Home » Warar »

Walid Bin Dhalaal Bin Cabdicasiis oo Maanta soo gaarey Magaaladda Muqdisho

Waxaa maanta Magaaladda Muqdisho soo gaareyn Maalqabeenka u dhashay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya kana mid ah Amiirada dalkaas Waalid Bin Dhalaal Bin C/casiis Al-Sacuud oo uu adeer u yahay Boqorka Sacuudiga waxaana uu Muqdishi u yimid sidii uu u eegi lahaa xaaladda dad ay Abaarta Saameeysey.

Waaliid Bin Dhalaal Bin Cabdicasiis  oo ay la socdeen xubno ka mid ah qoyskiisa ayaa waxaa uu kormeer ku tagay xeryaha Barakacayaasha iyo Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir oo caruur aad u liita ku sugan yihiin , isagoo Amiirka uu halkaa ku soo arkey Caruur iyo Haween ay ka muuqato Diiftii iyo Darxumadii Abaarta.

Kadib markii ay soo gaareen Xarunta Madaxtooyadda  ayaa waxay kulan kula qaateen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. oo ay isla soo qaadeen Xaaladdda dadka ay Abaarta saameeysey iyo doorka looga baahan yahay sidii Boqortooyada wax ugu qaban lahayd dadkaas.

Waalid Bin Dhalaal ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada uu ku yimid Caasimada dalka Soomaliya asagoo yiri “waan ku faraxsanahay jawiga nabadeed ee ka jira magaalada Muqdisho islamarkaana uu soo arko Xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay dhibaatada ka soo gaartey Abaarta iyo Dagaaladda ”.Waxaa kulankaan Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Maaliyada, Wasiirada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaliya

Waliid Bin Dhlaal  Bin Cabdicasiis waxaa uu ka mid yahay Maalqabeenadda waa weyn ee dalka Sucuudiga waxaana uu leehaya Talefishinka MBC waxaana Talfinkaas ka socda Barnaamij dadka y Deeq ugu ururinayaan dadka Sooomaaliyeed ee ay Abaarta Saameeysey wuxuuna Amiirku  sheegey Lacagta ka soo Xaroota Talefishinka oo la sheegey in ay hadda ay mareyso 180 Milyan oo Doolar uu laba jibaar ku dari doono

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaroo@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.