Waxaa maanta oo ahayd maalin barakaysan eecaalamka islaamka oo dhana laga ciiday bulshada islaamku qolo waliba ay hadana si gaar ah u ciiday oo ay Maalintan qaaliga ah u maamuustay Hadaba sidee looga ciiday wadanka switzerland Gaar ahaan Magaalada Zurich.
Waxaa Xaflad wayn i ka dhacday oo lagu maamuusay Maalinta ciidul Fidriga wadanka Switzerland xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen culumada Soomaaliyeed ee dalka switzerland Ahlu suna waljaamaca waxaa xafladan ka soo qayb galay Qaar ka mida Gobolada kala duwan ee dalka Switzerland Sida Gobolka Zurich, Aargau, Schafhausen, Bern , Luzern , St Gallen, Schwiez ,waxaa sidoo kale ka soo qayb galay, Culumada waawayn ee dalka badidooda iyo waxgaradka, waalidiinta kala duwan Caruurta, dhalinyarada.
Waxaa Salaada Ciida meeshaas bulshadii isugu timid ku tujiyay oo Imaam ka ahaa (Sheikh Ahmed Duuri ) waxaa sidoo kale Muxaadarooyin is daba jooga ka aqriyay culumadii badnayd ee ka soo qayb gashay iyada dadka la xasuusiyay waajibaadka diinta ka saaran lagu booriyay inay ka qayb qaataan gargaarka dadka walaalahooda u dhibaataysan wadanka Soomaaliya Gudihiisa.
Halkan kadaawo masawaro dheeriya
Waxaa Muxaadarooyinkaas Jeediyay Mashaayiikhda kala ah Kala ah , Sheikh Abukar Tooxoow iyo sheekh Mustafe Cali Khaliif iyo Sheikh Daa,uud Maxamed .
Waxaa sidoo kale halkaas ka duceeyay Ugaas Abuukar ugaas cabdule oo sidii dhaqanka ahayd dhamaan bulshada soomaaliyeed maalin farxadeedkan hanbalyo u dirayn Ducana u diray umadaha islaamka Gaar ahaan umada soomaaliyeed meel kasta ay joogto .
Waxaa ka muuqday Bulshada Farxad badan waxaana halkaas ka dhacday Xaflada aan hore uga dhicin Dalka Swiska waxaa Culumadii iyo Waalidiintii u diyaariyeen oo ugu talagaleen dhamaan caruurtii Xaflada ka soo qayb gashay Goob ay ku ciyaaraan oo loogu sameeyay waxyaabaha caruurti xiiseeyaan , Nooc walba Arintaas oo si wayn z farxad gelisay dhamaan bulshada Soomaaliyeed Qancinta Caruurta iyo Marxabaysiintooda ayaa qaadatay mudo 3 saacadood ilaa 4 Saacadood ka dib waxaa hada meeshaa ka bilowday Casuumad Qado ah loogu sameeyay dhamaan ka soo qayb galayaashii oo Cadadkoodu Gaadhayay Boqolaal qof iyada oo si haqab la,aan ah halkaas ay uga dhacday Casuumadaas iyo Qado Sharaftaasi, dadkiii goobjooga ahaa ayaa Mar aan su,aalo waydiiyay waxay ii sheegeen inay soo xasuusteen wadankoodii qaabkii looga ciid jiray .
Dhinaca waalidiinta ayaa iyaguna aad ugu mahadcelinayaa Culumada Ahlusuna iyo Waalidiinta iska kaashaday Hirgelinta iyo Qabanqaabiyay Xafaladan Ciidulö fidriga lagu Maamuusayay .
Sidoo kale waxaa iyaguna aad dareemaysay Farxadooda iyo Nayaayirka ka muuqday Caruurtii Soomaaliyeed ee xafaladaas ka soo qayb gashay oo aad ugu qanacsanaa ka qayb qaadashada maalinta ciida iyo sida wanaagsan ee loogu shaqeeyay looguna diyaariyay Goobaaha ciyaarta iyo waxyaabaha ay jecel yihiin.
Culumada iyo waalidiinta oo meeshaas dhaqaale ugu Uruuriyay dadka ku dhibaataysan Dalka soomaliya ayaa in lagu caawiyo Bulshada soomaaliyeed ee dhibaataysan iyada oo maalintaa khayrka leh loo duceeyay Gebi ahaan islaamka gaar ahaana dadka abaaruhu Dhibaateeyeen , iyo Soomaalida oodhan.
Waxaa soo qaban qaabiyay Xafladan Wayn ee lagu Maamuusayay Ciidul fidriga Barakaysan Culumada Ahlusuna iyo Xubno ka tirsan waalidiinta Gobolka Zurich Xubnahan oo Kala ahaa
1 . Awees Maxamed Aamiin
2. Xasan Abdulkadir Naaji
3. Macalin Maxamed Siidoow Bashiir
4. Maxamed Cali Xaaji
5. Cismaan Axmed Mataan
6. Xasan Maxamed Cumar (Xasan Cade)
7.Xasan Cismaan Faarax
8.Cabdiraxmaan Maxamed (Celiyoow)
Waxaa Diyaariyay
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr 1977@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.