Home » Warar »

Deeq lacag ay soo Direen Jamaacada Masjidka Ibnu Cutheymiin ee Dalka Ingiriiska gaar ahaan Xaafadda Leicester.

Deeqdaan ay iska soo ururiyeen Jamaacadda Masjidka Ibnu Cutyeymiin ee Dalaka Ingiriiska Gaar haan Xaafadda Leicester ayaa waxay ugu tala galeen in ugu gargaaraan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateysan oo ku waxyeeloobey Abaaraha Dalka ka jira.

Qeybinta Deeqdani lacagta ah ayaa waxaa loo soo Wakiishay Sheekh Cabdi wali Muuse in uu gaarsiiyo Dadka dhibaateysan oo si aad ah ugu baahnaa uguna soo beegantey xili Diyaagarow loogu jiro Ciidul Fidriga

Qadarta lacagata ay iska soo aruriyeen ayaa waxay gaareysay $2500 (Laba kun iyo Shan Boqol oo Doolar kaliya) lacaggatani oo loo Badalay Shilin Soomaali loonaa qeybiyay Qoysas gaaraya ilaa 150 Qoys , iyada oo loo qoondeeyay qoys waliba lacag dhan 400,000 Shilin Soomaali ilaa 500,000 Sh.So hadba sida loo arko iney u kala daran yihiin halka kuwa qaarna la siiyay 300,000 sh.So.

Qoysaskii la gaarsiiyay deeqda lacageet ayaa u mahadceliyey intii soo dhiibtey iyo intii ka qayb qaadatey Qaybinteeda waxayna si gaar ha ugu Mahadceliyeen dadka Soomaaliyeed nool dalka Ingiriiska gaar ahaan Xaafadda Leicester waxayna Ilaah ugu baryeen inuu ilaah kaga Abaal mariyo Bisha Ramadaan Fadligeeda.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Ugu danbeeyntii Masiilka Deeqda loos oo wakiishay ayaa isna u mahad Celiyay Allaah ka dibna Jamaacada soo dhiibtay Kaalmadaan lacagta ahwaxayna  ugu Baaqeen  dhamaan Qurba Joogta iyo Muxsiniinta in ay ku tartamaan kheyrka si uu Alaah ugu abaal Mariyo Xoolahooda  ay Bixinayaan Maanta Maalin ay kaga Baahi Badan yihiin Fursadaha wanaagana leyskama helo kaliya waa cidii uu Alaah Waafajiyo “ Howshaana waa howl ku dayasho mudan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.