Home » Maqaallo »

Saadaalinta siyaasadda iyo horumarka Ahlu sunna waljameeca

Todobaadkaan, August 26, 2011, ayaa magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud loogu doortay Prof. Xirsi Maxamad Hilowle, Guddoomiyaha Guud ee Ahlusunnah waljamaacah. Professorka waxa alagu doortay cod aqlabiyad ah oo ku dhacay nidaamka ah “hal nin iyo hal cod” oo ka barax la’ musuqmaasuq marin habaanin iyo muruq marin intaba. Haddaba waxaan maqaalkaan ku falanqaynaynaa waxa uu Prof. Hilowle ku soo kordhin karo Maamulka Ahlusunnah oo ah mid muddo dheer soo kacaan- kufayey? Si aan taas odoros siyaaseed ugu dhiraandhirino, waxaa habboon in aan wax ka taabanao taariikhda Wadaadka ama caalimka la doortay.

Prof. Xirsi waxa uu isaga oo 14 jir ah ka qayb qaatay ololihii Faafinta Afka Soomaaliga ee lagu magac daray “Ololha la dagaallanka Wax Qorsi akhris La’aanta” (maxwal ummiyah – combating illiteracy). Ka dib markii uu dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare iyo tababar macallinimo waxaa loo magacaabay Ku Xigeenka Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta. Bilogii sanadihii 1980 aadkii ayuu waxbarasho heer jaamacadeed ah u aaday dalka Urdun. Halkaa oo uu ku soo qaatay shahaadada Bajular, ka dibna waxa uu nidama waxbarsho oo ka dhexeeya dalalka isla Urdun iyo Suuriya ku sameeyey darajada Masterka. Ka dibna waxa uu Master Degree kale ka diyaariyey dlaka Malaysia. Waxa uu qoray Risaala qalin jabin oo Cinwaankeedu yahay: “Al-Salafiyyah Al-Wahaabiyah; Bayna Mu’ayidiihaa wa Muntaqaidiihaa” oo macnaheedu yahay “Salafiyada Wahaabiyada ah oo u dhexeeya Taageerayaashooda iyo Mucaaradkooda”. Sanadkii 1998 kii waxa uu shahaadada ugu saraysa ee jaamacdeed, Ph.D. ka qaatay jaamacadda Farsamada ee Malaysia.

Sanadkii 1990 kii waxa uu ku guulaystay in loo qaato macallin wax ka dhiga jaamacadda Islaamka ee Caalamiga ah ee Malaysia. Halkaa oo uu wax ka dhigayey tan iyo 1995, kii, intii uusan dib ugu soo noqon mar kale 2008 kii, oo hadana wax ka sii dhigayey tan iyo 2011 kii. Sanadkii 1995 ilaa 2005 waxa uu wax ka dhigayey jaamacadda Boqorka ee Boqortooyada Buruneeya, halkaas oo la taliyana u ahaa Boqorka Buluqeeya oo ah ninka dunida aan maanta joogno ugu maalqabeensan. Muddaddii 2005 ilaa 2008 waxa uu wax ka dhigayey jaamacadda Farsmaada Islaamiga ah ee Malaysia. Intii uu Jaamacadaahs Bariga Fog wax ka dhigayey Prof. Xirsi waxa uu wax soo baray Arday faro badan oo maanta Madax iyo maamulayaal ka kala ah daafaha Dunida oo jinsiyad walba isugu jira. Sidoo kale waxa uu wax soo baray Caruurta Madax badan oo maanta jira sida Ilmaha Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha Dalka Turkiga oo iyagu waayadaan si weyn ugu mashquulsan badbaadinta Soomaaliya. Xagga ardayda Soomaalidana waxa uu waxbarshada jaamacadahaas ku taageeray ama u qalqaaliyey dhallinyaro aad u badan oo aan Aniga Qoraha Maqaalkaan ka mid ahay.

Sanadihii 2005 – 2011 waxa uu si qayb ah – part time, iyo fulltime – si buuxda xilliyada Kulaylaha – summerka uga shaqaynayey Machadka Horumarinta Fikirka Islaamka ee Australia ee dalka Australia. Mudada uu joogay Australia waxa uu ka mid ahaa Guddiga soo saara Wargayska Caalamiga ah ee Australian Journal of Islamic Studies.

Sanadihii 1996-2011, waxa uu Dr. Xrisi ahaa Agaasimaha iyo Tifatiraha dhawr Website oo kala ah www.somalielectronicjournal.com, www.2garre.com, www.ahlusunnahwaljamaacah.com, iyo kuwo kale. Waxa uuna ahaa Sheekh fir fircon oo muxaadarooyin xilliyeed ka dhiga dunida reer Galbeedka. Sheekhu waxa uu ku caan baxay difaaca caqiidada iyo siyaasadda ahlusunnah wal-jamaacah isaga oo ku socda tababarkii uu siiyey Abbihiis Aw-Labagarree oo ahaa Sheekh aad looga yaqaan Gobollada Galgaduud, siiba magaalada Ceel-Buur oo xaruntiisa ahayd iyo Gobolka Banaadir.

Ugu dambaystii, Sheekh, Dr. Hilowle waxa uu yahay ninka keliya ee ay ilaa maanta kalsoonida buuxda siiyeen madaxda Muslimiinta ahee dalalka Malaysia, Indonesia, Brunei, iyo kuwo kale. Sidoo kale waa Caalim Islaami ah (International Islamic Scholar) oo laga qaoonsan yahay dunida Muslimka iyo kuwa kaleba. Haddaba side ayuu u hormarin karaa siyaasadda iyo maamulka ahlusunnah? Jawabata su’aashaas ayaan ku falanqayn doonaa maqaalkeenna dambe ee la soco.

Sheekh, Prof. Xirsi Maxamad Hilowle,

Guddoomiyaha Guud ee Ahlusunnah Wal-Jamaacah ee Soomaaliya

 

Waxaa soo diyaariyey:

E-mail:qaasim@mail.com

Dr. Qaasim Xirsi Faarax

Toronto, Canada


 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.