Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo gaarey Magaaladda Garoowe si uu u dhameeyo Khilaafka Ka Dhaxeeya Federaalka iyo Puntland

Waxaa  Goor dhow Garoonka Diyaaradaha ee  ee Garoowe ee maamulka Pundland  ka degey Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo Raiisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , waxaana Goroonka Diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyey Madaxwewynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Shiikh Faroole  iyo Dadweynae aad u fara badan kuwaas oo safnaa hareeraha wadada ka tagta Garoonka ilaaXarunta Madaxtooyada.

Wafdiga Raiisul Wasaaraha DFKMG waxaa uu durbadiiba Kulamo la yeeshey Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole waxaana kulankaas la iskula soo qaadey arimo fara badan oo ay ugu horeeyaan  sidii loo dhameeyn lahaa  Khilaafka u dhaxeeyey Maamulka Pundland iyo Dowladda Federaalka ka dib markii labada Dhinac isku khilaafeen halka lagu qabanayo shirka wada tashiga Soomaaliyeed.

Raiisul Wasaaraha DFKMG Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa warar aan helney waxay sheegayaan in uu doonyo in Cabdiraxmaan faroole uu ku taageero in shirka Dib u heshiisiinta lagu qabto Magaaladda Garoowe halka ay hore u Go’aamiyeen Golaha wasiirada oo ahaa in shirka Dib u heshiisiinta lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Tagista Raiisul Wasaaraha DFKMG  ee Magaladda Garoowe ayaa Hordhac u tahay in Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed  uu ku tago Magaaladda Garoowe si uu kulamo ula qaato Madaxda Maamulka Pundland  si ay isula meel dhigaan sida ugu haboon ee loo dhameeyn karo Khilaafka u dhaxeeya labada Dhinac iyo halka lagu qabanyo Shirka wada tashiga Soomaaliyeed.

Deegaano ka tirsan Maamulka Pundland waxaa maalmahan ka dhacayey falal isugu jira Qaraxyo iyo Dilal waxaana ugu dambeeyey Dilala loo geystey Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Maamulka Pundland iyo Qarax ka djhacay habeen Hore Xaruntiii Radio Daljir ee Gaalkacyo  oo ay ku dhaawacmeen Ilaalidii Xarunta Idaacadda Ilaa hadda ma jiraan Cid wax ka qabtey Falalkaas Amaandarro ee ka taagan Maamulka Pundland inkastoo Maamulku uu sheego in ay dadaal ugu jiraan sidii dib loogu soo celin lahaa amaankii Maamulka Pundland.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo gaarey Magaaladda Garoowe si uu u dhameeyo Khilaafka Ka Dhaxeeya Federaalka iyo Puntland "

  1. isma says:

    waa in laga hadlo hantida xooga laguhaysto sidii loogu celin lahaa dadkii iska lahaa iwm .
    dib u heshiisiin dhowr mar ayaa la qabtay wax natiijo ah kama aysan soo bixin . waxaan qabaa lacagta lagu bixinaayo shirka la sheegaayo in dadka dhibaataysan wax loogu qabto .