Home » Warar »

War-Saxaafadeed ka soo baxaya Shirkii Golaha Wasiirada ay maanta Muqdisho kuyeesheen

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xuquuqul Insaanka, arrimaha Amniga, iyo arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo.

 

Golaha Wasiirada waxey taci u direen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Xassan Maxamed Jimcaale oo hooyadiis Muslimo Cabdulle Ciyow oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho 22kii August 2011.

 

Golaha Wasiirada waxey maanta warbixin ka dhageysteen Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Qaramada Midoobey ee Geneva Mudane Yusuf Mohamed Isma’il (Bari-Bari) oo ka warbixiyey warbixintii ay Dowladda Soomaaliya ka horjeedisay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ee Geneva 3dii May 2011 ee ku aadaneyd xaaladda dhabta ah ee arrimaha Xuquuqul Insaanka ee dalka. Golaha Xuquuqul Insaanka ku ammaanay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay golaha QM dowladda Soomaaliya u soo gudbiyeen 155 tallooyin oo uu safiirku sheegay in loo baahanyahay in Dowladda Soomaaliya ay ka baaraandegaan ka dibna ay warbixin ku wajahan tallooyinkaas iyo waxa laga qaban karo loogu soo gudbiyo Golaha Xuquuqul Insaanka ugu danbeyn 2da September. Safiirka ayaa sheegay in Golaha Xuquuqul Insaanka ay 5 jeer go’aamiyeen in Dowladda Soomaaliya laga saacidayo sidii ay hay’adaheeda u fulin lahaayeen arrimaha Xuquuqul Insaanka. Golaha Wasiiradu waxey u mahadceliyeen Safiir Bari-Bari iyo warbixintiisa.

 

Guddiga heer wasiir ee arrimaha amniga iyo xasilinta Muqdisho ayaa laga dhageystey warbixin iyo talo soo jeedin ku wajahan sidii loo xasilin lahaa magaalada Muqdisho. Golaha Wasiirada ka dib markii ay dhageysteen warbixinta guddiga waxey isku raaceen:

  1. in aan marnaba la aqbali karin Isbaaro, lana amray in dhammaan Isbaarooyinka magaalada laga wada qaado. Cidii Isbaaro dhigatana la horgeeyo maxkamadda ciidamada.
  2. In guddiga ay ka soo talo bixiyaan sidii si deg-deg ah loogu furi lahaa dhammaan jidadka magaalada iyo Suuqyada sida suuqa bakaaraha.
  3. In la xoojiyo ciidamada roondooyinka ah, oo aan la oggolaan cid hub ku dhex sidata magaalada gudaheeda.
  4. In dhammaan dhismayaasha iyo goobaha dowladda aan loo oggolaan in shacabku dego, si ay hay’adaha dowladdu dib uga howlgalaan goobahaas.

 

Guddiga heer wasiir ee arrimaha abaaraha ayaa iyagana laga dhageystay warbixino, ka dibna golaha wasiiradu waxey isku raaceen in kormeer joogta ah lagu sameeyo xerooyinka barakacayaasha oo laga warqabo xaaladdooda dhabta ah, iyo in amniga xerooyinka la adkeeyo oo aan marnaba la aqbali karin in hub lagu dhex sito xerooyinka dhexdooda oo dhammaan falalka danbi ee ka dhaca xerooyinka la baaro, cid allaale iyo cidii ka danbeysana la horgeeyo maxkamadda.

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " War-Saxaafadeed ka soo baxaya Shirkii Golaha Wasiirada ay maanta Muqdisho kuyeesheen "

  1. Ahmed Muse says:

    Aad iyo aadbaan ugu raacsanahay Abdirisaq fikirkiisa qaaliga ah waxaan jeclaan lahaa in la garsiiyo madaxda dawlada si kastaba ha ku gaartee
    Mahadsanid

  2. Abdirisaq says:

    Waxaan ka codsan lahaa xukuumadda Somalia fadlan wasiirrada dawladda shaqadooda halla siio hana looga dambeeyo.
    Tusaale safiirka wuxuu hoos yimaadaa wasaaradda arrimaha dibeeda waxaan xukuma wasiirka arrimaha dibedda xaqna uma laha inuu wasiirro qoraal u keeno oo yiraa ka shira.
    Safiirku marka madaxweyne arrin degdeg ah ugu yeero dalka uu joogo ayuu madaxweynaha lasoo xarriri karaa si mawqif midaysan looga yeesho waxa loogu yeerey asagoo sidoo kale war gelinaya wasaaraddisi.Laakiin wasiirki shaqada lahaa inta lsoo gacan dhaafo in golaha wasiirrada qoraal la hor dhigo shir jaraaidna uu qabto safiir, ma garan shaqadaas nooceeda.
    Midda labaad madaxweynaha degdeg uun kusii baxaya ha u daayo shaqada arrimaha debedda wasiirka arrimaha debeda marki loo baahdo qaabilaad laba madaxweyne ama shirweyne summit ah oo madaxweynayal keliya ha aado inta kale dalka dagaal baa ka socda, xaalad abaareed ayaa ka jirta waa wada arrimo abuuraya xaalado degdeg ah waa kuwi safaraada debeda loo soo gaabin jirey ee ma aha kuwi laga tegi lahaa.
    Waagi hoteelka la deganaa waa laga baxay fadlan job description waa inay jirtaa oo wasiirka gaashaan dhiggu aagga dagaalka qaabilsan yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo duqa magaalada ay nabadda iyo dhsidda maamulka ka shaqeeyaan, wasiirka arrimaha dibeddu xiriirka caalmka loo daayaa wasiirka maliyaada deeqaha maaliyadeed loo daayaa wasiirka caafimaadka iyo isbitaallada cudurrada iyo dhaawaca loo daayaa sidaas shaqada loogu qayboyaa madaxda raiisulwasaaruhuna dusha ka hagaa oo warbinno joogto ah ka qaataa madaxweynahana u gudbiyaa mid waliba meeshay mareyso,shirka toddobadlaha ee golaha wasiirradana loo gudbiyaa horumarrada wasaaraduhu sameeyn iyo dhaliilaha jiraba. Halkasna lagu guddomiyaa talaabada xigta ee la qqadayo.