Dadweynaha Muqdisho ayaa wada diyaargarowgii ugu dambeeyey ee ay isugu Diyaarinayaan Ciidul Fidriga waxaana Suuqyada Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo Mushquul waxaana isku garbinayo dad fara badan kuwaas oo doonaya in ay si farxad leh ugu qaybqaataan Ciidul fidriga
Ciida oo la filayo in ay dhalato maalinta Berri Talaado ah ayaa waxaa sidoo kale Mashquul ah Xarumaha lagu iibiyo waxyaabaha Macmacaanka waxaana arkeyey Foornoooyinkii joojisey dalabkii Buskud iyo Macmacaanka ka dib markii ay ku bateen dalabka Macmacaankaas sidoo kale waxaa Mashquul ah Goobaha lagu saaro Cilaanka oo ay isku Garbinayaan gabdho oo doonaya in Cilaan saartaan si ay ugu qaybqaataan Farxadda Ciidul Fidriga
Ciidaaan ayaa ku soo beegantey Xili Magaaladda Muqdisho ay ku soo qulquleen dad fara badan oo ka soo cararey Abaaraha kuwaas mar aan la kulmey waxay ii sheegeen in aysan haysan wax ay ku Ciidaan “Maxaan Ciidnaa waxaa dagaal ugu jirnaa sidii aan ku heli lahayn Raashinkii aan Cuni lahayn oo aan ku quudin lahayn Caruurta”ayey tiri Faadumo Mayow wo ka walwalsan waxay Ilmaheeda ugu iibi lahayd Dharkii Ciidda
Waxay kaloo Ciidaan ay ku soo beegantey Xili weli Dagaalo ka sii socdaan Qaybo ka mid ah Magaaladda Muqdisho sidoo kale waxay Ciidaan iyana ku soo beegantey iyadoo uu Haawanayo Suuqii weynaa ee Bakaaraha oo ay ka adeegan Xilgaan oo kale kuwaas oo doonaya in ay ka qaybqaataan Ciidul Fidriga waxaa kaloo jira in weli ay Xiran yihiin qaar ka mid ah wadooyin Muhiim ah oo ku yaal Magaaladda Muqdisho
Waxaana kuu muuqanaya Burburka lixaadka leh ee soo gaarey dhismayaashii Magaalada Muqdisho ka dib markii Muddo Sadex Sanno ah lagu hardamayey,Welina waxaa jira kala qaybsanaa u dhaxeeysey dhinacyada isku haya Magaalada Muqdisho mid welib waxaa uu iclaamiyey Goobo loo Calaamadeeyey in lagu tukado Salaada Ciidul Fidriga, Dowladda Federaalka ayaa waxay Diooneysaa in maalinka Ciida la isugu yimaado Masjidka Isbaheysiga Islaamka , sidoo kale Xarakadda AlShabaab ayaa laba Goobood iyana Iclaamisey oo kala ah Suuqa Xoolaha iyo Ceealsha Biyaha
Isku soo duuboo Ciidaan iyo Ciido ka horeeyey Shacabka Muqdisho waxay ahaayeen kuwo Marti u ah Colaad Abaar iyo Cuduro mana Muuqato saan saan looga baxayo Dagaaladaan iyo kala qaybsanaantaan ay ku raageen Muddo labaatan sanno sidoo kale mahelin Mudadaas Dowlad ka bixisa dhibaatada iyo Darxumada, qaarkoodna waaba ay quusteen waxayna iyaga Caruurtooda u baxdadeen Goobo ay is leeyihiin waad ku badbaadi kartaan marka waxaan leenahay Ciidan Ciideeda Ilaahow Nabad iyo Barwaaqo nagu gaarsii.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.