Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo umaddaha Muslimiinta farxada ciidul Fitriga owgeed hambalyo u diraya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa ummaddaha Muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed hawada u marinaya dhambaal ku aadan hambalyada farxada Ciida Soonfureed (Ciidul Fitr).

Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan farxada Ciida wuxuu si gaar ah hambalyo ugu dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dunida dacaladeeda isagoo yiri.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay kheyrkii bisha Ramadaan iyo Alle ka cabsigii sii wada, kuna bedela is cafis, walaalnimo iyo dib u heshiisiin dhab ah
oo dalkeenna ka curata” ayuu yiri  Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali  isagoo intaasi ku daray in wadanka maanta uu marayo marxalad aad u adag oo shacabka Soomaaliyeed ay la soo deristay abaar xoogan oo dad iyo duunyaba saameysay.

“Anigoo ka faa’iideysanaya fursadan Ciida waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta, gaar ahaana ganacsatada iyo qurbajoogtu inay caawiyaan walaalahooda abaaruhu saameynta xoogan ku yeesheen” ayuu mar kale  yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale codsi u jeediyay dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta.

Dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta

“Dalalka Islaamka, gaar ahaana kuwa Carabta ee aanu walaalaha nahay waxaan ka helnay jawaab dhanka abaarta dalka, balse waxaan ka sugeynaa jawaab ka badan mida haatan waxaana rajeyneynaa inay si buuxda u soo gargaaraan shacabka walaalahooda ee Soomaaliyeed”.

Marxaladda maanta dalku marayo

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan marxaladda cusub ee uu dalku marayo, isagoo tilmaamay in caddowga ummadda Soomaaliyeed ay awoodiisu aad u wiiqantay kadib markii ay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ay naafeeyeen, wuxuuna tilmaamay in loo baahanyahay in shacabku ay u midoobaan xoreynta caddowga gudaha iyo dibadda, si loo helo nabad, nolol iyo dib u dhis.

Beesha caalamku wey u soo jeesatay Soomaaliya

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu talaabo muhiim ah ku tilmaamay jawaabta beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya, isagoo xusay in maanta loo soo jeestay xasilinta dalka Soomaaliya ayna muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan fursadaasi ayna muujiyaan Midnimo iyo wadajir.

Ciid Mubarak, Kullu caam wa antum bikheyr.

Garad Salad Hersi

Communication Director,

office of the PM

Mobile: +252-615536608 +252-6-2536608

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.