Home » Warar »

Masaajidka Abubakar As-saddique ee Minneapolis iyo habeenkii 27 aad ee Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Masaajidka Abubakar As-Saddique oo ah Masaajidka labaad ee ugu wayn Maraykankaa sida cilmi baaris lagu wado Xarumaha Islaamiga ah oo ku yaar Maraykanka oo soo bixi doonta dhowaan ay hor dhac ahaan u tibaaxday, si wanaagsan oo dagan waxaa AAIC uga socday barnaamijta Rammadaanka, tobankii bari oo hore Sh. Maxamed Idris iyo bisha Ramadaan ayaa si wada jir ah usoo martiyey Masaajidka abuubakar, Sh. Maxamed Ayaa ku camiray Masaajidka duruus, muxaadaraad, Qiraa’o iyo ducooyinka witirka, Soomaalida Masaajidka ku xirana waxay soo wada dhaweeyeen bisha Ramadan iyo Sh. Maxamed, Ummada Soomaaliyeed waxay aad u jecelyihiin wacdiga, qoraalada iyo waanada Sh. Maxamed Idris taasoo lii laba jibaartay Jameecadii Masaajidka. Sh. Maxamed ayaa dhameeyey laba kitaab (Mukhtasar Siirada Nabiga iyo Afartan Xadiis oo tarbiyada ah) duraastaas oo aad looga faa’iidaystay intay socotay.

Waxaa lasoo gaaray tobankii dhexe Sh. C/risaaq xaashi oo ka mid ah Imaamyada Masaajidka, ahna Sh. Aad looga ixtiraamo Marayka gaar ahaana gobalka Minnesota, Sh. C/risaaq ayaa lagu yaqaanaa wacdi qiiro leh iyo Duruus badan uu Masaajidka uga bixiyo si joogta ah. Sh. C/risaaq ayaa bilaabay laba darsi  (Kitaabka Sifatusalaati Nabi, iyo Tafsiirka Quraanka) sidoo kale Sh. Ayaa bixiyey muxaadaraad iyo waanooyin kala duwan. Masaajidka ayaa camiraa sida caadada u ahaan jirtay, waxaana ka socday cibaado kala duwan iyo sadaqa bixin lagu caawinayo Masaajidka ilaa laga soo gaaray tobankii danbe.

Habeenkii 27 oo ahaa Habeen barakaysan

Waxaa lasoo garaay tobankii Danbe oo Masaajidku aad u buux dhaafay gaar ahaan tirooyinka kisiga ah, muslimiinta Abubakar ku xiran oo soo raacayey Culimada masaajidka oo dadwaynaha kala hadla mawaadiic farabadan oo kala duwan, su’aala hoodana uga jawaabayey, gaar ahaana bisha ramadaan dadaal dheeraad ah bixiyey, sidoo kale waxay soo raacayeen quraa’da kala duwan ee codka illaahay siiyey, ducada witirka culimmadu ducaynaysay iyo xarunta oo aad u wayn ummadana in bada oo kamid ah qaadi karta, sidoo kale waxaa Ramadaanka lafuray Jikadii Masaajidka loogu diyaarinayey Cuntada, taasoo sahashay inaan Jameecadu ka fakarin Afur iyo Suxuurtoona, Afurka waxaa Masaajidku afurinayey in kabadan 600 oo qof maalin kasta, suxuurtana in ka badan 1000 oo qof habeenkii, gabdhaha Abubakar oo Maama Canab hogaaminayso, ayaa aad isu habeeyey howshaasna u waday si xowli ah, culimmada, maamulka iyo muslimiinta oo dhana ka duceeyeen.

Waxaase xusid mudan markii lasoo gaaray habeenkii 27-ka in masaajidka Abubakar ay muslimiintu aad ugu soo qul qulayeen sidii daadkii, rag iyo dumar waxay buux dhaafsheen meelkasta oo banaan,  labada dabaq iyo aga gaarkoodana isku si ayaa loogu tukanayey, sida sawirada aad ku arkayso way adkayd in la helo meel qof ku suguudi karo oo banaan arintaasna mahadeeda illaahay ayaa iska leh,  waxaase taas kasii daraa markii la tukaday afartii hore, ayaa sidii lagu balan sanaa in habeenkaas la dhamaystiro kala bar kharashka guud ee ku baxa masaajidka lagay aruurintii, dhowr jeer ayaa horay loo iclaanshay in 27-ka lagu soo talagalo si loo aruuriyo Masaajidka kharashaadkiisa, Jameecadana way kusoo tala galeen, sida ka cad jawaabta ay ka bixiyeen.

Ugu horayntii waxaa lasoo bandhigay kharashka sanadlaha ah ee ku baxa Masaajidka iyo sida loo maareeyo, sidoo kale waxaa lasoo bandhigay tabarucaadkii la yaboohay iyo waxa kasoo xarooday, arintaas oo jameecada power point presentation loogu faah faahshay, waxaa kaloo laga warbixiyey sanadkii lasoo dhaafay iyo waxa qabsoomay, sida; Jiko, Wiish, Macad Islaami ah, qurxinta xaga hore ee Masaajidka, Mu’tamarka sanadlaha ah iyo Qalin jabinta Dugsiyada caruurta iyo dumarka. Sidoo kale waxa lasoo bandhigay howlaha hada socda sida; Parking-ka oo dhamaantiis labadalayo, Camerooyinka iyo system-ka dabdamiska oo la dayactirayo iyo Musqulo cusub oo qaybta dumarka lagu kordhinayo. Sidoo kale waxaa la sharxay waxqabadka guud ee Xaruntu ummada u hayso.

Intaa kadib Sh. C/risaaq xaashi ayaa bilaabay aruurinta tabarucaadka, yoolka habeenkaas lalahaana wuxuu ahaa $150, 000 oo kaliya, illaahay fadligii Shiikha wuxuu ka bilaabay $1000 mudo kooban gudahoodna waxaa gacanta taagay 100 qofood, waqti kama soo wareegin markii 50-kii kalena lagu yaboohay, ilaa ay dhacday in shiikhu iska joojiyey dadkii oo wali wada tabarucaadkii, si salaada loo dhamaystiro, waxay ahayd habeen taariikhi ah oo aan in dhawayd la arag mudada gaaban ee intaa leeg iyo lacagta lagu aruuriyey, taasi oo ku tusaysa sida ummada qabuul illaahay uga siiyey Xaruntooda Abuubakar iyo Culimmaddooda. Muslimiinta reer Minnesota ayaa aad ugu xiran Xarunta Abuubakar iyo Barnaamijteeda, aadna ugu kalsoon qaab u socodkeeda iyo inay markasta taageeraan, ilaahay abaalkeeda ha siiyo.

Waxaan isu dardaar maynaa inaan joogtayno acmaasha khayrka ah oo aanan noqon kuwa bil caabudayey ee aan noqono kuwa illaahay caabudayey. Culimmada iyo  Maamulka xarunta Abuubakar waxay aad ugu mahad celinaysaa dhamaan ummada khayrka jecel ee Xarunta kusoo camiray Cibaado iyo caawin labadaba, sidoo kale waxaan si khaas ah ugu mahad celinaynaa ugana ducaynaynaa dhamaan walaalaha sodonkaas bari Volunteers-ka ahaa ee xoogoodii iyo waqtigoodii sadaqaystay si muslimiinta kale si habsami ah ugu cibaadaystaan, gaar ahaan gabdhaha Jikada ku jiray sodonka bari, raga parking- ka taagnaa iyo walaalaha gudahada Masaajidka ka shaqaynayey, Jizaakumullaahu khayran.

Illaahay ayaan cafis waydiisanaynaa wixii gaabis ah ee xagayaga ahaa, sidoo kale walaalaha aan u khidmaynaynay ayaan cudurdaar iyo raali galin u diraynaa wixii gaabis iyo khalad xagayaga ka yimid.

Ogaysiiska Ciida oo faah faahsan dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha allaah, hor dhac ahaanse waxaa lagu tukanayaa Minneapolis Convention Center 8:45am ayaa salaada loo is taagayaa, ciida ka dibna waxaa la isugu tagi doonaa Minnesota Valley fair insha allaah.

Hassan Jama (xasan Dhooye

Maamulaha Xarunta Abuubakar

Minneapolis, MN USA.

Hassan dhooye 

 

 

Hassan Jama (Hassan Dhooye)
Executive Director
Abubakar As-Saddique Islamic (AAIC)
2824 13th Ave South
Minneapolis, MN 55407
612-871-8600       Ext:3
Cell:  612-636-5338
Fax: 612-436-0259
Email:aaic@abuubakar.org

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.