Raiisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo haatan ku sugan Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland ayaa waxaa Kormeer ku tagey Xerooyin ay ku jiraan dad Barakacayaal oo ku yaal Magaalada Garoowe
Raiisul Wasaaraha DFKMG ayaa Warbxin ka dhageystey Horjoogayasha Kaamamka iyo Madaxda Puntland taasoo ku aadaneyd Xaaladda ay ku sugan yihiin Dadka Barakacayaasha isagoo sheegey in Dowladda Federaalka ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gaarsiin doonto wixii Kaalmo ah oo ay u baahan yihiin dadkaas.
Raiisul Wasaaraha waxaa kaloo uu booqdey Jaamacadda Magaalada Garoowe isagoo kulamo la qaatey Madaxda Jaamacadda Garoowe iyo Ardeyda wax ka barata Jaamacadaas iyagoo Dowladda Fwederaalka ka codsadey in ay gacan ka siiso sidii loo Horoumarin lahaa Waxbrashadooda
Raiisul wasaraha DFKMG ayaa intii uu joogey Garoowe waxaa uu kulamo la qaatey Madaxda Maamulkaas oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Maamulkaas Cabdiraxmaan Faroole oo ay sla soo qaadeen sidii loo dhameeyn lahaa Khilaafka u dhaxeeye Dowladda Federaalka islamarkaan mar kale uu iskaashi u dhexmari lahaa labada dhinac isagoo Raiisul Wasaaraha uu sheegey in Maamulka Puntland uu wax la taaban karo weyn u qabtey Bulshadiisa
Raiisul Wasaaraha Dr Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa waxaa lagu waramey in sababaha uu u tagey Garoowe ay tahay sidii Magaaladda Garoowe loogu qaban lahaa Shirka wada tashiga Soomaaliyeed sidoo kale waxaa la filayaa in wafdiga Raiisul Wasaaraha uu hordhac u yahay Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu ku tago Garoowe
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaroo@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.