Home » Faallo »

Shareecadda iyo Al-shabaab (2)

Qeybtan labaad waxaan kaga hadlayaa DR. C/siis Abuu fadal oo ahaa nin Masri ah oo saaxiib la ahaa Ayman Al-dhawaahiri,dhawr sifooyinna ay wadaageen sida in ay isla ahaayeen labo Dhakhtar, waxayna kaloo ka wada tirsanaayeen Xarakada Jihaad Islaamka ee Masar oon horay u soo sheegay in ay ka danbeeyeen Dilkii Anwar Saadaat.

DR. C/siis Ayman wuxuu kaga fiicnaa dhanka Cilmiga Islaamiga ah sidaas darteed buu u adeegsaday in uu noqdo Muftiga jihaadka oo markii Danbe lagu magcaabi jiray ( Aragtidheerihii Jihaadiyiinta) !!!!

labada nin waxay ka baxsadeen Masar waxayna aadeen Suudaan kadibna waxay tageen Pakistaan siiba magaallada Furinta ah ee Bishaawar.

Markii 1996 markay xarakada Daalibaan ay qabsadeen Afqaanistaan ayey u wareegeen Xaruntii Usamaa ee Jalalabad ee Afqaanistaan halkaas ayey ka sii wadeen Aragtidoodii aheyd jihaadka.

wuxuuna  markii danbe Ayman  ku biiray asaga iyo koox yar uu watay (1)  Ciidankii Usaama  waxayna wada sameysteen Urur weynaha Jihaadka Caalamiga ah ee loo yaqaano AL-Qaacidda,1998.

Markii Ururkaasi uu dhawr iska hor imaad sameeyey  ama aan si kale u iraahdo dhawr wadan ay dagaalo ka galeen sida Afqaanistaan, Aljeeriya, Ciraaqa, Checneya, pakistaan, Falibiin abuu Sayaaf, iwm.

Arrinku markuu halkaas maraayo ayaa DR. C/siis Abu fadal uu qoray Kitaab la yiraahdo :

( Tarshiid Camal Al-jihaadi) oo micnihiisu yahay Toosinta Camalka Jihaadiga ah. Kitaabkaas ayuu u dhiibay Ayman si uu u daabaco se ma noqonin maadaama uu fikirkii jihaadiga ee indhaha la,aa ka soo horjeedo, ayagana ugu yeeraayo in dhallinta wax la baro inta aysan jihaadka galin si ay uga dhawrsadaan in ay dad Shacab Muslimiin ah ay  gumaadaan sida badanaaba  ka dhacda meel kasto ooy tageen Alqaacidda .

Kitaabkaas oo uu markii danbe loo baxshay ( Al-wathiiqah) asagoo wax laga badalay ayaa noqday meeshii ay ku kala tageen DR. Ayman iyo DR. C/siis Aragtidheerihii Jihaadiyiinta .

DR. C/siis markaas ayaa ka soo tagey Afqaanistaan oo wuxuu yimid Dalka Yamen oo uu ka bilaabay Shaqadiisii Dhakhtarnimada asagoo ku shaqeynaaya magaciisii saxa ahaa.(2)

DR. ayaman ayaa waagu ku baryey markaas ayuu halhaleey u daabacay qeyb ka mid ah kitaabkii Dr. C/siis ee Al-Wathiiqah oo uu u baxshay ( AL- Tabri’ah) oo macnaheedu yahay ka bari noqosho oo uu ka wado in uu bari ka noqday ninka jihaadka dayacay ee dhakhtarnimo ku noqday .

DR. C/siis ayaa laga soo qabtay 2002 Dalka Yamen kadib asagoo loo raadinaayo markii ay xarakada Al-jihaad oo uu ka tirsanaan jiray ay magaallada Dalxiiska ee Al-Aqsur ee Masar 70 dalxiisayaal ah  bishii Nov,1997.

Markaas ayaa la yiri ha la baacsado ruux kasta oo xarakada Al-jihaad ka tirsanaa meel kasta markaas ayaa DR. C/siis loo taxaabay xabsi Masar ku yaal.

DR. C/siis Abuu fadal markuu dhawr sano xirnaa ayaa la soo daayey markii Xarakadiisii iyo Dawldda Masar Heshiis xabad jojin ah Sameysteen.

DR. C/siis Aragtidheerihii Jihaadiyiinta ayaa Xabsiga dhexdiisa ku qoray Kitaab uu ugu Jawaabaayo Dr. Ayman kitaabkiisii ( AL-Tabri’ah) oo uu ku magacaabay ( Mudakaratul Tacriyah minal Tabri,ah) oo macnaheedu yahay kitaabkii lagu dhartiraayey tabri,adii Ayman , kaas oo uga sheekeeyey Qaladaadkii ay galeen Usama Iyo Ayman ee ay jihaadka ka been Abuurteen ayagoo masaalixdooda ku wata .

Akhristoow xarako kasta oo jirta waxaa ka war bixin karaaya Ruux ku soo jiray oo waliba ka mid noqday madaxdooda, kaas ayaa ceebteeda soo bandhigi kara, sida Xarakatul Al-takfiir wal hijra uu kitaab uga qoray Abul Kheyr ( Dikriyaatii maca Jamaacatul Muslimiin ) !!!! .

Haddaba waxaan soo qaadan doonaa qeybo ka mid ah waxyaabuhuu DR. Abul Fadal ka sheegay xarakada Al-Qaacidda oo uu waayo badan u ahaa (Araghtidheerihii Jihaadiyiinta), Waxaan soo qadan doonaa qeybo uu ku dhaliilay Al-qaacidda iyo nidaamkooda waana kuwan ee la soco :

(1)     Bidcatul Shuyuukh Al-Jihaad :

Alshabaab waxaa macalimiin u ah Usama & Ayman ??? waxayna soo saareen wax la yiraahdo Ruux aan Jihaad ku jirin Shiikhba ma ahan???? waxay isla dhex maraan ruuxaan jihaadin shiikh ma ahan??? maba og in Diin Baristu tahay jihaad midka ugu weyn sida rabi ku yiri suuratul Towbah:

( ma aha in ay mu’miniinta oo dhan ay dagaal u baxaan,ee haddii koox kastaba qaar ka baxdo si ay diinta u bartaan oo ugu xeel dheeraadaan una digaan dadkooda marka ay soo noqdaan waxay u dhaw yihiin in ay digtoonaadaan) 9:122

Ayadaas asagoo uu sharxaaya Caalimka weyn ee Khadiib AL-Baqdaadi wuxuu yiri waxay tilmaamaysaa in ay muslimiintu u qeybsan yihiin Culumo dadka diintooda barta iyo kuwa dagaalama oo cadwga Muslimiinta ka difaac, mid kastana hawshiisa ayuu ka soo baxayaa, se ugu danbeynta waxaa loo wada noqonayaa kuwa culumada ah oo xataa jihaadka kuwa ku jira ay fiqhiga jihaadka ula soo noqonayaan.

Waxaa kaloo la sheegaa Caalimkii weynnaa ee Maxamed ibnu xasan AL-shaybaani ardaygii Abuu Xaniifa – kuligood Allaah ha u naxariistee – oo reer Baqdaad ahaa in uusan waligiis jihaad u bixin ee waqtigiisa uu wax barid ku dhameystay, haddana wuxuu qoray kitaabkiisa weyn ee ( Al-Siyar) oo uu jihaadka iyo fiqhigiisa uu ku bayaanshay.

Marka xaggeey ka keeneen AL-shabaab iyo culumadoodu Ruux aan jihaad galin shiikhba ma ahan ,ama Jihaadka waxba lagama weydiinaayo.

Taas waa bidco cusub oo ay la soo baxeen Bidcatu Shuyuukh Al-Jihaad(3).

Qaybaha kale ee maqaalka ka akhri: https://somalitalk.com/tag/saahid/

Waa inoo qeyb kale oo ku saabsan Shareecadda iyo Al-shabaab .

fii amaani laah

Shiikh Saahid mohamed yusuf
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com
Al-mutakhasis fil Xarakaat Al-slaamiyah.

(1) DR. fadal wuxuu yiri 8 qof kaliya ayuu ka watay ayman xarakatul -jihaad Al-islaamiyah.
(2) waxaan rabay ayuu yiri in aan gacantayda maalo oo aanan ku noolaado waxa aan shaqeysto meesha uu ayman ku noolyahay gacan dadoow.
(3) mudakaratul tacriyah minal tabr’iah .

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

18 Jawaabood " Shareecadda iyo Al-shabaab (2) "

  1. Gurxan says:

    Ku Suheyb,
    Suheyb waan ku salaamay. Salaan kadib waan aqriyey jawaabtaada, kuwii ka horeeyeyna waan wada aqrin jirey ee kama aqrin jirin qeyb kamida sida aad adigu igu eedeyneysid. Intaa kadib waxaan Radio Muqdisho ka maqli jirey Hees ay mirihiisa kamid ahaayeen “Hadeynaan heshiineyn waa inaynu kala harnaa kala hawl yareeysanaa” Marka Suheyb horta Niqaashka ama dood cilmiyeedku wuxuu ku fiicanyahay ama miro dhalaa markii laysu garaabayo ama wax la isu ogolyahay laakiin haduu noqdo Midi Midi ku taag iyo yaan lagaa badin, inaan ladoodin ayaa ka fiican. Marka horta Suheyb Xiwaarkan halkaan ayaa ku joojin doonaa oo mardambe diyaar uma ihi inaan doodan kula sii wado. Taas micnaheedu maaha inaan xanaaqey ama aana dulqaad u lahayn doodaha iyo war isweydaarsiga laakiin waxaan arkaa in arintu meel kaaga dhagantahay aadana diyaar u ahayn in angle kale ama fikrad kale aad dhagahaaga u furtid. Sheeko Soomaaliya ayaa waxay dhahdaa “Nin ayaa bari indha beeley markuu indha beelayey wixii ugu dambeeyey oo uu arko wuxuu ahaa xayawaanka yar ee layiraahdo Bakaylaha. Kadibna wuxuu bilaabay in waxkastoo loo sheego uu u bar bardhigo Bakayle maalintii dambe ayaa waxaa lagu yiri Geel ayaa Ari laayey markaas ayuu ninkii indhoolka ahaa wuxuu yiri Geela lasheegayaa Bakayle intee ka le egyahay. Haatan wax kastoo aan kuu sheego hadey noqoto Taariikh, Fikrad, Maah maah, dhacdo dhacdey, intaba waxaa kaa soo horeeya Shabaab diidney sidii inaan anigu ku leeyahay Shabaab jecloow ama ha diidin. Waxaa jirta Maah maah English ah oo dhahda “Prevention is better than cure” oo micnaheedu yahay Daawada ka hortaga ayaa ka fiican. Waxaa kale oo jirta xigmad dhahda “It is difficulty to solve a problem without understanding its root cause” oo micnaheedu yahay way adagtahay in dhibaato la xaliyo hadaan lafahmin waxa keeney dhibaatada iyo asalkeeda meeshey lug ku leedahay. Marka Suheyb hadaan si kasta kuugu sheegey war Shabaab iskama sameysmin ee waxbaa keeney ee aan fahano dhibku meeshuu ka yimid. Hadaan kuugu cel celiyey war hadii Shabaab dhamaadaan iyo haddii kalaba Soomaali waa lasii layndoonaa oo tir tirida Soomaali istaagi mayso waayo Shabaab hortood ayaa la xasuuqayey dabadoodna waa laxasuuqi doonaa oo aan waliba arintaas Daliilkeedii iyo cadaymaheedu kuu sheegey. Wali waxaad taagan tahay Shabaab diidney iyo Shabaab waa nebcahay. Marka miyaaney ku haboonayn inaan halkaas ku joojino doodan ama niqaashkan. Ninkii Quraanku ka sheekeeyey ee la oranjiray “Mu’min Aala Fircoon” markuu tolkiis dhankasta ula hadley oo waxkasta oo ay ku qanci kareen u sheegey laakiin ay ka diideen wuxuu ugu dambayntii ku yiri
    “Fasa tadkuruuna maa aquulu lakum wa ufawidhu amrii Illallaah”
    Bimacnaa waad ogaan doontaan waxaan idinku leeyahay amarkaygana waxaan u bandhigayaa Allaah. Marka Suheyb maalin kale ayaad ogaan doontaa waxaan kaala hadlayo inta ka horeeysana nabad galyo.
    Aniguse hal ayaan ku dhahayaa hadaad diyaar u tahay aan Illaahay ka barino inuu keenii khaldan uu soo shaac bixiyo oo fadeexad aduun iyo mid Aakhiro isugu daro. Hadii aadan taa ku dhicin oo aadan taa gali karin. Ogoow inaana mardambe anigu kula sii doodi doonin jawaab dambe oo aad iga heshana tanu ha iigu dambayso.,
    Wasalaam
    Gurxan.
    Wa

  2. suheyb says:

    KU: GURXAN

    Ciid wanaagsan sxb Gurxan sidoo kale.
    Intaas ka dib gurxanow walaale horta anigu ma garanayo si aan wax kuu fahansiiyo, oo waxaananba garaneynin in waxa aan qorayo een ku hadlayo uu afsoomaali yahay iyo inkale, maxaa yeelay hadalkayga iyo tusaaleyaashii aan soo qaatay iyo qaabkii aan u hadlayey oo dhan ayaabad ka dhacsan tahay oodan fahmeynba, sidii oo aan af aadan garaneyn aan ku hadlayo, macallin ardaygiisa oo fahan xumaa ka cabanaya ayaa wuxuu yir ” aquulu zeydan ,wa yasmacu camran, wa yaktubu khaalidan” macnaha macallinku wuxuu leeyahay -ardeygani waxaan ku leeyahay kelmadda ” ZEYD” isaguna wuxuu moodi oo maqlayaa inaan iri kelmadda ” CAMAR” oo dhegehiisu maqlayaan, markuu qor isyiraahdo wixii dhegehiisu maqleenna oo (camar) ahna wuxuu qorayaa oo buugii ku dhigayaa ” KHAALID” , bal u fiirso macallinkaas iyo ardaygaas miyey isfahmayaan inta ardaygu sidaas wax u kala bedelayo oo fahankiisu sidaas u xun yahay..? waa maya ,sidaas oo kale ayaynaan isku fahmeyn inta aad hadalkeyga aadan dib u dhuganeynin, oo inbadan oo hadaladii aad kusoo celcelinaysay ka mid ah waa wixii aan qoraalkeygii kusoo sheegay laakiin waxaadan fahmeyn meesha aan ula jeedo iyo biyo dhigiisu waxa uu yahay.

    Tusaale hadaan kuusoo qaato si fiican ayaan ugaga sheekeeyey qoraalkeygii ugu dambeeyey iyo kii ka horeeyeyba dhibka maanta haysta muslimiinta caalamka khaasatan dadka aynu ka dhalanay ee soomaali la yiraahdo,illaa laga soo bilaabo gumeystayaashii reer yurub, sidoo kale waxaan kaga soo sheekeeyey dhibka loo geysan jirey salafkii iyo saxaabadii iyo nebigeenii muxamadba CSW oo ahaa midkii koomkaan ugu kheyrka badnaa, iyo sidoo kale anbiyadii iyo ummadihii inaka horeeyeyba, hadaad doontana si wacan ugu noqo qoraalkeygii ugu dambeeyey iyo kii horeba,intaas markaan kasoo sheekeeyeyna waxaan dabo dhigay dhibkaas isaga ah dariiqii ay uga baxeen lana doonayo inaan innaku fahanno si aan dhibkaan uga baxno, qoraaladeydii horena waan ku soo xusay oo waliba waan kusoo faahfaahiyey, intaasoo dhan adiga kuumaba cada oo uma jeedide isla pointigii aan kasoo hadlay ayaad igu soo celinaysaa, marka waxaan ku leeyahay walaal qoraaladeyda wada akhri oo inta ugu horreysa iyo inta ugu dambeysa ha ka akhrine qoraalka wada dhamee akhriskiisa markaasaad i fahmiye, taasna waxaa u daliila dhamaan suaalahaad isoo weydiisay oo dhan jawabtooda waxaad ka heli qoraaladaas.

    Midda kale iyo gubashada aad ka gubaneyso inaan jiho khaas ah (Alshabaab) kugu xukumay muhiim ma ahan in shabaab wejiga kaaga qornaato, amaba aabad sheegatide, waxa muhiimka ahi waxaa weeye fikirka aad xambaarsan tahay waxa uu yahay taasaa ama koox ama meel kugu dareysa ama kaa duweysa, adigana aan kuugu celiyee walaalow gurxanow waxa aad ku celcelinayso waxaa weeye” war soomaaliya dawlad lalama rabee oo reer galbeed iyo gaalo madow oo dhan baa isku soo bahaystay oo marna aan ogolaaneyn in dawlad islaamiya ka dhalatee ina keena rag iyo dumarba aan dagaalanee oon baaba,nee” sidaas ayaa hadalkaaga ka muuqata, aniguna waa fikirka aan kasoo horjeedo ee aan kugu khilaafsanahay isla markaana ah fikirka alshabaab ay wadato waana fikir ka hor imaanaya awoodda iyo karaanka dadka soomaaliyeed ee dagaaladu soo halakeeyeen, soomaaliya iyo afarta wiil ee alshabaab iyo alqaacidana kama hortegi karaan caalamkaan dhan ee kufrigiisa iyo munaafiqiintiisa wada wata ee kii ugu sokeeyey ee muslimka sheeganayey uu iyaga soo raacayo, dariiqa kaliya ee maanta cadawga lagu waajihina waxaa weeye in marka ugu horreysa uu yimaado midow guud oo muslimiintoo dhan ah, tan labaad lagu midoobaa kitaabka alle, kan sadexaad la sameeyaa diyaargaraw buuxa oo dhinac kasta ah xagga dhaqaalaha, milletariga, iyo siyaasaddaba ah, laakiin adigoo xataa qori aan sameysan karin amaba xabbadii lagu ridi lahaa aan sameysan karin tababar caskari ah aan haysan qofka aad la dagaalameyso aan muwaajaheyn karin xag ciidan iyo xag kaleba ayaan isasoo mutaxayaa oo aan dhulka ku rafan oo aan aabahay gablan ku celcelin iyo war fadhiga ka kaca oo ulna aad qaadataane iska dhiciya cadawga ayaan ku qeylyi waa taas midda aan ku diidanahay Alshabaab adiguna aad ku celcelinayso.ha igu celcelinin marka itoobiya waxa ay tahay iyo hadaladii jimy carter iyo jamciyad quruumo, iyo wax kale toona horaanan kuugu soo sheegay in nin kastoo soomaali ah caruurtuna ha ahaatee ay maanta ogtahay cidda cadawga u ah, laakiin niman baa inta ka badbadiyeen waxa jira ayaa waxa aya damceen inay ugaga jawaabaan wax ka fog oo aan xal ku iman karin iyo jar iska xoornimo, maxkamadihii islaamkuna waxa ay ahaayeen hogaankoodii qummanaa niman caqli iyo xikmad wax ku badbaadin lahaa dalkaan oo ay macquul ahaan lahayd inay keenaan xal dhexdhexaad ah oo ummadaan ka badbaadin lahaa dhibaatooyin badan oo dhacay, laakiin waxaa fashiliyey oo carro ku daadiyey nimanka sida maskii ciida isku qarinayey ee markii dambena isa soo cadeeyey waa alshabaab iyo urukoodee, oo dagaal iyo ardisababaan qabsaneynaa ku celcelinayey.

    hadal iyo dhamaantii walaal anigu waxaan hadal kusoo koobayaa in cadaw layska dhiciyo waxaa ka horreysa in dadka isdifaacayaayi horta mideysan yihiin iyo inkale, hadii ay mideysan yihiin fikir ahaan iyo dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaan oo cadawgooda inta badan u mideysan yihiina waa ay ka adkaan karaan oo ka guuleysan karaan , hadiise iyagii kala qeybsan yihiin oo inniba meel u jeedana waxba iskama dhicin karaan oo xoogoodu waa kala dhantaalan yahay soomaaliyana maanta waa tabtii ookale oo maalinkii ay mideysnaayeen intooda badan ee wada jireen waa tii ay 50,000 oo itoobiyaan ah ku jebiyeen soomaaliya ee muqdisho ka saareen, maantana waabad aragtaa in kuwii ka liitay awood iyo niyadba ee dhowr kun oo ugandese iyo brundese ah ay xamar ku dekeynayaan, alshabaabna ugu dambeystii ka yaaceen magaalada
    waxa sababta u ahna waa urukaas isaga ah ee Alshabaab oo kala jebiyey cududii soomaaliyeed ee iyaga kaliya doonay in taladooda la dhegeysto, oo laga amarqaato oo xukun qabtaan oo lagu dabafaylo oo wax diin la yiraahdo iyo wax duni la yiraahdaba aan cid kale u ogolayn inay ka hadasho, iyagaana soomaali halkaas dhigay weliba illaa imika isla qumman oo leh car waa ninkii hadlaa, miyeysan xaq ahayn marka in iyaga laga hadlo oo ummadda la tusiyo, hadiise innaka dhexdeena aynaan marka hore isa sixin oonaan isqabnin oo qofka khaladka wada la tilmaamin oo sidaas u kala qeybsanaano macquul ma tahay inaan cadawgeena dibadda ka adkaano amaba iska dhicinno, marka waxaan ku leeyahay anigu waan arkaa cidda i dishay dilkeygana u taagan ee aan marna guusheyda ogolaaneyn laakiin waxaa ka horeeya inaan innagu midowno oo keena khaladka wada la qabto, kaana yeeli maayo yaan alshabaab laga hadline aan cidda nagusoo duushay aadno, Amisom iyo itoobiyana haday soomaali wada jirto meesha maba aysan joogeen, ee meesha waxa ku haya waa nimankaan jar iska xoorka ah ee leh Alasskaan qabsaneynaa iyo adis ababa ku wardinaya iyagoo xamar ka baxay.

  3. Gurxan says:

    Ku Suheyb:
    Walaal Suheyb marka hore waad mahadsantahay marka 2 aad Ciid Mubarak. Waxaan aqriyey jawaabta dheer ee aad iigu jawaabtey. Soomaalidu waxey ku maah maahdaa “Nin meeli u cadahey meeli ka madoow” Horta in kastoo aan kuugu cel celiyey in badan hadana hal meel ayey kaaga dhagantahay oo ah inaan anigu Shabaab ahay aniguna magaran karo inta jeer ee aan kuugu cel celiyey war aniga AL Shabaab la ima yiraahdo. Waxaan xasuustaa hadda ka hor anigoo jooga Kenya ayaa waxaa Muxaadaro meel ka jeediyey Sheekh Shariif C/Nuur markii Muxaadaradii dhamaatey oo Su’aalihii billoowdeen ayaa nin Shiikhii wuxuu ku yiri “Idinku hadaad tihiin Al Itaxaad Bari ayaad Dagaal ka rideen” Shiikh Shariif C/Nuur oo aniga aragtideyda ah Shiikh aad u dagan Diinta Islaamkana Cilmi dheer u leh isla markaana leh saqaafo dheer oo Islaami ah, ahaana Macalin wax ka dhigijirey Jaamacadii Lafoole ayaa asagoo ninkii u jawaabaya antuu Wajigiisa taabtey wuxuu yiri “Walaal mawajigeyga ayaa waxaa ku qoran Al Itaxaad sidee ku ogaatey inaan Itaxaad ahay” Waxaan sheekadan u keeney Suheyb adigu ama igu dhaji ama igu nab nab anigu waxaan ku leeyahay anigu Shabaab iyo Ahlu Suna midna maahi ee waxaan ahay Soomaali Muslim ah aaminsana inuu kaligii Qabri galidoono Illahayna hor istaagi doono asagoo kaligiis ah oo aysan Shabaab iyo Ahlu suna midna lasocon. Laakiin adigu taagnoow Gurxan waa Shabaab hadaad guul iyo sharaf ku gaaraysid. Taa hadaan intaa uga baxo waxaad tiri Diin iyo Saqaafo soo bandhig reer galbeed iyo Pyschology hanagula wareegine. Eedaas waxaan u dhaafayaa walaalaha aqrinaya fikirkeena hadii aana sheegin wax Diina ee aan reer Galbeednimo kaliya soo bandhigey waxaa sheegi doona intii aniga fikirkeyga aqridey. Soomaalidii hore waxay ku maah maahi jirtey “Hashii diideysaa maqaarka ayey Dal dalool ka fiirisaa” Marka aan mar 2aad ku xasuusiyee dib u fiiri hadalkii aan soo sheegey ee ahaa “Laa tandur man qaala walaakin undur camaa qaala” Ingiriisku waxay ku maah maahaan Don’t judge the book by its cover” oo micneheedu yahay Boogga ciwaankiisa laguma xukmiyo” Marka Suheyb walaal bal waxaan ka hadlayo dib u fiiri ha igula soo boodin waxaad tahay Shabaab iyo Shabaab waa diidney anigu ilaayo hada kuma oran qolo hebla ayaad tahay. Waxaad kasoo sheekeysey Taariikhdii Islaamka iyo sida loo ciqaabay Asaxaabadii Negiga (SCW) bal aan arintaa su’aal kaa weydiiyee ciqaabkaasu ma wuxuu ku ekaa Rasuulka iyo Asaxaabadii mise waa mid wali socda oo Muslimiinta lagu hayo? Hadii jawaabtaadu tahay wali wuu socdaa oo maahan mid ku haray dadkii naga horeeyey ii sheeg cidda uu hada haysto waayo waxaad tiri hadii Shabaab la ciqaabay mahayn inay jawaab ka bixiyaan ee waxay ahayd inay ku samraan. Hadaad tahay qof wax ka yaqaan Quraanka iyo Taariikhda Islaamka Nebigu (SCW) wuxuu maray marxalado kala duwaanaa waxaa kamid ahaa mar loo diidey inuu Dagaalo oo layiri Gacmihiina laaba (Kufuu aydiyakum) marna waxaa loo fasaxay inuu dagaalamo oo wax iska celiyo (Fiiri Suuratul Xaj “Udina lilaladiina yuqaatiluuna bi’anahum Dulimuu…) Adigu markaad leedahay maahayn in wax tilaabo ah laqaado mawaxaad ku jirtaa marxalada hore oo Gamcahaaga ayaa laaban?
    Waxaad tiri Shabaab ayaa dhibka Soomaaliya masuul ka ah? Dayib 1950 markii UN tu tiri Soomaaliya xoriyad ha lasiiyo Raysal wasaarihii Ingiriiska Pafic Plan wuxuu soo jeediyey in 5ta Soomaaliyeed laysku geeyo oo laga dhigo hal wadan waxaa arintaas diidey oo Veto saaray wadanka Maraykanka iyo Itoobiya oo uu hogaaminayey Xayle Salaase. 1964 xiligii uu Aden C/dulle Cusmaan madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya Dawlada Itoobiya waa diidey inay aqoonsato Dawlada Soomaaliya waxayna ku soo qaadey Duulaan weyn. Dadkii duulaankaas gardaradaa lagu laayey waxaa kamid ahaa Maxamed C/lle Xalane oo ku magacawnaa Dugsigii tababarka.
    Dawladii Kacaanka ee uu Maxamed Siyaad Bare madaxweynaha ka ahaa waxaa isugu tagey Nato iyo Warso oo waa tii Ruushku Soomaalida xasuuqey dagaalkii 1977 markii Itoobiya lala dagaalayey, Markuu Maxamed Siyaad Ruushka dalka ka cayrshey oo damcay inuu Maraykanka heshiis lagalo Jiimi Carter oo markaas Maraykanka madaxweyne ka ahaa wuxuu ku yiri Maxamed Siyaad “kuuma ogolaandoono inaad Itoobiya khatar galisaan idinka Soomaaliya” Su’aal aan ku weydiiyo Suheyb Aden Cade iyo Maxamed Siyaad Bare ma Alshabaab ayey ahaayeen mise Al qaacida maxaa aduunku isugu tegey oo loo burburiyey?
    Su’aal kale markii Soomaaliya ay Bur burinayeen Dagaal oogayaashu oo xasuuqa, kufsiga iyo Isbaaradu kataagnaayeen majirin lamana arag cid tiri nimankaas Soomaalida halaga qabto oo halaga bad baadiyo, kadib waxaa soo baxay Midawgii Maxaakimta Islaamka maalintii ay Muqdisho qabsadeen maalintii ku xigtey waxaa hadley Madexweynihii Maraykan J. W. Bush wuxuuna yiri “Muqdisho waxaa qabsadey Islaamiste mana yeeli doono isla markiiba waxaa la abaabuley dagaalkii Itoobiya ku qabsatey Soomaaliya
    Su’aal Suheyb Maxaakimtu ma Shabaab iyo Alqaacida ayay ahaayeen maxaa loo bur buriyey? Hadaad ku jawaabto haa wey ahaayeen maxaa ninkii masuulka ka ahaa (Shariif) ay hadda Itoobiya iyo Ameerika u garab taaganyihiin?
    Waxaan maqli jiray Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare oo markuu qodbeynayo yiraahda “war dalkaan waa nalaku heystaa” Inkastoo uusan sheegi jirin cidda nagu haysata marka Suheyb amay adiga kaaga dhagantahay Shabaab laakiin adiga iyo Shabaab midkiina aan asxaan loo hayn oo in lacirib tiro ay rag kale ka go’antahay?
    Suheyb walaal aniga waxaad igu eedeysey inaan ahay nin aan Taariikhda iyo Islaamka waxba ka aqoon dayib adiga ayaan kaa marqaati kacayaa inaan ahay Jaahil aan waxba aqoon adiguna aad tahay Caalim dhameeyey Diinta iyo Maadigaba ee bal waxaad ii sheegtaa Dambiga Soomaali gashey ee laga cafin la’yahay oo loo dabar goynayo oo Aduunka oo dhan dhinac uga wadayahay oo markii ay madaxa qaadaaba loo garaacayo?
    Suheyb adiga iyo Shiikh Saahid waxaad ku mashquulsantihiin meel soke ee bal Taariikhda dib u fiiriya oo isweydiiya waxa qaldan.
    Hadaan noolaano waxaa lagayaabaa inaan joogno ayadoo uusan jirin wax shabaab layiraahdo isla markaana wali Soomaali laxasuuqayo oo Laysan kale oo lagu laayo loo helo ee markaas maxaad Suheyb ku hadli doontaa adigaa ah Taariikhyan birta calashadaye?
    Ugu dambayntii adigu waxaad soo jeedisay talooyin aad xal u aragtid bal ana kuweyga dhageyso
    1. Waxaad wax ku noqon kartaa Islaaminimo iyo Soomaalinim ee meel kuma tagi kartid xarako iyo kooxo ama magacyo yar yar
    2. Waxaan qaladkeena ku sixi karnaa inaan fahano meesha nala ka haysto iyo cidda nala dirirsay ee waxba kuma hagaagi doonaan inaan maalin kasta ku mashquulo wax bilaa micnaa oo markaas taagan ayadoon la eegin meesha sartu ka quransantahay?
    3. Waxaad wax ku noqon kartaa inaad fahantid dadka uu Cadawga Soomaaliyeed isticmaalayo si uu u baabi’yo Soomaalida isla mar ahaantaana aan dadkaas loo fiirin cidey yihiin ee dhulka la dhigo oo ilkaha laga guro.
    Ugu dambayntii waxaan Illahay ka baryayaa inuu aniga iyo adigaba na hanuuniyo dalkeenana cadawga ka qabto.
    Salaam
    Gurxan

  4. fatax ababi says:

    Asc Eid mubaark walalayal. Waxa u malayna masuliyinta a so aqrisay qoraladoda ina runta xoga ka ilowden. Horta cadowga waxa ah qof walbo a naftada kabaqayso inu wax kuyelo hada sifiro waxa arago ama maqasho haday ku cabsi galiyan wa cadogaga marka al shabaab iyo madfaca amisom sorido inla al shabaab kama tirsaniye shacab ba ahaye ke ba idaynaya madfaca mase shababka asago qirtay danbigisa aya la igu fulinaye. Marka away somali amisom iyo shabaabka somali mahane away dadki somaliye mideda kale in dadka lakhalo madaxa laga goyo dinta maqabta?

  5. suheyb says:

    TO: gurxan

    Gurxanow walaal horta waad mahadsan tahay hadda ayaad cadeysay ujeedadaadii qarsooneyd ee aad damacday inaad marada dulsaarto, soomaalidu waxay tiraahdaa ” lugtii dalab leh waa la gartaa laakiin carrabkii dalab leh lama garto” goor hore ayaan ka shakiyey hadaladaada qaabkey u dhadhamayeen laakiin kuma aanan degdegin inaan ku xukumo haddase 80% waa ku calool adkaan karaa inaan xukun kugu saaro jihada aad kasoo jeedo ee aad u hadlayso adigoo dhinac kale maro u tuuraya, hadalkaagana marka lasoo duuduubo wuxuu isugu imanayaa oo ku soo biyo shubanayaa “waddanka gaalaa joogta oo haysatee ina keena yar iyo weynba aan dagaalka gallee, xataa aan baaba,nee oo nimankan shabaab ee iyagu qoriga la ordaya hogaan ha inoo noqdaane, hadii kale oo aad shabaab kaliya ku hallaysaan dagaalkan dalkaan waa la qabsanayaa marka iyaga la waayo” sidaas ayuu hadalkaagu kusoo biyo shubanayaa.

    waxaanse ku leeyahay walaal waa kaa diidnay inaan shabaab daba galno oo waxa ay iyagu jihaad nooga dhigayaan ee wax walboo xuduud ka tallow ah qaadano, shacabka soomaaliyeedna ma qaadi karo fikirka shabaabka ee khilaafsan usuushii ahlu sunnah wal-jamaacah ee manhajka wasadka ah ku bineysnaa,soomaaliyana maanta xal uma aha in qori lagu raadiyo wanaageeda maxaa yeelay shacabka soomaliyeed qori waa midkii intaas kasoo reebay ee badiil kale oo caqli iyo maslaxad ku dhisan ayuu u baahan yahay marka sidaas ula soco annaga hanoo qurxinin wadadii soomaaliya soo halaagtey ee dal iyo dadba baabiisay. Alshabaabna kama cilmi badna kamana caqli badna culamada iyo cuqaashii soomaaliyeed ee dalkaan weligood u soo jeeday ee dacwadeeda usoo taagnaa dacwada salafkana soo gaarsiiyey heerkan shabaabna maanta uu doonayo inuu aaso oo barbar cawro u gadiyo.

    Hadaad tiri wiilal baa qaarna la iibsaday qaarna madaxa laga toogtay oo aad ugu garbixinayso inay ku qumman yihiin inay qaabkaan u dhaqmaan waxaan ka leeyahay taas walaal adiga ayaad moodaa inaad tahay maalin la jog, maxaa yeelay wiilasha aad sheegi shalay ayay yimaadeen dhibka aad ku sheegtay in la gaarsiiyeyna ma ahan wax iyagu ugu horreeyaan oo waa tan kowaade shacabka soomaaliyeed oo dhan ayaa diintooda loo cadaabayaa illaa maalinkaan aan joogno, waa tan labaade horeyna waa kuugu soo sheegay hadii hadal ku gelayee ummadihii innaga horreeyey oo dhan ayaa diintooda loosoo cadaabay weliba si ka daran sida ummadaan nebi muxamed , oo waatuu nebu (csw) lahaa dadkii idinka horreeyey inta madaxa miishaar laga saaro ayaa lagu kala jeexi jirey, sidoo kale Ambiyadii alle ee kheyrka badnaa ayaa la laayey oo niman mujrimiin ah oo alle ku gaaloobay laayeen sida zakariye iyo yaxye CSW hadaanan khaldaneyn, intaasoo dhan ka dib saxaabadii nebiga ee innaga fadli badnaa baa inbadan oo ka mid ah la laayey sida aalu yaasir, khubeyb ibnu cadiyyi isagoo nool ayaa jirkiisii xubin xubin loo jarjarey, bilaal ibnu rabaax sidaan aragnay baa loo cadaabey, nebi muxamed oo ugu kheyrka khalqiga alle abuuray ayaa hadh iyo habeen la rafaadinayey illaa ugu dambeystii laysku raacay dilkiisa ka dibna dhulkiisii iyo rerihiisii ka cararey, saxaabadii muhaajiriin la oran jireyna uga qaxeen dhulkoodii iyo caruurtoodii bal waxaasoo dhan akhriso oo taariikhda dib u raac, sidoo kaleoo baarbaar sida nimankii Tataarka ahaa u baabiiyeen caalamka islaamka oo magaaladay imaadaan aanay ka tegi jirin illaa ay ka hubsadaan inay cirib tireen dadkii ku noolaa, marka walaal gurxanow dhibka aad alshabaab ku sheegtay in la gaarsiiyey muxuu yahay marka la barbardhigo dadkaas salafkooda ah ee iyaga ka horreeyey, ma usuubataa marka inay inta dhib baa nala gaarsiiyey yiraahdaan ay wax walboo qaanuun sharci ah ama mid kale ay ka tallaabaan oo ku maraanmarsadaan annagaa dhibkaas na gaarey oo diintaan wakiil ka noqoneyna cid nagaga daba hadli kartaana ma jirto, maya ayaan ku leeyahay barnaamijka shabaabna waa kan ururkooda ay feedh dillaaceen ee Alqaacidda lagu magacaabo dhibka ay caalamka usoo jiideena iyo burburka iyo baaba,a dacwadana ma aha wax sanado iyo maalmo lagusoo koobi karo.
    hadiibase dhib kusoo gaaro hadaad diin leedahay saw diintu kuuma sheegin siyaabaha aad ku xallin karto oo aan xadgudubka lahayn….? waxaan ku leeyehay walaale waxba yaanu dhiigu kugu karin oo ha noogu celcelin wiil yarbaa la iibsaday ama madaxa xabbad lagaga toogtay, xamaasadna waxba ma tareyso aan meel gaareyn, hadaad sida iiga kaa muuqata aad dooneysid inaad annaga wadada shabaab na marisid oo wax aanaan awoodin nagu xamishidna kaa diidnay oo ha noo qurxinin wixii aan shabaab ku cilleyneyney qaab dhaqankooda, hadii kale oo aad soomaaliya xal la rabtidna waxaan anigu kuu ishaarayaa arrimahan soo socda ayaa soomaali maanta isku dabaqabateyn kartaa:
    1-marka ugu horreysa shabaab ha ka tanaazulaan talada dalka ee ay keligood isu tiirinayaan iyo islaamnimada ay keligood tabbaniyeen, dalkana duul soomaali la yiraahdo ayaa leh marka hore .
    2- waa tan labaade xalka dalkaan ha u ogolaadaan in soomaaliyii xalliso ahlu xilligooda iyo caqdigoodaba , oo ha kazoo hareen talada dalka ee lagasoo maamulayo kumanaanka mayl ka shishe iyo niman buuro ku jira oo aan aduunba la socon soomaali iyo bukaankeeda waxa daawo u ahna aan weligoodba arag, geed hostiina inta lasoo wada fariisto ha la dhiraandhiriyo mushkilada soomaaliya dabeedna ha la gaaro xal loo wada dhan yahay oo ummadaan dhibka ka saaraya wadada ugu dhow ee alle raalli gelinaysana loo maro iyadoo laysku miizaamayo wixii masaalix ama mafasid ah.
    3-waa tan 3aade manhajka takfiiriga ah ee cid kastoo aan aniga ahayn waa gaal ama waa camiil oranaya, iyo dadka muslimiinta ah ee dhiigooda sida fudud lagu daadinayo ha ka joogsadaan, iyo hanjabaadaha aan wax ku oolka ahayn ee cadawga ummadaan loola taagan yahay ee aan waxba u tareynin shacabka dhib kusoo siyaado mooyaane.

    Intaasi waa talada aan anigu ku talin lahaa ee xalka soomaaliya lagu gaari karo ee ha ku riyoon inaad cagta noo saarto ama aad na tiraahdo choice kale ma lihine aan dagaalka sii wadno illaa aan ninna naga harin…midda kale oohintu orgiga ka wayne maxaa sheikh saahid ad ugu biro tumanaysaa ood u leedahay qoraalaan bilaabayaa iyo xagaan ka baxayaa, ma hadaad wax reebatay sawkan aad butaacdey eed barartay eed misana ka dartay, hadal waxaan kusoo koobayaa gurxanow soomaaliya shabaab la,aantood ayey quruun iyo quruun soo jireen, mana baaba,ayso soomaali oo waa jireysaa waliba waxaan qabaa in mushkiladda soomaaliya manta ay shabaab yihiin, taariikhda inta ay qortay ee sajilanna soomaali oo aan shabaab la socon ayay cadawgeeda soo karbaashi jirtey, shabaabna iyo ururkooda Alqaacidana soomaaliya iyo muslimiinta oo dhan ayay jab aan hore loosoo marin usoo jiideen, hadii iyaga uun adigu hadda indhaha ku kala qaadey orord oo taariikhda dib u baar.

    hadalka ugu dambeeya een ku leeyahay waxaa weeye ha noqdo waxa aad inta badan adeegsato aragtiyada islaamka iyo manaahijteenna oo iska daa oo kasoo har aragtiyada reer galbeedka iyo psychlogists baa saas yiri amaba jaamacad hebla sidaas baa lagaga dhaqmaa, waxaad adeegsataa ha ahaadaan nusuusta iyo manhajka islaamka, waxaan saas u leeyahay waa inaad dhawr tusaale ood soo qaadatay aad kulligood jaanibyadaas aan soo sheegay ku base-gareysay. calaa kulli xaal sxb Gurxan soomaali ilaahay baa u maqan ilaahayna xal ha u keeno iyo dad miyirqaba.

  6. Mh Mohammed says:

    To: Gurxan,

    Eid Mubarak walaal, horta qoraalkaaga ayaan akhriyey walaahi waana u guuxay ra’yigaaga qiimaha leh, waxaan rabaa inaan hadalkaaga ku saa’idiyo Mareykanka iyo Itoobiya waxay sameysteen gaashaanbuur ay ugu magac dareen Overseas Contingency Operation (OCO) oo loogu tala galay ishii Soomaali u bidhaantaba in lagu damiyo ayadoo geed dheer iyo mid gaabanba loo korayo loona marayo dacaayado lagu afuufo qofkii loo arko in uu danaha iyo aayaha dadka samata bixin karo.
    Maxaan dawladnimo iyo gobannimo u naqaanaa maxaanse gumeysi iyo fawdo u naqaanaa?? ma waxaan dawladnimo u naqaanaa in Mahiga wixii uu rabo noo yeeriyo ninkii uu rabana isagu casilo, ma waxaanse gobannimo u naqaanaa inaan askari mactab sida aan u ogolaaano inuu shacabkeena xasuuqo gabdhaheena iyo hooyooyinkeena kufsado. Markaan saaas leeyahay maaha inaan Shabaab ahay ama aan taageersanahay ee dhibka meesha uu ka bilowday aan raadno.
    Walaaalkey Sheikh Saahid aad ayaan maqaaladiisa u akhriyaa haddana waliba diyaar uma ahi inaan riddiyo ee waxaan ugu nasteexeyn lahaa kaliya mar kasta in cadaaladda la falo lana ogaaado camal walba in nala xisaaabin doono waayo waligeen galbeedkaan ma jooi doonee qabri baan u dambeyn doonaa.

  7. mohamed says:

    asc wr wb dhaman walalaha ra’yiga meesha ku wadaageyso run ahanti maqalka waan aqriyay inkasto ay ku jirto gacan xaglin aad u badan iyo ka foganshaha runta waxa ka mid ahaa waxyabihi aan ku arkay dhalinta wax ma baran uma maleynayo manta ninka qoray maqalkan in uu ka cilmi badan yahay dhalinta hor fadhisa cadowga teeda kale dabcan culimada la baxday ictisamka waa culumi balse waa maxay waxa u dhaxeeya gaal soo dulay sida. ITOBIYA,YUGANDHA,BURUNDIYA iyo dowladii cabdulahi yusuf iyo tan shariifba teeda kale ma aqano wax aan ku sifeeyo airnka cusub ee manta socod ee ah caynta dadka ku jira camalka jihaadiga adiga haddii aad dadka ka hartay maha in aad dadka ceeben iyo cay raqiis ah la daba istagto culumada waa dad bini aadam ah ra’yina way isku qilafi karan ee maaha in aad ka dhigto waxa aan la maqli karin khilaf labo culumo dheh martay, xarakatu shabaabul mujaahidin ilahay fadligisa manta dhul baxad leh ayee ka hirgaliyen isku xukunka kibaaka alle iyo sunada rasuulkisa (scw) weligana lama rabo in aad dhuni rac noqoto, runta waa in aad aragta qof kastow

  8. Gurxan says:

    Waxaan ahay ninka ku hal qabsadey SYL oo loo jawaabayo. Magacaygu waa Gurxan fikirkayguna kuma cusba bogan iyo maqaalada Shiikh Saahid. Laakiin markan waxaan iloobay inaan magacayga xuso taasna raali galin ayaan ka bixinayaa oo magacaygu SYL maaha ee waa Gurxan. Walaalka aana magaciisa u jeedin laakiin jawaabta dheer u soo qoray aniga iyo Shiikh Saahid marka hore waad mahadsantahay. Dadka barta maadada Cilmi Nafsiga ama (Pyschology) ayaa waxay dhahaan markii dhacdo dhacdo ama dhib yimaado dadku waxay u kala baxaan 3 qaybood. 1. Qolo waxay ku mashquulaan waxa dhacay ama dhibka laftiisa. 2. qolana waxay ku mashquulaan cida dhibka samaysay laftooda. 3. Qoloda 3 aad waxay ku mashquulaan maxaa keenay inuu dhibkanu dhaco sideese looga gaashaantaa inuusan mardambe dhicin ama soo noqon. Markaad caqliga fiirisid qolodan 3 ayaa ugu fiican sadexda qolo ee loo kala baxay. Marka walaalkan waxaan marka hore kuu cadeynayaa anigu Shabaab maahi mana ahi Maxakamada Shabaab looga dacwoodo. Hadey Heshiis diideen iyo hadey talo diideen midna anigu wakiil kama ahi laakiin waxaan ku leeyahay bal horta waxaan ka hadlayo dib u fiiri oo maskaxda u fur marka hore.(Culumada Islaamka qaar kamida ayaa waxay dhahaan hadal micnihiisu ahaa ha fiirin cida hadalka tiri laakiin fiiri waxey leeyihiin”Laa tandur man qaala walaakin undur camaa qaala” Anigu Waxaan ku leeyahay waxaa weeye Al-Shabaab cirka kama imaan dhulka hoostiisa iyo Qabriyadana kama soo bixin ee waa dad Soomaaliyeed oo ah ina hebel iyo ina hebel, hamayn iyo Maalina kuma iman ee waxaa jira sabab iyo duruufo keeney inay yimaadaan.
    Tusaale aan ku siiyo caruurtii Soomaaliyeed ee Shaley la burburiyey Dawladoodii iyo Dalkoodii iyo dhamaan Mustaqbalkoodii oo lagaliyey Dagaal qabiil iyo inay camal ka dhigtaan inay xasuuqaan shacabka Soomaalieed ee walaalahood ah ama kufsadaan Gabdhaha walaalahood ah ee Soomaaliyeed ee loogu sheekeeyey waa reer hebel oo waa cadawgiina. Kadib markay faraha ka gubteen oo guul ka gaari waayeen arintaas damcay inay Diin iyo Masaajid u cararaan oo kadibna anta Reer Galbeed iyo Ethiopia iyo Qab Qablayaal isku kaashadeen qaarna ayagoo nool nool anta la qabtay loo dhoofiyey Ethiopia sida xoolihii loo dhoofin jiray Carabta qaarna markii la qab qaban waayey Madaxa laga toogtey ayagoo Masaajida ka soo baxaya, in ladhaho maxay u fogaadeen ama xag jir u noqdeen horta waa nasiib daro iyo Doqonimo qaawan. Geer Galbeedku waxay ku maah maahaan “Do not corner the Cat” oo micnaheedu yahay Bisada ha hareereyn waayo hadey weydo meel ay u cararto wey dagaalameysaa. Marka walaal Ilmaha saas oo loo galey oo noloshoodii iyo Mustaqbalkoodii saas loogu cayaarey inaad maanta la yaabtaan oo dhahdaan xagjir bay noqdeen iyo talo bay diideen horta idinka cadaalad ma idin latahay. Shiikh Saahid wuxuu yiri waxay kasoo horjeesteen Dawlada. miyaaney Dawladu ahayn mida ay Sharcidajiyaal iyo Xildhimaano kayihiin kuwii shaley dhoofin jiray Caruurta Soomaaliyeed oo dhihi jirey Argaxiso ayaan soo qabaney. Waxay ilatahay nolosha waxaad uga jirtaan qiyaali iyo dheel dheel waxaadna moodaa inay sheekadu u egtahay wixii reer waqooyigu oran jireen Carabtu anta ku nabtey Nebiga kaaga hor martaa. Marka hadaan dhahno war aan ka doodno meesha qaladku ka yimid iyo waxa qaladka keeney ma waxaan xaq u yeeshey in leydhaho Shabaab baad tahay. Soomaalidii hore waxay oran jireen “Cudurkaaga oo aad fahantaa waa Caafimaad bilowgii” Marka anigu Shiikh Saahid iyo walaalaha kale ee ii jawaabaya waxaan idin leeyahay hanoqonina Maalin la nool ku mashquula wixii markaas u muuqda ee aan ka fakarin war waxaan maxaa keeney iyo sidee bay ku dhaceen maxaase Xal iyo Dawo u ah. Soomaalidii hore waxay ku maah maahi jireen Nimaan waxa soo socda ka talin waxa joogana kama taliyo. Gabyaagii Soomaaliyeed wuxuu lahaa asagoo qolo Soomaaliya u dan leh “Halkiinaa ku Gaardiya Janaa lagu galaayaaye” Marka idinku cilmi iyo Ilbaxnimo mooda Caraatanka Shabaab. Aniguna waxaan idiin Balanqaadayaa in xataa haddii maanta Shabaab lawaayo oo qofka ugu dambeeyaa dhinto in wali laleyndoono Soomaali oo aan lawaayi doonin mar marsiinyo Soomaali lagu laayo ama loogu soo duulo.
    Allaha u naxiiriistee Sayid Maxamed C/LLe xassan ayaa wuxuu lahaa gabaygiisii Dar Daaran asagoo lahadleyey kuwo dabaal degey markii Daraawiishu Jabtey “Dilaal waxaad Cuneysaan intaan Dunida joogaa”
    Ficlan runbay noqotey oo markii Daraawiish lajabiyey ayaa dhamaantood Engiriisku ka jartey Mushaarkii lagu siin jirey inay Daraawiish la dagaalaan waxayna dib ugu wada noqdeen Baadiye ugu dambayntiina waxay ku dambeeyeen taariikh xumo iyo dulinimo. Xasuusta wixii ku dhacay
    Cali dhuux iyo Ina Cabdilla Shixiri iyo kuwo kale oo badan oo Engiriis lasocdey.
    Marka idinku taagnaada cayda Al-Shabaab ana waxaan idin tusi doonaa ayadoo Jiritaanka Soomaali baa ba’ iyo Dabar go’ joogo hadaan Illahay faraj kale keenin.
    Ugu dambayn intii hore waxay sheekadu iga ahayd naseexo iyo Maslaxo laakiin hada waxaan diyaar u ahay inaan maqaalo ka diyaariyo fikradan marka Shiikh Saahid ku talo gal in maanta kadib maqaaladaadu yihiin kuwo aan word by word and page by page aan u daba gali doono wixii natiijaa oo ka yimaadana aniga ha igu eedeeyn.

    Gurxan

  9. suheyb says:

    KU: ninka SYL ku halqabsaday iyo sheekh saahid:
    ilaah baa mahad leh nebigeenii suubanaana nabad iyo naxariis dushiisa ha ahaato.
    Intaas ka dib waxaan horta kelmad yar leeyahay sheekh saahid, oo aan ku oranayo walaal waad mahadsan tahay waa u jeedaa inaadan weli qoraalka dhameyn oo aad waddo laakiin waxaan jeclaystay inaan kugu baraarujiyo in ay muhiim tahay in aad qoraal marjic leh sida kitaabkii ( tarshiidka ) ee uu sh abulfadal qoray attchment ahaan usoo gudbiso ood dadku ha akhristaane usoo gudbiso, iyo kii kaleeto ee tacriyatu-tabri’ah ee sheekhu ugu jawaabey sh ayman al-dawaahiri markuu kitaabkiisaas durey, waayo wax badan ayaa ugu ifi lahaa dadka mudaalaxaysan kara carabiyada, hase ahaatee waa ka xumahay hadii aysan kitaabadaasi mutawwafir kuu ahayn, inkastoo aniga lafteydu aan beri hore arkay oon moodayey inaan safe gareeyey waxaan isku deyi inaan kuusoo forword gareeyo inshaa allaah si qoraaladaada aad usoo dhexgeliso, marka inshaa allaah hadii aanan mashquulin sida ugu dhakhso badan iiga sug inshaa allaah.

    Intaas dabadeed waxaan ku jawaabayaa ninka magaciisa aan soo qorin ee kaliya soo qoray (ku suheyb) oo aan filayo inuu aniga iila jeeday waxaan ku leeyahay walaal ninkaas SYL soo qaatayow horta waxaan kuu sheegayaa hadalka iyo fikirkaaga aad meesha kusoo muujisay dartiis kuugu dari maayo shabaab amaba ka dhigi maayo inaad iyaga u hadleyso, laakiin waxaan wax ka oranayaa hadaladaada qaar ka mid ah:
    Waa kan koowaade waxaad tiri “ha ku mashquulina shabaab ee waxaad ku mashquushaan Itoobiya iyo cadawga kale soomaaliya madaxa kaga fadhiya een dooneyn inay kacdo”…Hadaan marka taas wax ka iraahdo walaale qof kastoo muslim ah oo waddani ah oo soomaali ah oo aan shilimayste ahayn ( dhuuni raac ) waa ogyahay itoobiya iyo cadaawadeeda soo jireenka ah ee soomaaliya ay u qabto waliba caruurta yaryarkaana allahaa ka dhigee waa ogyihiin, waana midda keentay in itoobiya aanay weligeed guul ka sheeganin dagaal kastoo soomaali ay la gashay oo shacabka soomaaliyeed waa ka dhiidhiyeen waana la dagaaleen isku day kastoo itoobiya isku dayday inay soomaaliya gacanta ku dhigto haba ugu dambeyso sanadkii 2007-2009 oo soomaalidu ahayd xilligii ay ugu tabardareyd aduunkeed oo aanay dawladna haysan wax caalamka taageerina haysan itoobiyana ay nafteeda ugu sheekeysay inaysan soomaaliya madax dambe kor u qaadi karin, laakiin shacabka soomaaliyeed oo ilaahay kaalmeyanaya ka dib iyo isku duubnaantoodii iyo nafhurnimadii ay muujiyeen darteed rag iyo dumar, nin yar iyo nin weyn iyo nin dhaw iyo nin dheerba ayaa waxaa ay keentay in itoobiya taariikh kale oo aduunku qorey oo jab ah ay kala kulantay shacabka soomaaliyeed oo aysan marna xisaabta ku darsanin illaa itoobiya oo dulleysan ay ciidamadeedii kala baxday soomaaliya iyagoo dhiigu ka da’ayo dhaawaceedii iyo dhimashadeediina gawaaridu uga buuxaan, ww horta ogow shacabka soomaaliyeed waa yaqaanaan itoobiya waxa ay tahay dhiigooda ayuuna ku qoran yahay.
    xagga kale iyo dalalkii kale ee haweystay ee isku dayey inay soo hunguriyeeyaanna iyaguna cashar kaas la mid ah waa kala kulmeen shacabka soomaaliyeed waliba oo aan wada soconin tusaale ahaanna aan usoo qaadanno mareykanku markuu ciidamdiisa soo geliyey soomaaliya 1993 ee uu isaguna ka huleelay, intaas waxaan kaga baxayaa hadalkaagii ahaa itoobiya iyo dawladaha reergalbeedka.

    tan kale iyo hadaan usoo laabto hadalkaaga ah maxaa cause gereeyey ciilkaan iyo caradaan iyo in alshabaab sameysanto oo saan wax yeelaan, waxaan ka leeyahay taas…… walaal dhibka iyo rafaadka iyo silaca iyo saxariirta maanta caalamka islaamka ka taagan cid kastaayi waa aragtaa khaasatan dalkeyga soomaaliya oo waliba 20ka sano iyo ka badanba tan jeerkii gumeysiga soo socday oo cid kastaa waa la dhutinaysaa dhibaatooyinkaas, laakiin waxa loo baahan yahay waxaa weeyey labo arrimood inaad horta iimaankaaga ku kalsoonaato oo aad ogaataa mar hadii aad muslim tahay inaad imtaxaan iyo dhib diyaar u noqotaa ama diintaada ha lagugu dhibaateeyo amaba dembi aad gashay oo lagugu ciqaabiba ha noqdee, waa tan labaade inaad waxa badan eed dhibkaas kaga gudubtaa uu noqdaa sabir iyo inaad alle u tadarucdo ood jidkiisa si toos ah u qabsataa isagaa xal keeniye, intaas markaad sameyso waa inaad ku dartaa jadwalkaaga qorshihii aad uga bixi lahayd dhibkaan oo aad qaadaa dariiqii diintu sheegtay ee aadan jeebkaaga ka keensanin sida inaad tiraahdo waxaan dhibkaan uga baxayaa inaan qaado jidka reergalbeedka oo dimoqraadiyo ama shuuciyo ayaan qoorta gashanayaa iyo mabaadii’da kalee aan ka sokeynin iyaga, ee waa inaad hadba inta intaas ka sokeysa ee diintaadu ku amreyso dabada la gashaa oo hadii halgan kuu haboonyahayna aad halgantaa hadii kale oo aadanba halgan aadan u diyaarsaneyn oo aadan awoodiisii hubkiisii dhaqaalihiisii iyo wixii kale lagama maarmaanka u ahaa haysanna aad sabirtaa oo aadan boodboodin oodan cirkaas isgeynin cadawgaagana aadan u dhawaaqanin adoonba awood lahayn, ood xeelaystaa oodan belaayo wax walba liqeysa iska dhigin, oodan inta makarafoon qaadan aadan “kalkataan qabsan iyo saybeeriyaan duulaan ku tegin ku celcelinin” iyadoo aad ogtahay inaadan 1mayl gaari karin, ood cadawgaaga game la ciyaartaa ood maalin adigoo aan illowsaneyn shaaha la cabto ood la hesiiso , hadiiba aad ku nabadgeli maalinna aad u qososhaa adigoo dibnaha hore uun tusaya, waliba aad adiguna aduunkaaga iyo diyaargarowgaaga iyo soo kabashada dalkaaga hoosta ka wadataa, siyaabahaas ayaa kuu furan ood cadaawada soo degdegaysa ku baajin kartaa.
    tusaale ahaan nebigu csw 13kii sano ee ugu horreysay wax dagaal iyo isdifaac ah midna maanu qaadin, iyadoo waliba 13kaas sano ay ahayd xiliiyadii ugu dhibka badnaa ee muslimiinta soo maray oo inbadan oo saxaabadii ka mid ah qaarna la laayay qaarna guryahoodii ka carareen, illaa inta wax walba nebigu diyaariyey uu ka gaarey heer ay isdifaaci karaan ayaa dagaalka lagu faral yeelay oo rag iska dhiciyeen, shabaabna kama kheyr badna nebi muxamed iyo saxaabadii dhibka lasoo mariyey umana furna inay maanta yiraahdaan sidaan baa dad loo galay iyo saan baa dad loo halaagayaa oo waa inaan jar iska xoornimo sameyno oon cadawgeena wax alla iyo wixii aan la gaaro oo ama qaniinyo ama xanguruufo ah ku daynaa…! taasoo aan waxba siyaadineyn aan dhib ahayn cadawna waxba u dhimeyn.
    ugu dambeystii iyo hadaan ka jawaabo hadalkaagii ahaa shabaab baa la caayay iyo in wax laga sheego daawo maahan…waxaan ka leeyahay walaal cay ma ahan hadaan alshabaab manhajkooda iyo usuusha ay jihaadka u dagsadeen wax ka sheego ee waa tasxiixin aan saxayo oon ummadda tusinayo in wadada ay qaadeen ay tahay mid qodxo badan oo aan dhib mooyee dheef soo kordhineyn, diinta ayaana qabta in ruuxa waxa uu ku khaldan yahay la tilmaamo, adiga naftaada ayaa ku tilmaamay niman indho la’ oo reergalbeedka caradoodu indha tirtay oo adigaaba cay rasmi ah caayey, marka walaal waxaan ku leeyahay in dariiqa ruuxu meel u qaadayo haduu khaldan yahay la saxo cay maahan waayo waxaad ummadda inteeda kel uga digeysaa inaanay waddadaas qaadin si aanay ugu lumin.

    Shabaabna iyo uruka ay ka farcameen ee alqaacidda maanta caalamul-islaami wax aan dhib ahayn umaanay soo jiidin oo wax ay soo kordhiyaan iska daaye dadkii muslimiinta ee aduunka ayay gaalo oo dhan kusoo jeediyeen iyaga oo aan waxba awoodin, diintii islaamkana way magac dileen, oo diinta islaamka maanta waxaa loo yaqaanaa diin aan naxariis lahayn oo wax uun aan dil gawrac qarxis mooyee wax kale aqoon, waxaana waxaa keenay waddada ay u qaadeen isdifaaca bal u fiirso dal kastoo caalamka ka mid oo ay alqaacidda iyo ururadooda hoos yimaada ka kaceen dab iyo halaag umbaa sii siyaadey iyo diin la,aan iyo gaalo muslimiinta loogu yeero dabeedna looga cararo, soomaaliyaa ugu dambeysay oo itoobiyaankii markii dalka ka baxeen oo wax yar oo Ugandese ahi oo 3000 ahi joogaan ayaa alshabaab laga waayey war walaalihiina kale la heshiiya oo dalkii soomaaliyeed iyagaaba ugandeseku isaga huleeli doonaane dawlad aad u dhan tihiin u sameysta oo dagaalka halkas ku joojiya, ka dibna ay gashaanka u daruureen oo yiraahdeen ummadda wixii aan annaga ahayn diin ma lahan ee annaga waxoo dhan gacanta hanaloosoo geliyo hadii kale gaw iyo hash ma lahan, Ugandesekaana galab nagu qaadan mayso inaan meesha ka saarro, iyo war mayee ummadaan barakacday ee 20ka sano dagaalada lasoo tiicaysay salka u dhiga oo soo guryo celiya iyo maya amaya hadaan taanadu socon cirka ha laga cabbo…ka dibna boodeen oo dhaceen oo xaga u ordeen oo xaga u siqeen oo guuxeen oo doobi dhabeen ilaa dorraad tii ka horreysay ay muqdisho isaga carareen baqahoodiina ka dhacay tan iyo kismaayo, baydhabo, iyo baardheere, xilli dadkii soomaaliyeed ay half malyan wax barakacay iyo wax baaba’ay noqdaan ciidamdii gaalada ee shalay 3000 ahaana gaareen 12000, marka walaale SYL sheegtow nimankaas in ummadda looga digo manhajkooda ma caybaa…anigu taas haday cay noqotay ma garanayo wax kaloo sax noqonaya…wsc.

  10. abuu saciid says:

    Asalaamu calaykum, Berri hore ayaa waxa jirtay nin reer baadiye ah ayaa waxaa uu dilay nin reer magaal ah, qoyskii uu ka dhashay ninkii wax dilay ayaa ergo ugu yimid qoyskii reer magaalka ahaa ee wax laga dilay. qoyskii wax laga dilay waxay ogolaadeen inay diyo qaataan. mar walba oo la damco in lasoo gunaanado hadalka ayaa mid ka mid ah qoladii wax laga dilay uu weydiiyaa “horta maxaa loo dilay shangole”, Shangole waa magaca ninka la dilay. taasoo keentay in hadalkii guntami waayo. Hadalka Sheekh Saahid sidaas ayuu u eg yahay “markii ay Amxaaraddii baxday,yaa dagaalka bilaabay shabaab iyo AL-qaacidda???” horta somali maloo ogol yahay inay dhinac isu raacdo,Sheekh Shacraawi ayaa waxa uu yiri : “cuntada gudinta ama faaska ayay ka timaadaa, fikirkana madaxa” taas waxa uu ula jeeday markaad isku filan tahay ayaad fikirkaada xor u tahay. Qoladaan kumeelgaarka ah xor ma u yihiin fikirkooda? sidoo kale Alshabaab. Laakiin waxaa ii dhow Alshabaab oo fikirkooda ka qaadanaayo dad islam ah.

  11. Mohammed says:

    Faylosoof caan ah ayaa hadalladiisa waxaa ka mid ahaa “The only disability in life is a bad attitude. ~Scott Hamilton.
    Waxaan ula jeedaa mawqifka aan Shabaab ka qaadaneyno iyo dad kaloo ra’yi dhaw xambaarsan waxaa ka weyn ra’yiga iyo mawqifka nalooga baahan yahay inaan ka qaadanno cadaawada gaamurtay eee ay Ethiopia iyo America noo qabaan dhamaaan muslimiinta qaas ahaan annaga Soomaali ahaan.
    Ilaaahaw xaqa na waafaji

  12. SCWXWB:
    Ku Suhayb haddii aan jawaab fudud ku siiyo markii ay Amxaaraddii baxday,yaa dagaalka bilaabay shabaab iyo AL-qaacidda???
    Marka ku suhayb ma SYL baan ka hadalnaa ???maya waa in aan waxa socda oo mushkillada soomaalida ah ka hadalna ???horaan yaan amxaaro & mareykan ula dirirnay, marka yeysan kaa hoos bixin arrinku shabaab waa dhibta maanta soomaaliya ka jirta !!! Alxamdulilaahina haatan waa shubayn baan filayaa waana ku sii wadaynaa ??? ha la gaaro Amxaaro ???

  13. Ku Suheyb says:

    Walaal Suheyb marka hore mahadsanid marka 2 aad waxaan ka mid ahay dadka Qoraalka Shiikh Saahid dooda ka qaba laakiin ka mid maahi dadka ku xajiimoodey qoraalka, waayo anigu kuma xajiimoodo fikrad uu soo qorey qof walaal ah. Adigana aan ku saxee haddii maqaalka laga soo horjeesto micnaheedu maaha in laxajiimoodey oo dhiigu karay. Maraykanku waxay ku maah maahaan ama lagu tarbiyeeyaa Ardeyda Jaamacadaha ku jirta “Regardless of our difference what we have in common is more than what we disagree” oo micnaheedu yahay si kasta oo aan fikirka ugu kala duwanahay waxaan isku raacsanahay ayaa ka tira badan waxaan isku Khilaafsanahay” Runtii arintaasu waa xadaarad iyo ilbaxnimo ama biseyl aan anaga Soomaaliya u baahanahay inaan gaarno. Sidaa darteed Suhayb waxaan kamid ahay dadka aad su’aasha weydiisey laakiin ka mid maahi dadka qoraalka ku xajiimoodey. Xiligii ay ururkii SYL ku jireen halgankii Gobonimo doonka ayaa waxaa dhibay oo ay mariwaayeen Dad Soomaaliya oo Muslimiin ahaa oo dhex taagnaa SYL iyo Gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska. Dadkaasu mar waxay ahaayeen Muslimiin, Mar waxay ahaayeen Soomaali oo hadii la layaao dhib iyo kugu dhimey oo kaa dhimay ayay ahayd. Hadii lays ka dhaafo waxay dufaacayaan oo ku mashquulsanaayeen sidii SYL u tir tir milahayd oo Talyaani iyo Ingiriis u guuleysanlahaayeen. SYL waxay go’aan ku gaartey inaan lagu mashquulin dadkaan indhaha leh laakiin araga daran oo gumaystuhu mar hore diyaarsadey laakiin lagu mashquulo ninka ayaga soo diraya oo ah Gumeystaha. marka Suheyb anigu Shabaab iyo Al-qaacida midna maahi laakiin aan adiga su’aal ku weysiiyee ma waxaa haboon inaan ku mashquulo kooxahaan Muslimiintaa oo carada iyo ciilka reer Galbeedku indho tirey, mise waxaa haboon inaan ku mashquulo war xagee caradaan iyo ciilkaanu ka yimid maxaase keeney inuu heerkaan gaaro? maxaase xal iyo Dawo u ah ma inaan is cayno oo is faar faarno mise inaan Dawo iyo Cilaaj sax ah ka fikirno? Mise kula tahay in arinta Shiikh Saahid kahadlayo tahay Daawo iyo Dood xalaala oo haysata jidkeedii iyo dariiqeedii?
    Gabyaa Siiriyaan ahaa ayaa wuxuu layaabay Madaxda Carab sida markay ayagu isla joogaan u yihiin geesiyaal oo isugu hanjabaan marka ay reer Galbeedka horjoogaana madaxa hoos ugu rogtaan markaas ayuu tiri yey Gabay micnihiisu ahaa “Asadun calaya wafil xuruubi nicaam” oo micnihiisu ahaa markuu aniga i arko wuxuu noqdaa Libaax markuu meelaha ragu isku haysto tagana wuxuu noqdaa Goroyo oo madaxuu ciida dhigtaa. Marka Suheyb iyo Shiikh Saahid ma waxaan ka doodnaa the root cause of the problem ama gunta iyo khaladku meeshuu ka yimid mise waxaan ku wareegnaa Daaha kore iyo meel aan waxba ool. Maan ka doodno oo wax ka qorno Cadawga iyo Itoobiyaanka dad keena xasuuqayo oo dhulkeena nagu heysta? Maan ka doodno Reer Galbeedka lacagta iyo Hubka ku bixinaya sidii aan Soomaali mar dambe u soo kici lahayn oo madaxa looga garaaci lahaa? Maan ka doodno wixii Abuuray Shabaab iyo wixii kalifay inay samaysmaan? Hadii Beertu miro qaldan soo saarto ma Beertaa la eedeeyaa mise cidii Beerta beertey? You blaming the product and ignoring the producer. Reer galbeedku waxay ku maah maahaan Bad employees always scolds their tools. Shaqaalaha xunu waxay mar kasta canaantaan qalabka ay ku shaqaynayaan. Suheyb iyo Shiikh Saahid reer Galbeed iyo Itoobiya waxay la dagaaleen Dawladii Aden cade, tii C/Radhiid Cali Sharmarke iyo tii Kacaankii Maxamed Siyaad Bare oo Nato iyo Warso isugu tageen Bur burkeedii Marka aan Su’aal idin weydiiyo Suheyb iyo Shiikh Saahid madaxdaan iyo Dawladaahaanu ma Al-Shabaab iyo Al qaacida ayey ahaayeen maxaa loola dagaaley oo loo bur buriyey?
    Soomaalidu waxay tiraahdaa Doqoni qufacdey meel laga raacayna garan weydey.
    Marka amay haboontahay in aanaan iska dhigin Taariikhyahano birta calashadey anagoon Alif wax maleh gaarin. Idinku is ku mashquuliya Shabaab iyo Qaacida ana waxaan idin leeyahay idinka iyo kuwa aad ku mashquulsantihiinba waxaa idiin qoran Dil toogasho ah oo aan ka noqosho lahayn.
    Soomaalidii hore waxaa caado iyo dhaqan u ahayd inay ka garaabaan hadii laga gar leeyahay. Malagayaa in walaalahay ii garaabaan mise waxay ii arki doonaan Shabaab waalan oo aan waxba galeyn. Waxaan rajaynayaa in Suheyb iyo Shiikh Saahid iigu soo jawaabaan si hufan oo ka turjumeysa qoraalkayga hadii laysoo caayo ama laydhaho shabaab baad tahay ana waxaan dhihi doonaa “so what”?

  14. SCWXWB:
    Suhayb waad mahadsantahay macluumaadkaaga se anigu wali qoraalka waan wadaa anigoo soo qaadanaaya waxyaabihii uu Abu fadal DR. C/siis uu ka sheegay xarakadaas ayadoo qodobbo ahna waan wadaa ilaa iyo hadda qoddobkii ugu horeeyey ayaan dhigay oo ah Bicadada ay la yimaadeen ee ah in aan Ruux aan jihaadkooda ku jirin ama raacsaneyn uusan Caalim aheyn, taas ooy meel cidlo ah iyo rag aragti gaaban wax ka qaataan oo kaliyah.
    Midda kale suhayboow kitaabka ( Tarshiid camal Al-jihaadi) anigu kama hadlin ee Tixraac ahaan baan u soo qaatay, waanan muujiyey in uu qoray waagii uu ahaa aragtidheerihii Mujaahidiinta, se Ayman baa daabiciwaayey.
    Kitaabka aan qoraalkayga Asal uga dhigaayo waa kitaabka la yiraahdo:
    ( mudakaratul altacriyah minal tabr’iah ) oo shiikhu ugu jawaabaayey Ayman kitaabkiisii ( Al-tabri,ah) oo uu qaar Dr. fadal ka biliqeystay kitaabkiisii hore ee Tarshiidka.
    Marka Suhayboow saas u faham kitaabkan danbe shiikhu wuxuu qoray markii Masar lagu xiray asagoo ugu jawaabaaya Ayman kitaabka uu ku leeyahay waxaan ka bari noqday dadka jihaadka diidaaya.
    Ugu danbeyntii aad baad ugu mahadsantahay Haddii aad helayso kutubtaasna noo soo foward-garee ayagoo attachments ah ayaan soo galineynaa si dadka carabiga yaqaana ay u dhaalacdaan.scwxwb

  15. suheyb says:

    soomaalidu waxay tiraahdaa ” DAB HADII LA YIRAAHDO MA AFKAA LAGA GUBANAYAA” macnaha runta hadii la sheego ma la dhimanayaa, waxaan ula jeedaa ninkaan saahid la leeyahay anigu hadda ka hor qoraaladiisii horee la shegayo ma arag, laakiin waxaan ka marag kacayaa in waxa uu qorey ee ka sheegay xarakada Shabaab iyo ururkeeda ay ku abtirsataba ee Alqaacidda ay wax aad u fara badan ka jiraan, waliba marka uu dhexgalay xarakadan iyo ururka ay salka ku hayso iyo culimadeedaba waxyaabo aad u badan oo ay in si ballaaran loo bayaamiyo ayuu iska dul marey oo uusan si qumman u iftiimin, walow ay aheyd inuu si fiican daaha uga qaado siiba kitaabkaan uu qoray sheekh Assayed Imaam( abulfadal) ee tarshiidul-camalul-islaami oo uu kusoo bandhigay khaladaad aad u badan oo magaca jihaadka lagu gelayo, ogow kitaabkaasi wuxuu sheekhu qoray intuusan xabsiga geline, waxaan taas uga ixtiraasayaa dad badan oo halhays ka dhigtay kitaab xabsi lagu qorey lama citibaarinayo iyadoo taas aan fikirkeyga ka oranayo, laakiin kitaabkaas isaga ah sheekh c/casiis abulfadal wuxuu qorey intaan la qaban ee uusanba xabsiga gelin, walaahi kitaabkas ninkii akhrista wuxuu arki xadgudubyada aan kala goa lahayn ee lagu gelayo magac jihaad, ee dad uun xamaaseysan la ordayaan, iyaga oo aan cilmi u lahayn sheekhaanina waa ninkii ay jihadiyiintu siiyeen laqabka ah muftii-almujaahidiin ee xarakadaas jihaadiga ee masar hogaamiyaha ka ahaa Ayman dawahiri ka hor isaguna dhammaantood wuu ka cilmi badnaa oo ilaahay wuxuu baray ayuu ka unsheegayey sidaasaana Ayman markii dambe uga soo horjeestay isagoo waliba sheekhiisii iyo hogaamiyihiisii shalay markii dambe ku timaamay inuu camiil u yahay mareykanka tuhmadaasina waa mid jaahisah u ah qof kastoo waxa jihaadka dadka qaarkiis ku tilmaamayaan ka soo horjeesta, laakiin sheekha abulfadal laftiisa ayaa si adag uga jawaabay hadalkaas Ayman aldawaahiri oo isaga laftiisa dabagal adag iyo in waxa uu ku caayayo uu isagu ku sifeysnaa sheegaya oo waliba ka dalbaya haduu Ayman runsheegayo in uu Mubaahalo usoo diyaargaroobo, saahidse maanu iftiimin waxyaabahaas oo dhan iyo waliba isagoo awooday inuu maraajicda usoo fududeeyo oo xaqiiqo ahaan u soo guuriyo risaalooyinkaasna usoo guuriyo oo qaab cid kastaayi furan karto usoo sameeyo oo wakhtiga iyo wax ku ciriiri ahba mooyee wuu iska soo gaabsaday si kastabase ha ahaatee cid kastaa waa ay raadsan kartaa macluumaadkaas oo xataa cidii google-gareysa way helaysaa risaalooyinkaas.
    Waxaa kaloo aan oran karaa saahid weli waxyaabo badan oo in laga hadlo ahayd kol haduu mawduucan galay ayuu iska indho tiray oo ah xaqiiqada oo uusan si fiican u taaban oo ku aadan inuusan wax weyn kasoo qaadin manhajka nimankaan Alqaacida la yiraahda ee alshabaab salka ku hayso oo leh inbadan oo usuusha Takfiirta ah taasina ay tahay midda keentay in culimada islaamku jihaadkooda farta ku fiiqaan maadaama uu usuushii ahlu sunnaha waxyaabo badan ku khilaafay mana doonayo inaan kusii dheeraado tas iyada ah waayo majaalkeediiba ma joogo oo waxaygu waa tacliiqin oo kaliya, saahidna duuduub ayuu u siiyay nimanku inay nimanku yihiin salayiyiin barax la,oo hadana jihaadkoodii aanu ishaarin usuushiisa, waxaana ahayd in si wacan uu u basdiyo manhajkooda takfiiriga ee kasoo jeeda xarakaadkii takfiirta ee masar ee abulfadalba uu ka bari noqdi noqday markii dambe haduu eebbe idmose mar kalaan isku deyi inaan qoraal ka sameeyo.
    Intaas hadaan taas uga baxo waxaan suaal ku celinayaa dadkaan faraha badan ee ku xajimooday hadalka ninkan uu ka hadlay xarakaadkaan jihiidiyiinta isku magacaabay ee Alshabaab iyo Alqaacidda ee qaylada weyn afka la kala taagey, suaashaan idin weydiiyey ayaa waxay tahay miisaanka aanu marka hore saarno ururadaan iyaga ahe dhamaan dalalkii ay ka hawlgaleen sida masar,Afganistaan, chechniya, jazaair, ciraaq, soomaaliya pakistaan, ma jiraa wax guul ama kheyrkii ay doonayeen ah oo ay kasoo xasiliyeen oo ama dawlad islaam ah oo ay ka taageen amaba gaalo ay ka xoreeyeen, amaba guulo ay tirsanayaan oo ay kasoo hoyeen, oo aan ka ahayn in ay meel kasta inta dab ku dhejiyeen ka dibna muslimiintii markii gaaladii isugu timid oo iska soo buuxiyeen dalkoodii, ay ka carareen, iyo waxaan takhriib iyo dil dib u dhac xag diimeed ama xag dhaqaaleba aan ka ahayn oo laga dhaxlay, illaa ay gaartey in maanta islaamka loo haysto wax uun wax dila oo dhiig daadiya oo caruurta gawrgawraca aan naxariisba soo agmarin, waxaan intaas ahayn oo laga dhaxlay ma jiraa jihaadka ay sheeganayaan kooxahaan alqaacidda iyo alshabaab…iiga soo jawaaba ?

  16. cubeydullaah says:

    Gabayguna waa mid ka socda Sayyidka, kuna socda nin ay markaas is hayeen (Cali Dhuux Aadan). Arrinta aan rabey in aad illa aragtaan ayaa ah meel u Sayyidku ku weeraray culimada fadhida een aan goobaha dagaalka tagin, asagoo ku tilmaamaya gabayga halku-dhigiisa “shid iyo hoog”

    Gabaygu wuxuu dhacey sidaan:

    Nin shaaficidu reebtee,

    Ku shuhroobay fulannimo

    Shimbirahana aan hubin,

    Hadday shababaxleeyaan

    Oo aan shahiidkiyo,

    Shiishkiyo xarbada tegin

    Sharaarna aan deyneyn,

    Isna waa shiddiyo hoog

  17. Ibnu Cali Maqaalka ma aadan akhrin si fiican u akhri pls DR. ma xirna ee waa hore ayaa la sii daayey markay dawladdii masar iyo xarakadiisii ay heshiis kala saxiixdeen.
    Al-Ictisaam ma ahi se waxaan u aaminsanahay Culumo Soomaaliyeed sida akhwaanul muslimiin ay Culumo u yiihiin .
    Ibnu Cali adigu Culumo ma lihid sababtoo ah waad la cabsatay in aad sheegto, Maqaalkii Hooyo ifka hibo ku nooloow Aakhirona halkii Roon wuxuu noqday Maqaal ( Hit) ah oo Soomaaliyoo dhan u khashuucday, marka adiga wax lagaa weydiinmaayo bal weydii Webka Soomaalitalk.

  18. Ibn Cali says:

    Sahidow daliil ma waxaad ka dhiganeysaa kataab ay qoreen dabadhilifyada maraykanka oo loo tiiray Abu fadal… Nin xabsi ku jira oo lagu qasbi karo wax walba, iska daa sharciga islaamiga ahe kan gaalada xataa ma dhigayo in laga waraysto arimahan oo kale nin xabsi ku jira adigana waxaad leedahay kitaab uu qoray.
    Xataa haduu qoray maxaa illaa hada xabsiga looga sii dayn waayay inlaa wuu kabari noqdaye Al-qaacidee, hadii ad ku jawaabto dambigii horaa loo haystaa waxaan ku leeyahay dad badan oo katirsanaa ayaa lasii daayay.
    Taasi waxay cadaynaysaa inaad la imaan xujo cad oo ku durto jihaadka… waxaad tiri sheega hal caalim oo yiri waa jihaad waxay wadaan… tan laiku daalin maayo jawaabteda sababto ah hadaan kuso tiriyo culimo badan waxad leedahay anigu kuwaas culimo uma aqaan, marka sidee nooga dhaadhicin culimada Ictisaamka ee lasafan Amisom iyo ethiopia.
    Horaan kuu sheegay inay kaa dhamaatay xigmadii yarayd ee waagii hore ad lahayd hada waxaad isugu soo hartay mar ad HEES noo soo qorto iyo mar ad latimaado wax xataa ay kaxishoodaan gaalada iyo dabadhilifyadooda.