Home » Maqaallo »

Aqool xumada hey’adaha gar gaarka, iyo Xeeladaha Barakacayaasha, Alloow ur u bixi,

war bixin ka hadleysa xaaladda, Barakacayaasha…

Weedhan ama hadalkan waxa ay dibnaha qof ama bulsho soo dhaafaan marka hooyo ubadkeeda diidoo wax la quuto la waayo, ama naf nolol lagu ogyahay ay dabin u gasho wax halis ku ah, welina aan laga quusan, hadaba maanta dad badan oo soomaaliyeed waxa ay halis ugu jiraan geeri,welina lagama quusanoo naftu wey ku jirtaa,waayoo inta cagahooda soo maashayee muqdisho lagu haraad tiray mooyee waxaa jira inbadanoo looga soo tagay dagmooyinkii iyo tuulooyinkii ay abaartu ku dhufatay,

Hadaad xooraansato qaar badan oo ka mid ah qoysaska muqdisho soo gaaray,iska daa calool xumo kugu dhalatee Alloow yaaneey illin ku soo dhaafin, marka aad maqasho,Aabaheey isagoo waayeel ah nafina ay ku jirto Ayaan uga soo tagay aqal soomaali madoow oo aan biyo iyo baad toona oolin, waxaana sidaa u yeelay markii uu igula taliyay intii reerku geeri isla barkan lahaa in aan la cid iyo ciirsi raadsado, kuwaan yar yar ee uu awowga u yahay, hadana waxa uu ku sugan yahay Allaa yaqaan !!!

Bal ka waran marka ay dhagtaada ku soo dhibicdo, waxaan wadada uga soo tagay intaan geed hoos fadhiisiyay ilmaahaan Hooyadood ka dib markii hayaanka oo dheeraa awgii iyo haraad iyo gaajo na haleelay dartii ay labo saamood is daba dhigi weyday,hadana in ay nooshahay u maleyn maayo !!!!

Kaba sii darane ,ka waran marka lagaaga sheekeeyo in Hooyo ilma yar oo ay dhashay inteey maro ku duuduubtay ay geed wadada hareertiisa ku yaal inteey hoos dhigtay, kagana soo dhaqaajisay halkaa,iyadoo moodda in uu geeriyooday kadib markii ay juuq iyo jaaq ka weysay, nasiib wanaagse duul kaloo wadada soo maray ay horay u soo qaadeen markii ay arkeen nuux nuuxsiga marada,maalmo ka dibna xeradii hooyadu tagtay dad ugu warameen in laga dhex baafinayo ilmo yar oo hadda la keenay,dabadeedna waa hooyee inteey haw soo tiri baadi goob ugu dhaqaaqday, mise waxa la baafinayaa waa wiilkii ay 4 aqoolood ka hor geerida uga soo tagtay, sidaana ay markale kula midowday wiilkeedii , maxaa yaab is daba yaal,!!!

Dadka wax tacliiqiya, waxa ay abaarta qadar Alla ka sokoow eedeedda dusha ka saaraan colaadda daba dheeraatay ee ka jirta soomaaliya,taasoo noqotay madhamaato,waayoo, markii ay qolo daashaba waxaa qoryaha qaata qoom cusub oo ku xaragooda iyagoo huwan xirfad cusub,markaa ayay qolyihii hore waxa ay wax ka sheeg sheegaan oo la yaabaan qolyahaan cusub iyo xirfadooda,waayoo hadii aaneey colaadi jirin waxaa jiri lahaa nidaam dowladeed,hadii dowldi jirtana waxaa la heli lahaa maamul iyo nabad, dabadeedna waxaa sare u kici lahaa wax soo saarka iyo tabaca beeraha markaana dadkeeni waxa uu gaari lahaa isku filnaan,

Bal u fiirso sow ayaan daro maaha in loo dawarsado hadwalba Gobolada koofureed oo ah halkii dhulbeereedka soomaaliya iyo wabiyadu marayeen,marka xaajo xumaatana la filayay in lagu baxsado,taa badalkeedana ay hadda dadka Goboladaasi u soo dareeraan iyagoo faramaran gobolo aan wax ka soo daga mooyee wax ay u dhidideen waligood laga dhoofin,

20-kii sano ee u danbeysay marka laga reebo Abaaro kooban iyo fatahaado, waa markii 2-aad oo ay Soomaaliya macluuli ka dilaacdo,1993-dii ayay ahayd markii gobalada Bay iyo Bakool lagu tilmaamay magaalooyinkii dhimashada,waxaa waqtigaa loo sameeyay gurmad bini-aadanimo,waxaa xal loo helay caqabado jiray sida dhaca maleeshiyaadku u geysan jireen gaadiidka shixnadaha wada,kuwa afduuban jiray shisheeyaha gargaarka sida, iyo qodobo kale,waxaa xiligaa tilaabo miyirqab leh ku dhaqaaqay Ergaygii QM idoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Amppasador Maxamed saxnuuni, waxa uu ergaygani ahaa maskaxdii ka danbeysay in gargaarku si nabad ah isaga kala goosho gobolada dalka,waxa uu saxnuuni gaarsiiyay loorka bariiska ah ama burka in uu beec ahaan gaaro wax ka yar 6,000 oo Sh.Somaali ah,taasoo ka xishoodsiisay maleeshiyaadkii dhaca u geysan jiray gargaarka,

Hadda QM markii ay abaartu ku dhufatay Soomaaliya, waxa ay calaamadeysay Gobolada Bakool iyo Sh.hoose, iyadoo la rumeysan yahay in ay gobolo kalena abaari ka jirto, dad baa qaba in la siyaasadeeyay xaqiiqda abaarta,waxaase suurta gal ah in ay QM sidaa u yeeshay in la qorsheynayo in gargaarka xoog malatari lagu gaarsiiyo meelaha la calaamadeeyay,

Balse, tan iyo markii lagu baraarurugay qulqulka barkacayaasha soo gaaraya Muqdisho,waxa ay dadka ku dhaqan Caasimadu si kala madaxbabaan u caawiyeen walaalhooda,sida Dowlad, Ciidan, Arday, Maamulka Gobolka Banaadir, Haweenka, Ganacsatada, Saxaafadda iyo si shaqsi shaqsi ahba,looma kala harin xataa Cuuryaamadii 77 ayaa waxa ay gacan ka geysteen gurmadkan,waxaa sidoo kale xusid mudan Qurba joogta oo si weyn uga dhex muuqday dhiig joojintan,

Dhanka kalese, dadkani markii ay ku habsadeen xarumihii waaweynaa ee dowladda ee ku yaalay bartamaha Caasimadda, waxaa loo hindisay in loo raro xerro ku taala dacalka koonfureed ee Dag/dharkeynleey taasoo loo bixiyay BADBAADO, hadaba xeradaasi maxaa kaga horeeyay oo loogu diyaariyay, tiro intee le,eg bey qaadi kartaa,maxaase laga yeelayaa boqolaalka kaam ee weli ku harsan dagmooyinka G/banaadir kuwaasoo isugu jira kuwa horey ugu sugnaa iyo kuwa cusub,midna la isma weydiin, tan kale,dadkan looma sameyn qorshe, lama tirakoobin, kaarar lagu aqoonsado ma heystaan, mid wax helay iyo mid qaday lama kala yaqaan,habac badan baa ka muuqda halkaa, waxaadse moodaa in arinku ahaa mar un magaalada dhinac ha u dhaafaan,

Waxaase dhacday, in ay dadkani sidii maxaabiistii mar walba ka soo baxsadaan dhibaatada ay kala kulmeen xeradda lagu ooday,sida dhaca raashinkooda,dilka,kufsiga iyo musuqmaasuqa lagu hayo,tiiyoo aaneey jirin cid wax ka qabaneysa hadal mooyee,marka ay magaalada soo galaana loogama haree waxaa qasab loogu celiyaa markale inta baabuur lagu guro xera baasta,welina xal looma helin xaaladooda,kaaga sii darane xerada badbaado waxeyba u muuqataa iminka meel ay Dowladu ku dawarsato caalamka, waayoo madax kasta oo timaada dalka,ugu horeyn waa halka lagu beer-laxowsado oo loola cararo si ay u soo arkaan macluusha Soomaaliya ka jirta, hadana bal iska daa xerooyin kalee waxaa caalamku baahi tiri la’yahay xerada Badbaado oo qura, dhibkiina weli waa ka jiraa,waa yaab !!!!

Dhanka caalamka, waxaa Soomaaliaya loogu deeqay malaayiin doolar, waxna iminka waa laga gudbay oo la xisaabi, waxna weli waa harsan yihiin,waloow siyaabo kala duwan loo qoondeeyay sida xeryaha xuduudaheena ka baxsan , kuwa gudaha ku yaal, tabaca beeraha, C/fimaadka iyo dib u dajin guud,hadana dhaqaalahaa balaaran ee loogu yaboohay abaaraha G/Africa, Alloow yaraa inta soo gaarta dadka loogu tala galay,!!!

Marka gacma badani soo dalaalaan, waxaa aqoolxumada jirta ka sii daran rag iyo dumar horjoogayaal aan la dooran ah oo horboodaya kaamamka iyo barakacayaasha, kuwaasoo meelaha araajida maalmahaan soo buuxiyay si ay u sii dalaalaan inta farahooda ka soo sibxatay dalaaliinta Caalamka,Alloow iyana dhibka lagu qabo badanaa,!!! taa waxaaba ka sii daran ciidamo hubeysan oo la maqlayay maalmahaan in ay dhac iyo boob u geystaan barakacayaasha,kuwaasoo iyana maanta u baahan in loo hindiso fikrad la mid ah tii Maxamed saxnuuni si looga samata bixiyo cunada gargaarka loogu tala galay,

Waa suurta gal markii ay dad badani maqleen yabooha dhaqaale ama gargaar ee loogu talagalay soomaaliya,in ay si weyn u soo dhaweeyeen, iyagoo markaa rajeynayay bal iska daa kuwa soo barakacaye in xataa uu hoos u dhac weyn ku imaan doono qiimaha maciishadda ay ku iibsadaan dadka caadiga ah, islamarkaana filanayay in raashin fara badan oo gargaar ah lagu soo fatahi doono dalka, balse taasi ma dhicin, oo iska daa barakacayaashee waxaa haatan qaati jooga dadkii caadiga ahaa meel hasta ha joogaane, waayoo abaarta ka hor halkii uu joogay qiimaha raashinka iminka waxa uu sare u kacay %15,waxaase la ogaaday in ay 3:- arimood sabab u yihiin,

· Ganacsatadii oo xanibtay badeecadahoodii iyagoo ka cabsi qabay in dalka la keeni doono raashin gar-gaar ah,oo ka jaban kuwa ay keenaan,balse taa badalkeeda faa’ido badan ka hela keydkoodii.
· Hey,adihii gargaarka oo markaan hindisay sababo jira awgood in ay raashinka gar-gaarka ah ka iibiyaan suuqyada dalka gudihiisa ah,, lana soo galay dalka lacago fara badan, marka laga reebo wadamo carbeed oo waxoogaa cuno ah duulimaad iyo maraakiib ku keenay,kuwaasoo qudhooda dad badani is weydiinayaan halkii ay ku danbeeyeen,mana jirto cid la xisaabtanta ama dabagal ku sameysa Hey,adaha dhaqaalahooda iyo halka ay ku bixiyaan,

· Iyo tan ugu daran oo ah raashinkii barakacayaasha subixii loo qeybiyo oo galabtii dib ugu soo laabta suuqyada, islamrkaana ay mar kale isla raashinkaasi dib uga soo iibiyaan suuqyada Hey,aduhu,NGO-yada iyo qandaraasleyda oo iyaguna aan musuq-maasuq ka marneyn,taasoo runtii xaaladda ka dhigtay mid lagu jahwareero iyo weliba in la kala garan waayo cidda barakaca ah iyo cidda lagu soo barakacay.waayoo dadkii oo dhan waxa ay noqdeen kuwa maanta ay wada saameysay dhibaatdu inyar mooyee, marka sow la isma weydiin karo su,aasha ah, caalamku ma waxbuu noogu daray wixii aan horay u heysanay, mise waa nooga daray ?

Dad badan baa aaminsan in hadii Soomaalida oo looga bartay isgacan qabashada ay dal iyo dibad isku qeyla dhaansadaan sidii horayba u dhacday, loona daayo xaaladda in arinku dhaami lahaa sida uu maanta yahay.haba iska tabar yaraadaane, Xaqiiqduse waa Soomaalidu ,hadii ay horey u sheeg sheegi jireen in lagu hayo, faragalin Diineed, Siyaasadeed, Malatari ,iyo mid Maskaxeed,in tanina ay tahay iminka marka aad dhab u fiiriso xaalad lagu tilmaami karo faragalin dhaqaale,

Malahase, qeyladii yeertaa qoom baaneey uga darine, waxaa jira kuwa qaxootiga inteey xero ku ooteen u qeybiya raashin kulul,{Karsan} inta nacfiga lehna ka soocda, markaa ayay Barakacayaashuna dhankooda hindiseen in ay cunadaa ka iibiyaan dadka ariga ,lo.da iyo dameeraha wata, si ay u helaan sunuud yar oo ay kala soo baxaan wax ay liqi karaan,waxaa sidoo kale xeryaha barakacayaasha qaati looga taagan yahay dalaaliin iyo ganacsato sicirkeey doonaan kaga fara marooqsada deeqda la siiyo,waxa ayna Barakacayaashu sidaa u yeelayaan oo iibinyaan wixii la siiyaba cabsida ay ka qabaan in guura habeen iyo qori caaradii looga qaato wixii gacantooda ku habeensada,

Hadaba sow ma haboona in Xukuumadda Reysal-wasaare Dr,Cabdi Wali, Maamulka G/banaadir ee Tarsan,Ganacsatada iyo Gudiga Dowladu u magacowday abaarahaba, in ay wax ka qabtaan xaaladahaa aan soo sheegay ayna la yimaadaan qaab habeysan oo hoos loogu dhigi karo sicirka cunada, islamarkaana ay hey,adaha gargaarku wax ku gaarsiiyaan dadkan,amaankoodana lagu sugo,Mise xaalku waa !!Booba yaa Wadani !! waayoo iminka waxaa la soo sheegayaa barakacayaal markii laga dhacay wixii la siiyay la dilay, kuwa loo diiday markii ay damceen in ay isaga soo tagaan Xeryaha lagu aanfeeyay,kuwa aan barakac aheyn oo safaf dhaadheer ugu jira raashinkii gargaarka, qaarkoodna ayba hubeysan yihiin iyo arimo kale oo isbar-bar yaac u muuqda, marka sow xaalka barakacayaasha ma haboona in aan niraahno, ALLOOW UR U BIXI !!!!!!!

C/qaadir Max’med Faarax {Dulyar}

Dulyar21@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.