Home » Warar »

$250,000 oo Jaaliyada Somalida & Muslimiinta degan Sydney (Australia) ugu tabaruceen abaaraha

WAR SAXAAFADEED –

Deeq gaareysa $250,000 ayaa jaaliyada Somaliyeed iyo Muslimiinta magaalada Sydney ee Australia gaarsiiyeen deegaanada abaaraha ku dhufteen ee Somaliya. Hay’ada Somali Drought Relief oo ka diinwaan gashan gobolka New South Wales, ee Australia ayaa isku duba ridey deeqdaas waxayna qeybinteeda u wakiishatey hay’adaha kala ah Al-Manhal Charity iyo World Assembly of Muslim Youth (Ururka dhalinyarada Muslimiinta Aduunka –WAMY) oo ka howlgala Somaaliya.

Halkan ka eeg qoraalka oo ay sawiro la socdaan

Iyadoo labada hay’adood ee maxaliga ah ka duuliya rabitaanka hay’ada Somali Drought Relief waxay kaalmada kala gaarsiiyeen meelaha ugu ba’an ee ay abaaruhu ku dhufteen. Hay’ada WAMY waxay gaarsiisey cunto isugu jirto bariis, bur, sokor iyo saliid 300 qoys oo ku sugan Baydhabo, 150 qoys oo Shabeelaha Hoose ah, 150 qoys oo ku sugan Bakool, 100 qoys oo ku sugan Baardhere iyo 100 qoys oo ku sugan Jubada Dhexe.

Ha’ada Al-Manhal ayaa iyana waxay gaarsiiey ilaa 500 qoys oo ku kala sugan Bakool, Bay, Shabeelaha hoose iyo Jubada Dhexe.

Waxay kaloo Somali Drought Relief ay u wakiishatey Hay’ada Masharicda Bani’aadamka (Hay’atul Mashaaric Al-Kheyriyah) oo fadhigeedu yahay Muqdisho iney gaarsiiyo kaalmooyin dadka abaaruhu ku dhufteen. Howshan ay weli ku guda jirtaa

Maamulka hay’ada Somali Drought Relief  oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliyed ee NSW Mohamed Aden iyo Sheikh Bashir ayay waxay sheegen in howshan sii wadi doonan inta karaankooda ah aysan ku fiirsanayn dhibaataha heysata walaalahena Somaliyeed. Waxayna ugu horeyn Alle uga mahad celiyeen sida uu ugu fudedeeyey in walaalahoda gargaar intaa la eg la soo gaaraan iyadoo laba qaaradood aad u kala fog lagu kala nool yahay una sahleyna dad lagu kalsooni yahay oo Alle dartii hoshooda u gudanaya. Waxay kaloo uga mahad celiyeen dhamaan jaaliyada Somaliyed ee Sydney iyo Muslimiinta gobolka NSW sida hagar la’aanta ah ay uga qeyb qaadanayaan u gaargaarida walaalahooda Somaliyeed.

Maamulka ayaa waxa kale oo mahad gaar ah u jeediyey hay’adaha loo wakiishey kaalmeynta dadka tabaaleysan sida ay howlodooda uga soo dhalaaleen, iyagoo weliba ku shaqaynaya darufo aad u adag. Waxay kaloo maamulka ugu mahad naqeen labada dhinac ee isku haaya arimaha siyaasada Somalia sida ay ugu dhega nuglaadeen u gargaarida dadka abaaruhu barakiciyeen iyo kuwa ku dhibaateysan deegaanadooda.

Maamulka hay’ada Somali Drought Relief ayaa waxa uu mahad khaas ah u soo jeediyey dhalinyarada iyo dumarka Somaliyed ee sida hagar la’aanta ah waqtigoodu u hurey iney ka dhabeeyaan u heelnaanta walaalahooda Soomaaliyed eek u dhibaateysa gudaha Somaliya iyo xuduudaheedba. Waxayna Illaah uga baryeen in miisaankooda xasaanadka inuu u kordhiyo.

Wixii macluumaad ah ee ku saabsan ama cidii ku nool Australia rabtana iney gacan ka geysato qaadato kaalmeynta dadka abaaruhu saameyey waxaa hay’ada lagala xiriiri karaa admin@somalidroughtrelief.org.au ama telephonka 612 97580089.

Khamiis, 26, 2011.

Halkan ka eeg qoraalka oo ay sawiro la socdaan

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.