08/25/2011
Email: mabdalle@gmail.com
ASC: Waxan ilaaha raxmaanka ah kor ahaaye ka baryayaa inuu ummadda Soomaaliyeed ee ay wiiqeen abaaraha, colaadda iyo cudurradu, uga miciino oo raxmaad u shubo, boggooda subag isu mariyo, talcuusahana ka samata bixiyo, aammiin!. Gabaygan oo soo baxay 08/25/2011 waxa abwaanku ugu ducaynayaa dalkii iyo dadka Soomaaliyeed inay ka raystaan abaarta, cudurka iyo colaadda daba dheeraatay, akhris wanaagsan.
Halkan ka dhegeyso Gabayga:
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/hannaskiyo_abaaraha_Shiine.mp3]- Ha’da Maanso hooyaale gabay kuma hadaaqeene
- Hoggaankaba u goo baan lahaa haamaddiisaba’e
- Hannaskiyo abaarahan dadkii wada halaakeeyey
- Ninba haatan helid iyo awood heeggan waw yahaye
- Hodonkoow rucdiga naga dul qaad adigu noo hiili
- Ummaddii harraad baa jariyo halas abaareede
- Halistiyo colaadahan allow ka hinjiyoo dhaafi
- Nabad baa hoyaad lehe rabboow nagu hanuun khayrka
- Rabboow roobka soo hooriyoo harada noo buuxi
- Cirku heego malahoo dhulkii waa halwanayaaye
- Hogoshii gu’sooriyo la waa hilinkii dayreede
- Heermoo dad iyo duunyadii waa huf beel taniye
- Eebboow nasriga haybaddale hodanka soo meeri
- Hooggiyo colaaddan is barkaday lagu hagaasowye
- Maatada qaxootiga ku horan waa hunguyiyo ceebe
- Waayeel hanqaarmiyo carruur habaqtamoo ciiri
- Hagran maysid adiguye Allow hodanka soo meeri
- Afartaa hadyaad duca ah iyo hirar nabaaddiino
- Hilibka I damaqaayiyo dareen huriyey laabtayda
- Huqda aan dhammaanayn qalbiga hibashadiisii dheh
- Hodonkaan durraansaday Allow adigu noo hiili
- Maantay habboon tahay haddaad hagar baxaysaane
- Gacma wada jir bay hawli hano ku hab samaataaye
- Soomaalinnimo waxa u huroo heeggan ugu ahaada
- Hoo iyo walaal bay rabaan hiilo gacaleedee
- Nin haleelo geel maalayoo gacalku hoomaayey
- Hadhuub gaal u quudhayn martida hoo aan oranynin
- Marbuu haama gooyaha bakhayl soo habeen dhixiye
- Hoo iyo walaal bay rabaan hiilo gacaleedee
- Ubad ay darxumo haysatoo gaajo la hamuumi
- Hooyada halyaygay dhashiyo hanaddadii weydey
- Kolkaan halacsadaa baa wadnuhu ila hugleeyaaye
- Hoo iyo walaal bay rabaan hiilo gacaleedee
- Belaayadu intay huruddo baad samo hoyaaddaaye
- Habeen bay masiibadu dhaxdaa waa hadh labadiiye
- Ilaahay halkuu kuu gartana hubanti weeyaane
- Hoo iyo walaal bay rabaan hiilo gacaleedee
- Afartaa hadyaad duca ah iyo hirar nabaaddiino
- Hilibka I damaqaayiyo dareen huriyey laabtayda
- Huqda aan dhammaanayn qalbiga hibashadiisii dheh
- Hodonkaan durraansaday Allow adigu noo hiili
- Hanti baan arkaayaa la yiri haqab tir weeyaane
- Horor iyo waraabaan arkaa hoobsadoo cuniye
- Hadimaa ku ladhan deeqda ay Yurub hibaysaaye
- Madaxdeennu waxay haybiyaan waxay hidiidaane
- Soomaalida habaar baa ku dhacay hanaddadeediiye
- Haldoorkii ka madhayoo qurbay ka hawisaayaane
- Waxay uga hayaameen dalkii hoolifliyo liide
- Hodonkoow rucdiga naga dul qaad adigu noo hiili
- Hanaqaaddayoo ceebtayada nacab ku haasawye
- Hutuu kulay ku tahay aadamuhu nagu hitaataye
- Waxa hoyga noo yaal nabsigii eed habaar qabe eh
- Hodonkoow rucdiga naga dul qaad adigu noo hiili
WT Maxamuud Axmed Cabdalle (shine)
Email: mabdalle@gmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.