Home » Warar »

Denmark oo qaaraan gaaraya 21Milyan oo doolar xalay u ururisay Soomaliya, Itoobiya, Kenya.

Waxaas oo lacag ah ayay dadka reer  Denmark  xalay u ururiyeen dadka ku gaajoonaya geeska Afrika. Lacagtan oo lagu ururiyay labada telefishan ee Denmark ugu wayn ee kala ah TV2 iyo DR ayay ka qaybqaateen ururinteenda  dhamaan noocyada kala duwan ee bulshada, caruurta iskuulada , ururada siyaasada, ganacsatada , tijaarta waaweyn oo ay qaarkoon bixiyeen nus milyan. fanaaniinta , ciyaartooyga  . telefishinada laftooda ayaa bixiyay lacag kudhow 800,000 kr.   Raisal wasaaraha Denmark Las Løkke iyo gabadha kursiga kula tartamaysa Heller Thoning ayaa qabanayey telefoonada lagu bixinayay qaadhaanka buuran ee ka badan 100,000 kr. taas oo dadka in ay lacagta bixiyaan ku dhiiri galinaysay marka uu raisal wasaaruhu telefoonka ka qaado.

wariyayaasha Denmark ayaa ilaa xalay sawiro iyo warar ka soo dirayey magaalada  Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si ay dadka ugu dhiiri galiyaan in ay jeebada gacanta galiyaan, dhanka kale amiirada denmark Mary iyo wasiirka caawimada dibada iyo madax kale ayaa iyaguna hada ku sugan xeryaha qaxootiga soomaalidu ku jirto ee Dhadhaab . si ay indhahooda ugu soo arkaan xaalada nolol xumada ah ee halkaas ka jirta.

Isku soo wada duuboo Demark xalay umay kala hadhin caawinta dadka tabaalaysan ee Soomaalida ah lacgtuna waxay noqotay 110.013.903 kr oo udhiganta 21,404,211.82 $ doolar (Kow iyo labaatan malyan afarboqol iyo afar kun  lababoqol kow iyo toban kun oo doolar).

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.