xiriir Salama for hajj & Umrah

salama

 

Sidee looga Ciiday Wadanka Shiinaha ?

Munaasabada Ciideed ayaa lagu qabtey magaalada Wuhan ee Wadanka shiinaha, halkaasi oo ah gobolka U badan oo ardey Muslimiin ah oo ay u badan yihiin soomaali wax ka bartaan.

Halkan ka daawo sawirada Ciida (ee Shiinaha) ama halkan ka daawo

Waxaana Subixnimada talaadada lagu tukaday mid ka mid Hoteelada Magaalada wuhan halkaasi oo salaadii ay soo xaadireen Muslimiin u badan dhalin yaro kuwaasi oo jaamacadaha kala duwan ee Gobolka wax ka barta.

Waxayna ahayd Jawi aad u qurux badan oo dadku ay isugu marxabeynayeen CIID MUBAARAK…

Sidoo kale waxaa Maalinimadii Arbacada ee Maanta Xaflad balaaran lagu qabtey Hudheelka Dong Lai shuan ( Don laay shuwan ), waxaana ka soo qeyb galay qaar badan oo ka tirsan ardeyda soomaaliyeed intii joogtey magaalada maadaama ay xili fasaxeedkii ardeydu uga maqan yihiin wadanka .

Munaasabada ayaa waxaa hadala Qiimo badan oo waano iyo wacdiba isugu jira ka soo jeediyey qaar ka tirsan ardeyda iyo Waliba Dr. Mahadi Ciise iyo Dr. Amiin Maxamuud Xuseen (Amiin Dheere), sidoo kalena waxaa Munaasabada maanta yimid north America, isagoo maanta si weyn ardeyda Ugula dardaarmey munaasabadan uu nasiibka u yeeshay inuu kala qeyb galo .

Sidoo kale Gudoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Da’da yare e Young Somali Docters (YSD) Mudane Cumar Cabdisamad ( Cumar shiino) ayaa isna hadala qiimo badan iyo barnaamijka ururka ee soo wajahan sanadkan ka soo jeediyey Madasha.

Ugu danbeyntiina Gudoomiyaha Guud ee Ardeyda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Magaalada wuhan Mohamed Abdirahman (Qooje) ayaa kusoo gunaanadey xafladii, Mahadcelin iyo Hambalyo Munaasabada Ciida iyo Hambalyo Maxamed Khayr oo ardeyda ka mid ah oo habeenimadii xalay wiil ugu dhashey magaalada.

Waxuuna sheegey Qooje in Maalinimada Jimacaha uu dhacayo Tartankii Quraanka kariimka ee sanadkasta ay qabtaan ardeyda soomaaliyeed

Guud ahaan waxay ahayd xaflada Maanta mid aad iyo aad u qiimo badneyd iyadoo Waanadii Dr. Mahdi iyo waliba Aabe Cabdi Ibraahim ay ardeyda aad ugu diirsadeen una soo dhaweeyeen.

Ali Mohamed Ali ( Baaba )

alislaax@hotmail.com

….

Sida loo xisaabiyo Zakada (Baro barnaamijka lagu xisaabinkaro Zakada…)

….

Sidoo kale daawo sawira ciidda ee Switzerland (Zurikh)

Halkan ka daawo saiwrada ciida (Switzerland)

Jaamacadda Muqdisho oo Zakaatul Fidri gaarsiisay barakacayaasha ku jira xeryaha ku yaalla Muqdisho

Guddiga gurmadka abaaraha Jaamacadda Muqdisho ayaa u qaybisay Zakaatul-fidri qoysas gaaraya 300-qoys oo ka mid ah barakacayaasha ku jira xeryaha Muqdisho.

Halkan ka daawo Sawirada…

Dhaqaalaha loo qaybiyay qoysaskan barakacayaasha ah ayaa waxaa ku jirtay sadaqo furan oo ay soo dhiibeen dad Soomaaliyeed oo dalka dibaddiisa ku nool.

Madaxa guddiga gargaarka Jaamacadda Muqdisho Dr Max’ed Xuseen Ciise (Liibaan) ayaa u mahadceliyay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku tabarucay deeqdan iyo xarumaha islaamiga ah ee kala ah: jaaliyadda Soomaaliyeed ee Escar – Norway, jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio-Columbus – USA, jaaliyadda Soomaaliyeed ee Motalah ee Sweden, xarunta iskaashiga Islaamka ee Oslo-Norway, masjidka Pegen ee dalka Norway iyo masjidka raabidada Islaamka ee Gotenberg – Sweden.

Qoysaska loo qaybiyay deeqdan ayaa waxay isugu jireen haween, waayeel iyo dhalliyaro kuwasaoo isugu jiray dadkii abaaraha awgood uga soo baracay gobollada Koonfurta Soomaaliya iyo kuwo ku dhibaateysan Muqdisho.

Goobaha deeqdan laga qaybiyay ayaa waxay ku yaalla degmooyinka Howlwadaag, gaar ahaan Sayidka hoostiisa iyo xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir. Iyadoo qoys walba uu helay 50-dollar oo u dhiganta 1500,000 oo shillin Soomaali ah.

Guddiga gurmadka abaaraha ee jaamacadda Muqdisho ayaa ku howlan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan ee ay abaaruhu ku habsadeen, iyagoo deeqo kala duwan gaarsiiyay in ka badan 10,000 oo qoys oo ku jira kaamamka Muqdisho iyo xeryaha qoxootiga Soomaalida ee dalka Kenya.

Cabdinaasir Yuusuf Macalin
cnaasir114@hotmail.com


Even in Maine, Ramadan touched by the crisis in Somalia
As local Somali Muslims end the holy month with a celebration, they keep in mind those who are starving in their homeland.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.